Gabadh Gacanta Booliska Ku Dhimatay Oo Gilgishay Kilalka Soomaalida Itoobiya

0
602 views
Gabadh Gacanta Booliska Ku Dhimatay Oo Gilgishay Kilalka Soomaalida Itoobiya

Gabadh Gacanta Booliska Ku Dhimatay Oo Gilgishay Kilalka Soomaalida Itoobiya

Afhayeenka dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa soo jeediyay in ay caddaalad hesho Tayasiir Cumar Food oo ciidamada liyuu Boolisku ku dileen degmada Qabri Dahar. Waxa uu sheegay in aanay gabadhu wax dambi ah galin, islamarkaana loo baahan yahay in ay caddaalad hesho.

 

Sida ay warbaahinta u sheegeen ehelada Gabadhan oo u shaqaynaysay dawladda hoose ee Qabri Dahar waxa xidhay ciidanka Liyuu Booliska muddo kadibna geerideeda ku soo wargeliyay ehelkeeda. Waxa la sheegay in ay ku dileen cabudhin ama ceejin iyada oo wararka qaar sheegayaan in ay daldaleen laakiin, sababta loo xidhay wax war ah lagama helin.

Arrintan ayaa kicisay dadka degaanka, islamarkaana dhalisay mudaharaado lagu diidan yahay dilka gabadha inkasta oo markii dambe xaaladdu degtay.

Waxa xusid mudan in mucaaradka dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya ay si weyn u taageerayaan xubnihii ugu caansana kacdoonkii Oromada kuwaas oo si weyn ugu kacsan Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo ay u arkaan in uu xilligii ay mudaharaadayeen si weyn u taageerayay dawladda Federaalka.

Oromada ayaa baraha bulshada ku faafinaya in degaanno ka mid ah Oromada laga taageeray mudaharaadka Soomaalida laguna diiday dilka gabadhan yar.

Siyaasadda Itoobiya ayaa u muuqata mid soo furfurmaysa oo dadku dareenkooda muujin karaan iyada oo dhawaan mudaharaad ka dhacay dhanka Itoobiya ee magaalada Wajaale ee ku taalla xuduudka Somaliland.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here