Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Ansixiyey In Xukuumadu Wada Hadal La Furi Karto Maamulka Khaatumo

0
18

Hargeysa (Sayruuq):- Fadhigii saaka ee ay yeesheen mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominaayey gudoomiye ku xigeenka golahaasi Baashe Maxamed Faarax ayaa waxaa ay xildhibaanadu cod gacan taag ah u qaaden in xukuumadu wada hadal la furto maamulka Khaatumo

 

Waxana fadhiga saaka ka soo xaadiray 44 Xildhibaan waxaa ogolaadey in xukuumada Somaliland wada hadal la furto maamulka Khaatumo isla markaana ku taageeray  42 Xildhibaan 1 xildhibaana wuu ka aamusey cid diideyna ma jirto , waxaana sidaas ku dhaqan galay wada hadalada ay xukuumada Somaliland la wado maamulka Khaatumo oo dhawaan loo balansan yaay in wajigiisii saddexdaad dalka Imaaradka ka furmo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here