Golaha Wasiirrada Oo Go’aammo Ka Soo Saaray Shidaalka Wasakhaysan

0
397 views
Golaha Wasiirrada Oo Go'aammo Ka Soo Saaray Shidaalka Wasakhaysan

Golaha Wasiirrada Oo Go’aammo Ka Soo Saaray Shidaalka Wasakhaysan

shirkiigolaha wasiirrada Somaliland oo maanta lagaga hadlay shidaalka wasakhaysan ee dalka soo galay, waxaa laga soo saaray qodobo wax lagaga qabanayo tayada shidaalka dalka Soo galaya. waxaa maalmihii u dambeeyay dhibaato ku keenay bulshada shidaal wasakhaysan oo waddanka ku baahay waxaanay go’aammada la soo saaray yihiin:-

  • In tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado shirkadihii keenay shidaalkii wasakhaysnaa ee dhibaatada soo gaadhsiiyey qaar kamid ah gaadiidka dalka.
  • In Hay’adda Dhawrista tayada Somaliland ay la wareegto awoodda shaybaadhka hubinta shidaalka ee yaalla xarunta keydka shidaalka, si loo sugo tayada shidaalka dalka soo gelaya.
  • In xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland keento lab(Shaybaadh), lagu hubiyo tayada shidaalka waddanka soo gelaya, isla markaana kor loo qaado awoodda hay’adda dhawrista tayada ee dalka.
  • In wasaaradda ganacsiga, wershadaha iyo dalxiisku yeelato awoodda ugu dambaysa ee shidaalka dalka gudihiisa lagu isticmaalayo.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.