Geelle & Afwerki Oo Sucuudiga Ku Kulmay

0
183 views
Geelle & Afwerki Oo Sucuudiga Ku Kulmay

Geelle & Afwerki Oo Sucuudiga Ku Kulmay
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shalay la kulmay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki kadib kulan ka dhacay magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga.

Madaxweynayaasha labada waddan ayaa is gacan qaaday, waxaana muuqata in Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis uu kulamo gooni-gooni ah la yeeshay madaxda labada waddan.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay markii wasiirka arrimaha dibedda ee Eritrea Osman Saalax uu dhowaan booqday dalka Jabuuti isaga oo ay la socdana wasiirrada arrimaha dibedda ee waddamada Itoobiya iyo Soomaaliya.

Jabuuti iyo Eritrea ayaa dagaallo ku dhexmareen xuduudda kadib khilaaf in muddo ah u dhexeeyey.

Hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Ereteriya ayaa dorraad isla Sucuudiga ku kala saxeexday heshiis Taariikhi ah oo lagu soo afjaray xaaladdii dagaalka iyo cunfiga labada dal waxaanay arrimahan ka mid yihiin isbedelka Geeska Afrika ka socda oo u muuqda in isbahaysiga Sucuudigu gadhwadeen ka yahay.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.