Home Articles Gobolka saraar waxa horumarka ka hortaagan Goboladii kalena ka reebay,

Gobolka saraar waxa horumarka ka hortaagan Goboladii kalena ka reebay,

6 min read
0
0
530
  • Gobolka saraar waxa horumarka ka hortaagan Goboladii kalena ka reebay, qayb ka mid ah dadka dega degmada Caynaba barina aan Oog u gaadhin galbeedna aan Wadamagoo u gaadhin.
    Saraar waxay ka mid tahay Goboladii uu sanadki 2008 magacaabay madaxweynihii hore ee somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin, tan iyo intii la magacaabayna aan samayn wax horumar ah, marka laga reebo Ganacsade jaamac Karaacin oo ku soo kordhiyey hotelka keli ah ee degmadu leedahay, horumar la’aantaas oo ay sababtay dadka degmada Caynaba dega oo kala garan waayay Gobol iyo degmo, iyaga oo doonaya wax kasta oo u soo kordha Gobolku in iyagu ay gacantooda soo gasho, haday shaqaale tahay iyo haday horumar kale tahayba, taas oo sababta in dhamaan isu duweyaasha iyo dhamaan shaqaalaha kale ee ka hawl gala Gobolku noqdaan isku xaafad ama isku family. Waa meesha kali ah ee aad arkayso Isu duwe iyo kuxigeenkiisa oo ilmader ruma ah, iyada oo majooratina ay ka soo jeeda hal beel. Cidiiku soo korodha ee ka mid ah beelaha dega Gobolkana ay ugu qaylinayaan sida Ey Guri uu ilaalinayay tuug u soo dhacay.
    Hadaba waxa sanadkan aan ku jirno loo magacaabay laba isu duwe ku xigeen beesha degta Galbeedka Gobolka saraar, taas oo keenta in sida fiinta ay uga qayliyaan beeshaas caanka ku noqotay gurintirnimada iyo daba galka dadka ay wada degaan Gobolka iyaga oo Baraha ay bulshada ku leeyihin ku soo qorayay hadalo deel qaaf iyo xanafi ku dheehantahay.
    Ugu danbayn waxaan halkan idiinkula wadagayaa dhamaan masuuliyiinta ka hawl gala Gobolka Saraar iyo beelaha ay ka soo kala jeedaan, waana sidan hoos ku cad:
    REER YOONIS:
    1. Isu duwaha Wasaarada macdanta iyo tamarta
    2. Isu duwaha Wasaarada Madaxtooyada
    3. Isu duwaha Wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada
    4. Isu duwaha Wasaarada Ciyaaraha
    5. Isu duwaha Wasaarada Diinta iyo Aw qaafta
    6. Isu duwaha Wasaarada Ganacsiga
    7. Isu duwaha Wasaarada Biyaha
    8. Isu duwaha Wasarada Wershedaha
    9. Isu duwaha Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta
    10. Ku xigeenka Wasaarada Dibu dejinta
    11. Ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga
    12. Ku xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud
    13. Taliye Ku xigeenka Qaybta
    14. Taliye ku xigeen Xabsiyada
    15. Xisaabiyaha Guud ee Gobolka
    16. Xisaabiyaaha Wasaarada Caafimaadka
    17. Gudoomiyaha Waaxda Talaalka ee Wasaarada Caafimaadka Gobolka
    BEESHA CUMAR JIBRIIL:
    1. Isu duwaha Wasarada xananada xoolaha
    2. Isu duwaha Wasaarada waxbarashada iyo taclinta sare
    3. Isu duwaha Wasaarada beeraha
    4. Isu duwaha wasaarada Hawlaha Guud
    5. Isu duwaha wasaarada Qorshaynta Qaranka
    6. Isu duwaha wasaarada duulista iyo hawada
    7. Kuxigeen Isu duwaha diinta iyo awqaafta
    8. Agaasimaha waaxda sama falka
    9. Badhasaab ku xigeenka gobolka
    10. Taliyaha xabsiga
    11. Xisaabiyaha wasaarada waxbarashada
    Beesha Solomodow:
    1. Isu duwaha Wasaarada dib u dejinta
    2. Ku xigeenka Isu duwaha biyaha
    3. Ku xigeenka Isu duwaha xanaanada xoolaha
    4. Ku xigeenka Isu duwaha macdanta
    5. Xoghayaha degmada
    Beesha Cali Bare
    1. Isu duwaha Wasaarada deegaanka
    2. Ku xigeenka Isu duwaha
    3. Xoghayaha Gobolka
    Beesha Biciide
    1. Isu duwaha Wasaaradda Maaliyada
    2. Isu duwaha Wasaaradda Caafimaadka
    3. Taliyaha Sirdoonka
    Hadaba waxa wax laga xishoodo ah beesha 20 ka masuul u joogaan gobolka ay wada degaan beelaha tirade badani hadana ka dagaalamaya haday nadiifiso soo korodho min wasiir ilaa waashmaana si isku mid ah uga wada hadlaya.
  • WQ:Mohamed Jama
  • https://www.facebook.com/profile.php?id=100015892540726
Load More Related Articles
Load More By admin
Load More In Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Dawladda Somaliland Oo Beesha Caalamka Ka Codsatey In Cadaadis La Saaro Dalka Somaliya

London (Sayruuq) Dawladda Somaliland, ayaa ug baaqday dawladda dhawaan la doortay ee Sooma…