“Farmaajo Wuxuu La Soo Baxay Buuggii Siyaad Barre,” Eng Faysal

0
116 views

“Farmaajo Wuxuu La Soo Baxay Buuggii Siyaad Barre,” Eng Faysal

Faysal Cali Waraabe ayaa markii u horaysay sheegay in aanu la dhacsanayn siyaasadda Madaxweyne Muuse Biixi ku hoggaaminayo dalka, islamarkaana ay hadli doonan dadkii doortay. Waxa uu taageeray aragtiyo ku saabsan in dagaalka Tukaraq ku kali yahay beelaha Kulmiye ku midaysan isaga oo madaxweynaha ku canaantay in aanu labada xisbi mucaarad midna ka talo galin tallaabooyinka uu qaadayay.

Eng Faysal Cali Waraabe wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo in uu raacayo dariiqii Siyaad Barre, islamarkaana dadka si qabyaalad ku salaysan u qayb qaybinayo taas oo uu doonayo in uu Somaliland soo gaadhsiiyo. Waxa uu si weyn uga soo horjeestay in bariga Somaliland la soo faro geliyo isaga oo taageero u muujiyay dhaqdhaqaaqa ciidanka qaranka ee aagga Tukaraq.

Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu dhalliilay weedho ka soo baxay salaaddiinta waxaanu madaxweynaha u soo jeediyay in uu hormuud ka noqdo midaynta bulshada Somaliland ee ku kala qaybsamay doorashadii madaxtooyada

Halkan ka daawo muuqaalka warka Faysal Cali Waraabe

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.