Ganacsade Ay Isku Beel Yihiin Madaxweynaha Oo Hawlo Badan U Fududeeyey Xukuumadda

Shirkadahii Hore Gacanta ugu Hayey Haamaha Shidaalka Berbera oo Shalay Ka Muquurtay xukumadda, Cabashadoodii oo Aan Weli La Xalin iyo Xukuumadda oo Mar Kale Sheegtay in ay Si Rasmi ah u La Wareegayso

0
787 views
BOG Oo Ganacsade ay Isku Qoys Yihiin Madaxweynaha Digniin u Dirtay

Ganacsade Ay Isku Beel Yihiin Madaxweynaha Oo Hawlo Badan U Fududeeyey Xukuumadda
Berbera(Sayruuq):-Xukuumadda Somaliland, ayaa shalay weji-gabax kala kulantay
la wareegidda Haamashii Keydka Shidaalka ee Berbera, ka dib markii ay hore guddidii Madaxweynahu u xil saaray wareejinta Haamahaasi ay sheegeen in la wareegidda Haamahaasi loo balansan yahay maalintii shalay oo aan u suurto-galin sababo la xidhiidha muran weli ka dhex-taagan Xukuumadda iyo dhinaca Shirkadahii hore gacanta ugu hayey Maamulka Haamahaasi.

Qaar ka mid ah Wasiirrada ugu tunka weyn Xukuumadda oo ay ka mid yihiin wasiirrada Maaliyadda iyo Ganacsiga kana mid ahaa guddidii Madaxweynahu u xil saarey soo wareejinta Haamaha Keydka Shidaalka Berbera, oo shalay subaxii Berbera u tagay siddii ay u soo wareejin lahaayeen Haamahaasi, ayaanay u suurto-gelin in ay gebi ahaan la soo wareegaan maamulkii iyo gacan ku heyntii Haamaha ka dib markii ganacsatadii iyo shirkadahii Shidaalka ee hore gacanta ugu hayey ay ka muquurteen in ay yimaadaan si looga la wareego.

Wasiirada dhinaca Xukuumadda ka socdey oo kala ahaa Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Ganacsiga oo ay wehelinayaan Maayirka Berbera, guddoomiyaha Gobalka, Maamulahii hore ee ku meel-gaadhka ahaa ee Haamaha Keydka Shidaalka iyo Maareeyaha Cusub ee Madaxweynahu u soo magacaabay Haamahaasi oo shalay subax gudaha u galay Xarunta Haamaha Keydka Shidaalka Berbera, ayaa ku hungoobay in ay la soo wareegaan Haamaha Keydka Shidaalka Berber ka dib markii ganacsatadii iyo shirkadahii hore gacanta ugu hayey Haamaha Keydka Shidaalka Berbera ay ka muquurteen in ay ka soo xaadiraan madashaasi marka laga reebo Ganacsade Cali Ibraahim Ciise(Cali Waraabe) oo ah madaxa Shirkadda Waraabe oo ka mid ahayd shirkadaha Shidaalka ee gacanta ku hayey Haamaha Berbera oo la sheegay in isagu taabacsan yahay in ay Xukuumaddu la wareegto Haamaha Keydka Shidaalka Berbera.

Wasiirka Maaliyadda oo ka dib markii ay dibadda uga soo baxeen xarunta Haamaha ay Warbaahintu su’aalo ku boobtay isaga iyo Madaxdii kale ee la socotay, ayaa waxa ay warbaahintu weydiisay in ay la wareegeen Haamahii Keydka Shidaalka Berbera iyo in kale, waxaana uu yidhi:-

“Beri(Maanta), ayaanu ballanay haddii Alle yidhaa, waana innoo beri isha Allah, markaas bay dhacaysaa wareejintu.”.Ayuu yidhi Xasan
Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo isagu na ku tiraabay erayo kooban, ayaa waxa uu yidhi:- “Lama wareejin e’ Hawshu ha noo dhammaato, kana hor dhici mayno.”.

Maamulahii hore ee ku meel-gaadhka ahaa ee Haamaha Shidaalka Berbera Mudane Cali Jaamac oo isagu na erayo kooban sheegay, ayaa waxa uu yidhi:- “May dhicin, may dhicin ba wax xil wareejin ahi.”.
Balse Duqa magaalada Berbera Cabdishakuur Ciddin oo Warbaahinta la hadlay, ayaa waxa uu ku adkeystay in Xukuumaddu ay gebi ahaan ba la wareegtay Haamahii Keydka Shidaalka ee Berbera.

“Amarka Madaxweynaha qaranka ayaa shaqeynaya, siddii uu Madaxweynahu yidhi baana loo wareejinayaa, dawladda ayaana la wareegaysa. Waa la la wareegay dawladda ayaana la wareegtay.”. Ayuu yidhi Cabdishakuur Ciddin.

Hadda ba Wargeyska Waaberi oo aad ugu kuur-galay sida oo kale na xidhiidho la sameeyey dad goob-joogayaal ka ahaa dhaq-dhaqaaqii iyo hujuunkii ay Xukuumaddu ku soo qaadey la wareegidda Haamaha Keydka Shidaalka Berbera, ayaa sheegaya in shaqada keliya ee Wasiirrada iyo Madaxdii kale ee shalay la socotay ba ay soo qabteen ay tahay in ay soo kala oggaadeen sida saamiga Shidaalka ee ku jira Haamaha Keydka Shidaalka Berbera ay u kala lahaayeen shirkadahii hore gacanta ugu hayey Haamahaasi.

Wararku waxa ay xaqiijiyeen in Ganacsade Cali Waraabe oo ay isku beel yihiin Madaxweynaha Somaliland isla mar ahaantaana ay hore iskugu dhaceen shirkadahii uu ka midka ahaa ee gacanta ay ku soo wada hayeen Haamaha Shidaalka Berbera, in uu dhinaca Xukuumadda u fududeynaayey sida shirkadahu ay saamiga Shidaal ugu kala lee yihiin Haamaha Keydka Shidaalka Berbera iyo weli ba sida oo kale qaab hawleeda shaqo ee Haamaha iyo waaxaha kala duwan ee shaqo iyo shaqaale ba.

Ganacsade Cali Waraabe, ayaa la sheegay in sababa uu u raacay dhinaca Xukuumadda ay tahay in uu lee yahay Markab Shidaal oo taagan dekadda Berbera isla mar ahaantaana ay Xukuumaddu u balan-qaadey in ay isticmaalayso Markabkiisaas Shidaal, sidaas awgeed na uu uga soo horjeestay shirkadahii kale ee ay isku dhinaca ahaayeen.
Dhinaca kale, wararku waxa ay iyagu na xaqiijiyeen in Maareeyaha Cusub ee Madaxweynahu u soo magacaabay Haamaha Keydka Shidaalka Berbera uu isagu na la wareegay gaadhigii gaarka ahaa ee Mareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka Berbera isla mar ahaantaaana ay isa soo barteen agaasimeyaasha iyo dhammaan ba qeybaha kala duwan ee Haamaha Shidaalka Berbera.

Ugu dameynti, lama ogga goorta Xukuumaddu ay si rasmi ah u la wareegi doonto Haamaha Shidaalka Berbera balse waxa ay sheegeen in ay maanta si rasmi ah ula wareegi doonaan, waxaana ay taasi ku xidhnaan doontaa sida ay uga fal-celiyaan ganacsatadii iyo shirkadahii hore gacanta ugu hayey Haamahaasi oo aad ugu dhegan in la siiyo lacago ay sheegeen in ay Xukuumaddii hore kala saxeexdeen. Balse arrintan muranka ahi waxa ay sababi kartaa in kor u kac ku yimaado qiimahii shidaalka ee Somaliland.

Source: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.