Geerida Suxufiga Reer Sacuudi Ee Jamal Khashoggi Oo U Eg

0
716 views
Maxaa ka soo cusboonaaday Dhacdadii Wariyihii la waayey Jamaal Khashoggi

Geerida Suxufiga Reer Sacuudi Ee Jamal Khashoggi Oo U Eg, Mindidii Maxamed Binu Salman Uu Qoorta Iskaga Gawracay.

Usbuucii hore, ayaa magaalada Istanbul ee xarunta ganacsi ee kala badha qaaraddaha Aasiya iyo Europe, waxaa ka dhacay qiso gilgishay ra’yul caamkii dunida.

Jamal Khashoggi oo ah suxufi u dhashay dalka Sacuudi Arabiya, kana mid ahaa dadka aqoonta leh ee fara-ku-tiriska ah ee ka soo jeeda dalkaasi, ee ka dhiidhiyay xaq darrada iyo sida uu nidaamka Maxamed Binu Salman ka wado dunida Islaamka ah iyo barriga dhexe, ayaa isagoo sii gallaya kambuulka dhismaha qunsuliyadda Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbul, la waayay meel uu jaan iyo cidhib dhigay.

Booliiska dalka Turkigu waxay aaminsanyahiin in Jamal Khashoggi ay 15 basaas oo laga soo diray magaalada Riyadh isla markaana magaalada Istanbul soo gaadhay isla maalintii Khasshogi gallaayay gudaha safaaradda ay intay dileen, maydkiisiina ku qaadeen bas madaw oo safaaradda hor yaallay, lagu tuuray meel aan la garanayn.

Nidaamka ka taliya Riyadh ee Maxamed Binu Salman, ayaa dhinacooda sheeganaya, in Jamal Khashoggi uu qunsuliyadda Sacuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul yimid, dhawr saacadood ka dibna ka baxay, balse markii Booliiska Turkigu ka codsadeen Sacuudigu inuu caddeeyo inuu Khashoggi ka baxay safaaradda, waxay ku noqotay afku juuqda ha gabo, waxay marmarsiiyo ka dhigeen, in ay ku soo dhawaynayaan baadhayaasha dalka Turkigu, inay baadhaan gudaha safaaradda dalka Sacuudiga ee magaalada Istanbul, balse baadhayaasha dalka Turkigu waxay aaminsanyahiin in maydka Khashoggi mar hore laga saaray dhismaha safaaradda.

Booliiska magaalada Istanbul ayaa shallay waxay shaaciyeen, sawir muujinaya markii Jamal Khashoggi uu sii gallaayay gudaha dhisamaha safaaradda dalka Sacuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul, maantana waxay shaaciyeen muuqaal sawiro ah, oo muujinaya 15 nin oo ka mid ah basaasiinta Sacuudiga oo intay isla maalinta soo gaadheen Istanbul, yimid gudaha safaaradda, haddana isla markiiba ka dhoofay Istanbul.

Arrintani waxay noqotay qarax siyaasadeed oo sida naabal dhimbiil ah dib ugu soo noqotay Maxamed Binu Salman iyo nidaamkiisa ka taliya dalka Sacuudiga.

Senator Lindsey Garaham, oo ka mid ah mudanayasha aqalka sare ee dalka maraykanka, ahna Mudanaha ugu caansan Washington ee xisbiga Jamhuuriga ee madaxweyne Trump, ayaa isagoo maanta la hadlaayay warfidiyeenadda Capital Hill, wuxuu sheegay in haddii ay cadaato, in Jamal Khashoggi lagu dhex dilay gudaha safaaradda Sacuudiga ee Istanbul, ay taasi tahay bilawgii, dhamaadka xukunka Maxamed Binu Salman.

Madaxweynaha dalka maraykanka Donald Trump, oo ay saaxiib dhaw yahiin qoyska reer Salman, ayaa isaguna sheegay inuu ka amakagay warkani, isla markaana uu yahay mid aan loo dul qaadan karin “waxaan jecelahay in la cadeeyo, waxaan la hadlay Maxamed Binu Salman iyo boqorka Salman laftigiisa, waxaanan u sheegay in loo baahanyahay baadhitaan cad, oo dhex dhexaad ah”.

Mr. Trump wuxuu sheegay in haddii ay cadaato in nidaamka Binu Salman, ay ka danbeeyeen dilka Suxufiga Jamal Khashoggi, uu maamulkiisu bixin doono jawaab adag.

Dalalka Britain, France iyo xarunta midawga Yurub ee Brussels, ayaa iyaguna farriimo adag u diray Riyadh, afhayeen u hadlay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda ee magaalada London, ayaa sheegay in haddii ay dhabawdo, dilka Suxufi Khashoggi, ay taasi keenayso in uu dalka ingiriisku codsado inaan nidaamka reer Salman lagu aamini karin tallo danbe.

Waa Kuma Jamal Khashoggi

Jamal Khashoggi, wuxuu 60 sanno jirkii uu buuxsami lahaa usbuucani 13 bishani aynu ku jiro ee October, wuxuu mar tafatire ka noqday wergeyskii Al Watan ee magaalada Riyadh ka soo baxa, wuxuu sidoo kalana qoraalo is daba joog ah ku daabici jiray wergeysyada Washington Post iyo wergeyska Guardian ee dalka ingiriiska.

Sannadkii 2002 dii wuxuu u noqday la taliye boqorkii hore ee dalka Sacuudi Arabiya, Cabdalla Binu Cabdicasiis, balse markii danbe wuxuu noqday suxufi madax bannaan, balse difaaca siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka Sacuudigu waagaasi wakhtigii Boqor Cabdalle.

Sannad ka hor markii Maxamed Binu Salman noqday gadh-hayeenka boqortooyada Sacuudiga, ee uu xidh xidhay boqolaal ka tirsan ganacsatadii, dhaqaalayahankii, suxufiyiintii iyo waxgaratadii Sacuudiga, ayuu aad uga cadhooday, wuxuuna ka baxay dalka Sacuudiga, isagoo ku noola magaalada Washington ee dalka maraykanka.

Dhawr bilood ka hor ayuu Jamal Khashoggi usoo guuray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaasi oo doonaayay inuu ku guursado, gabadh u dhalatay dalka Turkiga, sababta uu hadda u gallay gudaha kambuulka safaaradduna, waxay ahayd inuu ka soo qaato waraaq muujinaysa inuu furay xaaskiisii hore si uu guursado xaaska cusub, sida sharciga guurka ah ee dalka Turkigu farayo.

Dhawr maalmood ka hor intaanu galin, gudaha kambuulka aqalka safaaradda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ayuu u sheegay weriye ka hawl galla wergeyska Guardian, in naftiisu halis ku jirto, haddii uu ku laabto dalka Sacuudigana la dilayo.

Maxaa Ilaa Hadda Laga Ogyahay Baadhitaanka ay Booliiska Turkigu Wadaan.

Booliiska dalka Turkiga, ayaa sheegay inay aaminsanyahiin in Jamal Koshoggi lagu dhex dilay gudaha qunsuliyadda dalka Sacuudiga ee magaalada Istanbul qadar yar ka dib markii uu gudaha u gallayba, waxay baadhayaasha booliiska ee dalka Turkigu, aaminsanyahiin in dilkiisa loo soo diray 15 nin oo ka tirsan basaasiinta dalka Sacuudiga, oo isla maalinta uu Khashoggi gudaha u gallaayay safaaradda Sacuudiga soo gaadhay magaalada Istanbul, loona soo diray arrintani.

Booliisku waxay sheegeen in ay baadhayaan, afar gaadhi oo midi yahay midabkiisu madaw, oo kamaradaha CCTV ee dhismaha safaarada u dhaw qabteen isagoo xagiisa danbe albaabka danbe ee safaaradda loo gelinayo, iyagoo baadhayaashu aaminsan in gaadhiga madaw lagu qaadayay maydka Khashuggi qadar ka dib markii lagu dhex dilay gudaha safaaradda.

Waxaa kale oo baadhayaasha dalka Turkigu sheegeen, inay baadhayaan laba diyaaradood oo ah nooca Jetska ah ee ay raacaan diblomaasiyiintu, oo dalka Sacuudigu leeyahay oo wadday shan iyo tobanka nin ee ka tirsan basaasiinta Sacuudiga.

Baadhayaashu waxay sheegeen in labada diyaaradood, mid ka mid ahi ay toos u fadhiisatay madaarka Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, halka ta kalana ku hakatay magaalada Dubai, markii danbana fadhiisatay magaalada Riyadh.

Baadhayaashu waxay sheegeen in ay hayaan, muuqaaladda baasabooradda iyo magacyada ay isticmaaleen 15 basaas ee Sacuudiga ah ee loo soo diray inay falka gaysteen.

Arrinta ugu layaabka badan, ayaa ah in baadhayaasha booliiska Turkigu, ay sheegeen in maalintii Khashoggi uu gudaha safaaradda gallaayay, uu maamulka Safaaraddu fasaxay, shaqaalaha ammaanka ee ka hawl galla dhismaha safaaradda oo ah shariikad dalka Turkigu leeyahay, “waxaa loo sheegay shaqaalahu inay fasax yahiin, oo aanay soo shaqo tagin.”

Waxay sidoo kale baadhayaashu sheegeen in afar kamaradood oo ah kuwa dhismaha dul saarnaaya laga masaxay xogtii ku duugnayd ee ay duubeen, halka qaar kale oo gudaha ku yaalayna la furay.

Arrinta ka sii yaab badan, ayaa ah in saraakil ka tirsan haayadda sirdoonka dalka Turkiga ee MIT loo yaqaano ay sheegeen in ay hayaan codod telefoono ah, oo ay ka qabteen dhexda, cododkaasi oo ah xogoo ay isweydaarsanayaan madaxda sare ee dalka Sacuudiga iyo diblomasiyiinta safaaradda Sacuudigu ku leeyahay Istanbul, oo lagu hagaayay qaabka qabashada Khashoggi loo maamulayo, balse waxay sheegeen in cododkaasi xaqiijintooda ay kala shaqaynayaan hadda saraakiisha sirdoonka ee dalka Britain iyo maraykanka.

Warbixinta waxaa soo diyaariyay Mohamed Abdi Hassan Diridhaba

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.