Geelle & Keating Oo Xiisadda Tukaraq Ka Wada Hadlay

0
432 views
Geelle & Keating Oo Xiisadda Tukaraq Ka Wada Hadlay

Geelle & Keating Oo Xiisadda Tukaraq Ka Wada Hadlay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Danjire Michael Keating oo bookhasho ku tagay Jabuuti. Labada masuul ayaa ka wada hadlay doorka Jabuuti ku leedahay nabadaynta Soomaaliya iyo arrimaha AMISOM.

Xogaha laga helayo kulanka ayaa sheegaya in labada masuul si qoto dheer uga wada hadleen xiisadda ka taaggan degmada Tukaraq ee gobolka Sool oo Somaliland iyo Puntland isku hayaan, waxaanay isla qireen in aanu xalku ahayn dhiig daadka laakiin, loo baahan yahay in dhinacyada lagu qanciyo in khilaafka wada hadal lagu dhammeeyo.

 

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa hore ugu fashilmay baajinta dagaalka Tukaraq xilli uu Garoowe iyo Hargeysa socdaal ku yimid laakiin, maalmo kadib dagaalku dib uga qarxay Tukaraq.

Madaxweyne Geelle iyo madaxweynaha Somaliland Mr Biixi ayaa xidhiidh wanaagsan leh waxaana la rumaysan yahay in madaxweynaha Jabuuti aanu ku qanacsanayn xiisadda ka taaggan Tukaraq kuna hawlan yahay wixii karaankiisa ah in uu ka qabto.

Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay in ururka IGAD iyo beesha caalamku u xilsaartay sidii looga baaqsan laha dagaal dambe oo ka qarxa degmada Tukaraq, waxaana la rajaynaya in ay labada dhinac isaga dab qaado si wada hadal loogu xalliyo muranka taaggan.

Geelle & Keating Oo Xiisadda Tukaraq Ka Wada HadlayGeelle & Keating Oo Xiisadda Tukaraq Ka Wada Hadlay

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.