Go’aanka Xukuummadda Ka soo baxay!

0
142 views
Biyo-la'aan....

Go’aanka Xukuummadda Ka soo baxay!

Xaaladdo gaar ah uun baa dhaqdhaqaaqa oo cawayntu qayb Ka tahay la mabnuuci karaa oo waa ‘Xaaladaha Deg degga (Emergency Situation).’ Taasna waa mid dastuurku jideeey, sababeeyeyna.

Laakiin, in iyadoon ammaan darro jirin lagu dhawaaqo, lana sababayn waayo waxay xad-gudub Ku tahay dastuurka xuquuqo uu jideeyey. Tusaale ahaan, xuquuqda dhaqdhaqaaqu waxa Ka farcama xuquuqo badan oo ay Ka.mid yihiin in muwaadinku socon karo xilliga uu doono, cawayn karo. Waxa kale oo xidhiidh la leh xuquuqda ganacsi. Intaas ba haddii waqti loo qabanayo waa in la sababeeyaa.

Laguma jiri xalad digtaytar amma kaligii talks ee dalka waxa Ka talisa xukuumad cod shacab ku timid, go’aannadeeduna waa in ay noqdaan kuwo aan daastuurka Ka horimaanayn.

Go’aannada noocan ah maxkamadda looga dacwoon lahaa lama aasaasin oo waa maxkamada Dastuuriga ooo mujiim u ahaan lahayn ilaalinta xuquuqaha muwaadinka. Maxkamadda Sare ayaa shaqadaas sii Hausa hadda si ay tahay ba.

Xukuumaddu waxa ay sharci-dejin Ku heshaa awood wareejin (Deligated legislative), waanan sababta loogu ogolaado in sharciyada aan ahayn kuwa aasaasiga (Primary act) ay soo saari karaan sida digreetada, wareegtada amma siyaasadaha amma go’aannada, kuwaaso sharci noqda.

Haddaba, haddii ay Ku xad-gudubto waxa ay samaysau a wood Ku takri fal (Substantive Ultravirus), taasna waxa lagu xakameeyaa kantaroolka Garsoorka (Judicial control). Waxa mar dhacda in go’aanka xukiimaddu uu dastuurka Ka horyimaad (Illegal or unconstitutional), wxaana gi’aanadaas baabisa Maxkamad Dastuuri ah marka hannaankeena la eegaayo.
Ibrahim khadar

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.