“Farmaaja Baajiyay Xaflada Nayroobi,” C. Cabdishakuur

0
323 views
“Farmaaja Baajiyay Xaflada Nayroobi,” C. Cabdishakuur

“Farmaaja Baajiyay Xaflada Nayroobi,” C. Cabdishakuur

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ee hoggaamiya xisbiga Wadajir ayaa laga joojiyay xaflad taageerayaashiisu ku soo dhawaynayeen oo ka dhici lahayd magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya. Waxa hore looga joojiyay mid uu Muqdisho ku qabsan lahaa.

Cabdiraxmaan Warsame ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uu ka dambeeyay joojinta munaasibadda Nairobi ka dhici lahayd.  Waxa uu sheegay in isagu uu xaflado ku qabsan jiray Nairobi xilligii Xasan Sheekh cidna aanay ka joojin jirin.

“Waxaan uga tacsiyeynayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee Kenya iyo taageerayashayda baaqashada ku timid kulankii soo dhowaynta ahaa ee maanta Nairobi ka dhici laaha. Waxaa wax laga xumaado ah in maamulka Madaxweyne Farmaajo uu shaqo ka dhigtay bartilmaamsiga dadka ka aragtida duwan, gaar ahaan Xibsiga Wadajir. Waxaa xusuus mudan in aniga iyo Farmaajo sanad ka hor aan Nairobi ku qaban jirnay kulamo iyo olole siyaasadeed oo ka dhan ah maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh,” Sidaas ayuu ku yidhi qoraal uu boggiisa soo dhigay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Aadan Barre Ducaale oo ka tirsan xisbi xaakimka Kenya ka taliya ayaa sheegay in aanay aqbalayn isu soo bax lagaga duulayso Soomaaliya qasna loogu gaysanayo. Waxa uu sheegay in ay Soomaaliya dhisayaan ee aanay duminayn waxaanu xafladda ku macneeyay mid ka dhan ah xukumadda hadda jirta ee Soomaaliya.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.