Gobollada Galbeedka Oo Codkii Ugu Badna Lumiyay Iyo Tirada Aan Kaadhadhkooda Qaadan Gobol Kasta

0
564

Hargeysa(Sayruuq) Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa bishii Maarij shaaciyay tirada codbixiyeyaasha is diwaangeliyay oo dhan 873,331(Sideed boqol saddex iyo todobaatan kun, saddex boqol iyo kow iyo soddon qof) laakiin, waxay guddidu shaacisay 10-10-2017 in ay kaadhadhkooda qaateen kaliya 704,089 taas oo ay noqonayso tirada dadka aan kaadhadhkooda qaadan 169,242 qof.

Lixda Gobol Tirada Is diwaangelisay Tirada Kaadhadhka Qaadatay
Gobolka Awdal 147031 102,571
Gobolka Maroodijeex 312,634 249,229
Gobolka Saaxil 78,842 60,817
Gobolka Togdheer 178,506 147,440
Gobolka Sool 71,096 63,698
Gobolka Sanaag 81,222 80,334

 

Tirada gobol Walba lumisay codadka

Lixda Gobol  Tirada dadka aan kaadhadhkooda qaadan
Gobolka Awdal 44,460
Gobolka Maroodijeex 63,405
Gobolka Saaxil 18,025
Gobolka Togdheer 31,066
Gobolka Sool 7,398
Gobolka Sanaag 4888

 

Gobollada Maroodijeex, Awdal iyo Togdheer ayaa lumiyay tirada ugu badan ee codadkii hore isu diwaangeliyay. Guddida doorashooyinka ayaa sheegay in sababta ay dadku u soo doonan waayeen kaadhadhkooda ay tahay abaarihii darna ee dalka ku dhuftay. Eng Faysal Cali Waraabe oo BBC-da la hadlayay ayaa isna sheegay in ay dadka oo siyaasiyiinta ka niyad jabay qayb ka tahay tirada yar ee is diwaangelisay walibana ay qaar badan kaadhadhkooda qaadan waayeen

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here