Golaha Wakiilladu Ma Laaluush Buu Ku Ansixiya Xeerarka?

0
328 views
Golaha Wakiilladu Ma Laaluush Buu Ku Ansixiya Xeerarka?

Golaha Wakiilladu Ma Laaluush Buu Ku Ansixiya Xeerarka?

Xildhibaanno Dhawr ah ayaa ka muraara dillaacay golaha wakiillada Somaliland oo diiday mooshin ah hor keeneen. Waxa la yaab noqotay in mudaneyaal mooshinka la waday markii codka la gaadhay ay ka soo horjeesteen.

Guddi golaha ka tirsan ayaa golaha hor keenay mooshin lagu doonayo in Kaydka Haamaha Shidaalka Somaliland ee Berbera laga qaado shirkaddaha maamula laguna soo celiyo gacanta dawladda markii Shidaal wasakhaysan lagu shubay laakiin, golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday mooshinka ogolaadayna in shirkaduhu maamulaan haamaha.

Xildhibaannada mooshinka waday ayaa la yaabay sida arrintani u dhacday ee xattaa mudaneyaashii mooshinka saxeexay markii codka la gaadhay u diideen mooshinka.

Xildhibaan Obama waxa uu ayaan darro ku tilmaamay codaynta maanta ee golaha waxaanu madmadow galiyay daacadnimada golaha isaga oo  ku dooday in mudaneyaashu mawqifkooda bedelaan una baahan tahay baadhitaan rasmi ah.

 

Xildhibaannada ayaa aaminsan in ay sharci darro ahayd sifada xukumaddii hore haamaha ku bixisay haddana ay doonayeen in laga soo celiyo

 

Dhawaan Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal oo wakiillada ka tirsan ayaa sheegay in mudaneyaasha golaha ay baayacayeen shirkaddaha dalka qaarkood oo danaynayay xeerka Tamarta oo goluhu ansixiyay waxaanu golaha ku eedeeyay laaluush qaadasho taas oo keentay in golaha laga mamnuuco 15 maalmood.

Xildhibaan Muddo Laga Mamnuucay Golaha Wakiillada Somaliland

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here