Federaalka Itoobiya Oo Digniin U Diray Dawlad Degaanka Soomaalida

0
459

Hargeysa(Sayruuq) Dawladda Federalka Itoobiya ayaa digniin u dirtay Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya(DDSI). Digniinta ka soo baxday waaxda warfaafinta Federaalka ayaa ku wajahnayd waaxda warfaafinta DDSI sida lagu sheegay bayaan lagu baahiyay warbaahinta Addis Stardard waxaana loogu baaqay in ay joojiyaan faafinta waxyaabaha kicinta keeni kara ee ka dhanka ah Oromada.

Warbaahinta Addis Stardard waxay ku warrantay in waaxda warfaafinta Kilalka 5-aad iyo madaxa waaxdaasi lagu faafiyay arrimo ka dhan ah Oromada xilli ay labada gobol u dhexayso xaalad nugul oo nabad galyo darro waxaana dhammaan dhinacyada loogu baaqay in ay ka waantoobaan waxyaabaha sii hurinaya xaaladda ka taaggan labada gobol.

Dhammaan dhinacyada ayaa lagu boorriyay in ay is xakameeyaan islamarkaana fuliyaan sarraynta sharciga iyo dhaqan galinta dadaallada lagu doonayo nabad waarta kadib markii madaxda Oromada iyo Soomaalidu isugu jawaabeen warbaahinta iyo baraha bulshadu ku xidhiidho.

Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ayaa digniinta ka dib soo saaray qoraal uu ciwaan uga dhigay ‘Ballanteenu waa shaqo’ waxaanu sheegay in la joojiyo dacaayadaha xaaladda uga sii dari kara isaga oo meesha ka saaray in uu masuul ka yahay waxyaabaha lagu qoro bog facebook  oo magaciisa lagu isticmaalo laakiin, aan la aqoon cidda maamusha. Waxa boggan lagu qora faallooyin ka dhan ah Oromada waxaana dhacday in marar badan warbaahintu xigatay laakiin, waxa uu sheegay in uu bari ka yahay boggaasi.

Colaadda Oromada iyo Soomaalida waxa ku barakacay 150,000 oo qoomiyadda Oromada ah. Sidoo kale waxa la sheegay in dhawr boqol oo Soomaali ahi ka soo tallowday degaannada Oromada. Qaadka Somaliland iman jiray ayaa sidoo kale la joojiyay. Muuqaallo BBC-du baahisay ayaa lagu waraystay dad Oromo ah oo ka barakacay kilalka Soomaalida kuwaas oo sheegay in ay ka carareen wixii ay haysteen markii ay colaaddu dhacday ee ay lafahooda u baqdeen.

Wasiirka warfaafinta Itoobiya Negeri Lencho oo ka soo jeeda qoomiyadda Oromada ayaanay kalsooni ku qabin DDSI. Boggag aad looga taageero DDSI ayaa lagu sheegay in Wasiir Negeri u dhurtay Oromo lana saftay degaankiisa, islamarkaana cuqdad u muujiyay Soomaalida. Wasiirku waxa uu mar sii horaysay ku eedeeyay Somaliland in ay barakicisay 3000 Oromo ah arrintaas oo aad loola yaabay. Wasiir Sacad Cali Shire ayaa sheegashada noocaas ah ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin. Sidoo kale safaaradda Somaliland ee Addis Ababa oo dhawaan dab qabsaday ayaa loo xidhay hal qof laakiin, wali wax faahfaahin ahi kama soo bixin.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here