“Gabadh Xidhan Baa La Yidhi ‘Nayjeeri Baa Lagu Soo Xaraynaya’ Waa Wax Dhaqanka Islaaminimada & Dadnimada Ka Baxsan,” Dr Cirro

0
1,195 views
Dr Cirro Oo La Waydiiyay Sababta Aanu Somalia Ugu Jawaabin

“Gabadh Xidhan Baa La Yidhi ‘Nayjeeri Baa Lagu Soo Xaraynaya’ Waa Wax Dhaqanka Islaaminimada & Dadnimada Ka Baxsan,” Dr Cirro

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro oo ku jira socdaal uu gobollada Bariga ku marayo ayaa si adag dhalliilay hoggaaminta madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxa uu walaac ka muujiyay xadhigga muwaadiniinta iyo nolosha sii qaaliyoobaysa.

Dr Cirro oo shalay galab bulshada magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar fagaare kala hadlayay ayaa sheegay in muddada kooban ee madaxweynuhu xilka hayay uu dad badan xidhxidhay waxaanu ku baaqay in Boqor Buurmadow iyo dadka kale ee xidhanba la sii daayo.

4 ama 5 bilood ayuu Muuse Madaxweyne ahaa laakiin, xabsiyadii dalku way buuxsameen; qofkii hadla, qofkii riyooda, qofkii Facebook wax ku qora, qofkii Twitter wax ku qora, waxaa maynaan maqli jirin barigii hore. Mid baa Facebook wax ku qoray oo la xidhay maynaan maqli jirin, gabadh baa riyootay oo la xidhay maynaan maqli jirin. Gabadh baa la xidhay oo la yidhi Nayjeeri baa laguu soo xaraynaya maynu maqalay wax dhaqanka Islaamnimada iyo dadnimadaba ka baxsan weeye,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro.

Dr Cirro waxa uu taageerayaashiisa u sheegay in xisbiga Waddani u taagan yahay toosinta dhalliilaha xukumadda, islamarkaana doonayo in xorriyaddooda loo soo celiyo dadka xidhan oo Boqor Buurmadow ugu horeeyo waxaanu xukumadda ku dhalliilay in ay ku fashilantay wax ka qabashada sixir bararka saamaynta taban ku yeeshay nolosha bulshada Somaliland.

 

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.