Go`aamadii ugu Yaabka Badnaa ee Uu Sameeyo Hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi

0
356 views

Hargeysa(Sayruuq)-Hogaamiye Kim Jong Young ,waa shakhsiyad aad u layaab badan muran badan iyo hadalhayntiisuna tiro beeshay ,taariikhidiisa kooban ee uu xilka hayay hadana waxaa uu sameeyey go`aano ka dhighay unuu ku guulaysto hogaamiyaha ugu layaabka abid!
Kadib markii aabihii Kim Jong uu geeriyooday hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi bishii December 2011 ,xukunka waxaa lagu wareejiyey wiilkiisa Kim Jong ,hanaanka loo maray wariijinta ayaa ahaa dhaxal-suge iyo naanaysta waqtigaas ee “dhaxlkii Weynaa”.
Laga bilaabo waqtigii xukunka la wareegay oo da`diisa lagu qiyaasayay 28 jir ,adduunku indhaha ayuu ku hayay go`aamadda layaabka iyo wareerka badan ee uu qaato Kim jong Oon ,, waxyaabihii ugu cajiibsaana ee sameeyay 4 sannadood ee xilka hayay aynu soo qaadano:
Wasiirka Difaaca ku-dilistiisa Hubka lidka Diyaaradaha .
Hogaamiyaha Kuuriydda ee Kim Jong Oon waxaa uu soo saaray digreeto amar ah oo lagu khaarijinaayo wasiirkiisa Difaaca Hoon Yoong SHuul ,isagoo lagu dilay wasiirka xabadaha loo adeegsado lidka diyaaradaha ,waxaanu hogaamiyuhu wasiirkaasi ku tilmaamay ,mid yareeyay ixtiraamki iyo qadirintiisa ,wasiirka ayaa iyadoo lagu jiro munaasibad rasmi ah yara lu`looday ,sidaasna tuhunkiisu noqday mid meelka dhac ku ah hogaamiyaha .
Go`aankaasi ayaa ahaa go`aamada ugu danbeeyay ee yaabka badana ee u gaadho hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi ,waxaanu soo saaray digreetadaasi 13 May 2015 .
Timo jarashadda
Hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi wax uu soo saaray shuruud uu u dhigay timo xiirashadda dowladda ,halka uu haweenka u sameeyay xiirasho kaliya oo ka kooban 18 nooc ee xiirashadda ,noocyadaasina dalka ayaa lag ogolyahay isticmaalkeeda ,intaas waxaa dheer shuurud xadidan oo xiirashada raga ah .
Sidoo kale waxaa uu soo saaray in ay mamnuuc tahay timaha oo la xinaysto ama midabkooda la badalo ,sidoo kale waxaa lagama maarmaan ah in laga fogaado timo goosadhada aan dalka gudihiisa laga ogleyn .
Timo goosashadda uu oglyahay hogaamiyaha Kuuriya dadka lamaanaha iyo kuwaan guursan dhanka haweenku way kala gadisanyihiin waana labba qeybood oo kale duwan,taas oo lagu kala soocayo gabadha xaaska leh iyo gashaantadda.
Hogaamiyuhu dhanka ragga waxaa u soo dajiyey toban qaab timasho go`ayn kuwaas oo makra kowaad kasiman xaga dhincyo xiirashadda oo la cadeynaayo halka timaha sare-nna ilaa shan sintemter aaysan ka dheeraan Karin.
Filmkii waraysiga
Kuuriyaddda waqooyi dowladda Mareykanka ayey hanjabaad adag hawadda u marisay ,sabatuna waa filmka “Warayisi” waa film ila qosol mareykan ah kaas oo lagu dheeldheelayo hogaamiyaha Kuurya oo dhacdooyinka filmka dhexdiisa lagu dilaayo .wargeyisyadda dunnida uga caansan ayaa baahiyey in hogaamiyaha Kuuriya uu ka danbeeyey weerarkii dhanka Internetka kaas oo logula wareegay macluumaadkii shirkaadda “Sony” si ay u joojiso filmkaasi ay sameysay.
Dilkii Eyda
Hogaamiyaha Kuuriyadda ayaa dil noocisa hore loo arag ku sameeyay ninka edadii isaga qabay mr Jaank soong kaas oo lagu tuhmay inuu sameeyay is daba marin –ku tacluqa Musuqmaasuq-,waxaanu soo kaxeeyay koox Eyo ah oo tiradoodana lagu qiyaasay 120 Ey oo aan wax cunta ah la siinin shan cisho ,eyda ayaa lagu sii daayay meeshii uu ku xidhnaa masuulkaasi ,taas oo la`isla qiray in ay tahay dilkii ugu foosha xumaa ee qof lagu dilo.
Dilkii Xabad loo adeegsaday jeceylkiisi Hore.
Hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi haweenay xidhiidh ka dhaxeeyay oo hobolad ah laguna magacaabi jiray Hoon soonji ,laagu soo xidhay iyada iyo 17 kale oo lagu soo tuhmay inay duubeen aflaamta noocyadda xun xun ,balse hogaamiyaha ayaa go`aan ku soo saaray digreeto kaaso gabigoodaba gidaar inta la taago xabad nool loo adeegsanayo ,halkaasna aynu ka dhamaato sheeko jeceyl oo ku soo afmeero inuu jecelkiisa gacntiisa ku khaarjiyo,
Magaciisa waa Mamnuuc inoo loo bixiyo caruurta soo dhalata .
Go`aankan kale ee yaabka leh .hogaamiyuu wax uu ka mamnuucay in loo bixiyo magaciisa caruurta soo dhalata ,sido kale waxa uu diiday in lala baxo magaca qoyiska xilka haye ee Kim jong oon iyo magaca aasasaha dowladda ee kim Iil Soonj.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.