FAALLO – Xeerka Kufsiga ee Antonia Mulvey (Xeer Lr. 78/2018).

0
354 views
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hargeysa Ku Casuumay Diblomaasiyiinta Iyo Khubaradii Shisheeye Ee Somaliland U Doodi Jiray Markii Ay Taladda Hayeen Cigaal Iyo Rayaale

FAALLO – Xeerka Kufsiga ee Antonia Mulvey (Xeer Lr. 78/2018). W/Q. Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed

Hordhac:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Wareegto Madaxweyne oo ay summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-191/082018 oo soo baxday 28/08/2018 ku baahiyey dhaqan-galka Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga (Xeer Lr. 78/2018).oo ah xeer cusub oo fal-dembiyeedyada kufsiga iyo xadgudubyada jinsiga ah u gaar ah, kaas oo meesha ka saaray dhammaan qodobbadii Xeerka Ciqaabta Guud ee fal-dembiyeedyadan khuseeyey.

Xeerkan oo uu ugu horeyn Golaha Wakiilladu cod aqlabiyad ah ku ansaxshay, balse markii uu Golaha Guurtida u gudbay uu wax ka badelay qodobbo aan nuxurka xeerka taabanayn oo iska farsamo ahaa. Xeerku markii uu ku soo noqday Golaha Wakiillada waxa uu cod aqlabiyad ah ku diidday wax ka badelkii Golaha Guurtida, waxaanu toos ugu soo gudbiyey Madaxweynaha. Sidaas darteed, maadaamaa uu xeerkan uu yahay xeer muhiimad weyn u leh nidaamka caddaaladeed ee dalka iyo bulshada guud ahaan, waxa aan jeclaystay in aan fallan-qeyn iyo lafo-gur ku sameeyo geedi-socodkii uu soo maray xeerku iyo qaabkii loo curiyey, looga doodday ama loo ansaxshay. Waxaan sidoo kale si faahfaahsan ugu falan-qeyn doonaa qodobbada xeerka qoraallo dambe haddii Alle ii saamaxo.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Qaybtan 1aad waxa aan kaga hadli doonaa geedi-socodkii iyo marxalladahii uu soo maray xeerku; cidda fikirkiisa lahayd, qorsheyntiisii, diyaarintii qabyo-qoraalkiisa, dooddahii baarlamaanka iyo ansaxintiisii.

Qaybta 2aad ee todobaadada dambe IN SHA ALLAH waxa aan ku lafo-guri doonaa xeerka laftiisa – qodobbadiisa iyo halka ay ka yimaadeen, nuxur ahaan waxa uu soo kordhinayo ee kaga duwan yahay qodobbada Xeerka Ciqaabta Guud iyo Xeerka Habka Ciqaabta ee khuseeya tacadiyada jinsiga iyo galmada ku dhisan, gal-daloolada iyo ceebaha uu leeyahay iyo waafaqsanaanta dastuurka iyo shareecada Islaamka.

Qaybta 3aad waxa aan ku soo bandhigi doonnaa tallooyin soo jeedimo ah oo khuseeya dhaqan-galka xeerkan iyo qaabka ay tahay in ay u wajahaan bahda caddaalada iyo mihnadlayaasha sharciga ee xeerkan ku shaqayn doonta haddii ALLE SWT uu innagu simo.

Qaybta 1aad: Geedi-socodkii uu soo maray Xeerkan Kufsiga ee aan u bixiyey ‘Xeerka Antonia Mulvey’

Marxaladii bilowga

Diyaarinta Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsigu waxay ka dhalatay oo bar-bilow u ahaa war-murtiyeed ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey soo saareen 7-dii bisha May 2013, kuna xaqiijiyeen in tacadiyo galmo oo xad-dhaaf ah ay Soomaaliya ka jiraan. War-murtiyeedkaas oo daba socday warbixintii Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan tacadiyada galmada ee ka dhaca meelaha colaadahu ka jiraan Marwo Zainab Bangura ay ku sheegtay in QM ay caddaymo u hayso in ka badan 1,700 dhacdo oo tacadiyo jinsi iyo galmo lagula kacay haweenka ku nool kaamamka barakacayaasha gudaha Muqdisho intii u dhaxaysay Jeenawari ilaa Nofember 2012-ka. Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliland ayaa iyadna ku qiyaastay kor u kaca tirada kufsiga dalka ka dhacay ku dhowaad 4000 oo dacwaddood sannadkii 2011 isla markaana ay ilaa 5000 gaadhayaan sannadkii 2012.

Warbixinahan iyo kuwo kale oo ay ururrada bulshada rayidka ah diyaariyeen ba waxaa soo jeedimahooda ugu waaweyn kamid ahayd in ay caqabada ugu weyn ee ragaadisay wax ka qabashada tacadayida jinsiga iyo galmadu ay tahay hab-sharciyeedka tacadiyada jinsiga iyo galmada ee ay kamid yihiin Xeerka Ciqaabta Guud iyo Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed oo ah kuwo aan wakhtigan casriga ah la jaan qaadi karayn isla markaana ay dhaliishooda xeer ahaaneed aad u badan tahay.

Antonia Mulvey, Founder and ED of LAW
Bishii Julaay 2013-ka waxaa la aasaasay hay’adda shabakada ah ee la yidhaa Legal Action Worldwide (LAW) oo ay aasaaskeeda lahayd Antonia Mulvey oo ah gabadh Ingiriis ah oo hore uga shaqayn jirtay xafiiska UNDP-Somalia balse hadda ah Khabiirka Tacadiyada Jinsiga iyo Galmada ku dhisan ee hay’adda UN Women. LAW oo ay ka hawl-galeen xubno hore uga shaqeyn jiray hay’addaha caalamiga ah gaar ahaan mashaariicda nidaamka caddaaladeed iyo sharci ee Soomaaliya iyo Soomaaliland, waxay isla sannadkii 2013 bilowday mashruuca diyaarinta Xeerka Fal-dembiyeedyada Galmada la Xidhiidha ee Soomaaliya, Soomaaliland iyo Puntland. Waxaanay soo bandhigeen macluumaad badan oo khuseeya tacadiyada jinsiga iyo galmada ku dhisan iyo kaalmada sharci ee la siiyo dhibanayaasha ay tacadiyada noocan ah ku dhacaan. Waxay diyaariyeen qoraallo ay kaga hadleen waajibaadka sharci ee Qaramada Midoobey ka saaran wax ka qabashada tacadiyada galmada ee ka dhaca Soomaaliya iyo waajibaadka qaran ee dawladda Soomaaliya ka saaran wax ka qabashada iyo xakamaynta tacadiyada jinsiga iyo galmada ku dhisan.

Intii aanu dhammaan isla sannadkii 2013, hay’addaha Qaramada Midoobey ee kala ah UNFPA, UNDP iyo UNHCR ayaa si wadajir ah u bixiyey maaliyadda mashruucan oo ay hoggaamintiisa iyo fulintiisa ba leeyihiin Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Xuquuqaha Aadamaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliland iyo Wasaaradda Horumarinta Qoyska iyo Arrimaha Haweenka ee Puntland, waxa iyadna hadda mashruuca ku soo biirtay Wasaaradda Jinsiga, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqaha Aadamaha ee Jubbaland. LAW waxay dhammaantood kala shaqeynaysay diyaarintii qabyo-qoraalka xeerka, waxaanay sidoo kale kala shaqeynaysaa qorshaha dhaqangelinta xeerkan.

Marxaladii diyaarinta iyo bandhiga qabyo-qoraalka

LAW waxay diyaarinta qabyo-qoraalka ku bilawday oo ay diyaarisay dhukumenti ay si kooban ugu lafo gurtay Qaababka ugu Wanaagsan ee QM iyo Xeerarka Fal-dembiyeedyada Galmada Khuseeya ee Afrika. Dhukumentigaas oo ugu horeyn lagu faahfaahiyey sababaha ay Soomaalidu ugu baahan tahay xeer u gaar ah fal-dembiyeedyada galmada ku dhisan, Asbaabta loogu baahan yahay xeerkan waxay LAW ku sheegtay:

1. In loo baahan yahay in hal xeer layskugu geeyo dhammaan qodobbada sharci ee khuseeya fal-dembiyeedyada galmada la xidhiidha. Inkastoo dhammaan fal-dembiyeedyada la xidhiidha galmada ee hadda sharciga ah ay dhammaantood ku wada jiraan Qaybta 9aad ee Xeerka Ciqaabta Guud ee Soomaaliyeed oo khusaysa ‘Dembiyada Lidka ku ah Damiirka Bulshada iyo Dhaqanka Suuban’, waxay ku dooddeen in taasi ay fal-dembiyeedyada galmada ka saarayso kuwa lidka ku ah qofka maadaamaa gaar looga saaray qaybta khusaysa ‘Dembiyada Lidka ku ah Qofka’. Waxay sidoo kale tilmaameen in fal-dembiyeedyada ku cad Xeerka Ciqaabta uu wakhtigoodu dhacay oo wakhtigan casriga aan loogu dhaqmi karayn sida ay u qoran yihiin.
2. In loo baahan yahay qaab loo fuliyo xuquuqaha sharciga ah oo aanay lahayn xeerarka hore ee jiray.
3. In la balaadhinayo qeexida kufsiga oo hadda ku kooban ‘galmo xoog ah’, isla markaana xeerka cusub lagu darayo noocyo badan oo fal-dembiyeedyo galmo ah.
4. In la xoojiyo fikrada ah in kufsigu uu dhici karo markasta oo aanu jirin ogolaansho, balse sida hadda jirta awoodda la saaro ‘Khasbida u xoog sheegashada ah’ oo keli ah.
5. In si dhammeystiran loo liisteeyo oo dembiyo looga dhigo dhammaan falalka waxyeelada ku ah haweenka.
6. In dawladda laga kaalmeeyo hirgelinta Qorshayaasha Qaranka ee Wax ka Qabashada Tacadiyada Galmo ee Juun 2014 ay Dawladda Soomaaliya ku dhawaaqday.
7. In loo faahfaahiyo ciqaabta fal-dembiyeed kasta qaab uu ugu dhaqmi karo Garsoorahu maadaamaa aanay taasi jirin hadda.

LAW waxay dooratay oo qiimeyn ku samaysay 5 xeer oo laga dheegan karo qabyo-qoraalka xeerka iyadoo sidoo kale sheegtay sababta mid walba ay ku dooratay. Shantaas xeer oo kala ah 1. Xeerka Fal-dembiyeedyada Galmada la xidhiidha ee Dalka Siiralayoon (Sierra Leone Sexual Offences Act No. 12 of 2012), waxaa lagu doortay maadaamaa Siiralayoon ay tahay wadan hadda uun colaado ka soo baxay sida Soomaaliya isla markaana ay ku badan yihiin tacadiyada galmadu. 2. Xeerka Fal-dembiyeedyada Galmada la xidhiidha ee Dalka Gaambiya (Gambia Sexual Offences Act of 2013) oo lagu doortay maadaamaa ay Gaambiya tahay wadan dadka intiisa badan ay Muslin yihiin. 3. Xeerka Fal-dembiyeedyada Galmada iyo arrimaha la xidhiidha ee Dalka Koonfur Afrika (South Africa’s Sexual Offences and Related Matters Amendment Act No. 32 of 2007) iyo 4. Xeerka Fal-dembiyeedyada Galmada la xidhiidha ee Dalka Kiiniya (Kenya Sexual Offences Act No.3 of 2006) waxa labadan xeerna lagu doortay in ay yihiin kuwo dhammeystiran oo aad u fiican oo gaar ahaan kan Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay kan ugu fiican xaga qeexitaannada fal-dembiyeedyada iyo 5. Heshiis Goboleedka Kahortaga iyo Xakamaynta Tacadiyada Galmada ee lagula Kaco Haweenka iyo Caruurta ee Shirka Caalamiga ah ee Gobolka Haraha Waaweyn ee Afrika (Great Lakes Protocol on Prevention and Suppression of Sexual Violence Against Women and Children of 30th November 2006) oo isna lagu doortay in uu yahay heshiis gobol oo lagaga dhaqmo 12-ka wadan ee Afrikaanka ah ee xubnaha ka ah shirkan.

Qiimeynta ay LAW ku samaysay shantaas xeer waxaa uga soo baxay:

1. In Xeerka Koonfur Afrika uu ugu fiican yahay xaga qeexitaannada fal-dembiyeedyada oo cutub walba bilowgiisa ay si cad ugu qoran yihiin qeexitaannadu iyo sidoo kale in uu leeyahay qorshayaal dhammeystiran oo lagu dhisayo guddi-waxeedyo dabagal ku sameeya dhaqangelinta xeerka, kuwaas oo loo arko in ay lagama maarmaan u yihiin dhaqangelinta xeerka ee Soomaaliya. Haseyeeshee, dhukumentigan waxa kale oo lagu sheegay in xeerka Koonfur Afrika uu ku liito xaga xukun ku ridista iyo ciqaabaha.

2. In Xeerka Kiiniya uu ugu adag yahay xaga xukun ku ridista iyo ciqaabaha iyadoo loo eegayo culayska dembiga oo tusaale ahaan qofka u galmooda ilmo ay da’diisu ka yar tahay 11 sanno uu ku ciqaabayo xabsi daa’in.

3. Xeerka Siiralayoon ayaa lagu qancay in uu yahay kan ugu haboon in laga dheegto Xeerka Fal-dembiyeedyada Galmada ee Soomaalida sababta na waxay LAW ku sheegtay in uu ka kooban yahay shan qaybood oo dembi walba marka la sheego ay raacdo ciqaabtiisa oo si cad u qoran. Haseyeeshee, waxa lagu dhaliilay in uu ku liito xaga ciqaabaha dembiyada culus oo tusaale ahaan qofka ilmo u galmooda ay ciqaabtiisu tahay xadhig ka yar tahay 15 sanno.

4. Xeerka Gaambiya ayay isaga ay LAW ku sheegtay kan ugu liita, waxaanay sababta ku sheegtay in uu yahay kan ugu kooban oo 13 bog oo 19 qodob ah ku kooban isla markaana aanu lahayn qeexitaanno dhammeystiran iyo in sidoo kale aanu ilaalinayn xuquuqaha dhibanayaasha. Muhiimada keliya ee uu qiimeynta u lahaana ay ahayd maadaamaa markii la curinayey laga qayb-geliyey culimo iyo madax dhaqameed. 5. Qoraalka Great Lakes-ka isaga waxa loo arkay in aanu muhiim ahayn maadaamaa uu yahay heshiis oo aanu lahayn qodobbo sharci oo la qaadan karo.

LAW ayaa u diyaarisay qabyo-qoraalka xeerka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Soomaaliland, balse dawladda Puntland waxa u diyaariyey Garyaqaan ka tirsan Wasaaradda Caddaalada Puntland oo la talin xaga farsamada ah ay LAW ku lahayd. Kooxda xeerka u qoraysay DFS iyo Soomaaliland waxay ka koobnayd 3 Garyaqaan oo Soomaali ah oo dhinaca tarjumida afka Soomaaliga muhiimadoodu ay ahayd iyo 3 Garyaqaan oo caalami ah, waxa dusha kala socday khuburo gaar ah oo lahayd go’aan ka gaadhida wixii lagu darayo xeerka. Dhukumentiga aan kor ku sharaxay ee ay LAW diyaarisay ayaana aasaasi u ahaa qabyo-qoraalka xeerka gaar ahaan waxyaabaha loo baahan yahay in xeerku uu ku soo kordhiyo nidaamka sharci.

Markii qabyo-qoraalka xeerka la diyaariyey, waxay sidoo kale hay’adda LAW ay ka qayb-qaadatay soo bandhigidii qabyo-qoraalka loogu soo bandhigayey ururrada bulshada iyo golayaasha qaranka. Waxa na mashruucaas la wareegtay Dallada Ururrada Haweenka Soomaaliland ee Nagaad. Qaybta 2aad ee dambe ayaan kaga hadli doonaa haddii ba uu jiro wax ay xeerka ku kordhiyeen ururrada bulshada rayidka ee maxaliga ah ee sheeganayey ama lagu sheegayey in ay iyagu xeerka diyaariyeen iyo in kulannadii ama tabobaradii wacyi-gelinta uun iska ahaa ba aanay waxba ku kordhin qabyo-qoraalkii ay LAW u keentay, balse hadda aan u gudbo Xeerka iyo Waaxda Xeer-dejinta.

Marxaladii Golayaasha Xeer-dejinta

Waxa bishii 4aad 2014 kulan lagu qabtay Maansoor Hotel, kaas oo ay Dallada Nagaad qabyo-qoraalka xeerka ugu soo bandhigtay Guddida Dastuurka, Garsoorka, Cadaalada iyo Xuquuqul Insaanka ee Golaha Wakiilada. Waxa kulankaas goob-joog ka ahaa ururrada bulshada rayidka ah, xildhibaanada guddida xubnaha ka ah, garyaqaan ka socda hay’adda LAW ee xeerka diyaarintiisa lahayd iyo wakiil ka socday hay’adda UNFPA oo kamid ah hay’addaha maalgelinta mashruucan bixiyey. Waxaanu Golaha Wakiiladu si toos ah ula wareegay qabyo-qoraalka xeerka oo ka kooban 23 bog oo 46 qodob ah 22-kii bisha 9aad 2014 sida lagu caddeeyey Warbixinta Guud ee Kal-fadhigii 25aad ee Golaha Wakiillada. Waxa warbixinta golaha lagu sheegay in xeerka ay si wadajir ah u soo diyaariyeen kooxda loo yaqaan Danwadaagta Caafimaadka (Health Caucus) oo ay ku bahoobeen koox ah Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Health caucus waxay kamid tahay kooxo ay abuurtay hay’adda caalamiga ah ee International Republican Institute (IRI) sannadkii 2012 oo ay ku bahoobaan Xildhibaanada iyo ururrada bulshada rayidka ah – waa dariiqa loo maro ansaxinta xeerarka ay ururrada bulshadu danneynayaan. Xeerarka qaabkaas lagu ansaxiyey waxaa kamid ah; Xeerka Kaymaha iyo Ugaadha, Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeerka Maareynta Qashinka [waxan filayaa in uu weli golaha horyaal], Xeerkan Kufsiga iyo Xeerka Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka. Waxa hadda ay wadaan oo Golaha horyaal Xeerka HIV/AIDS-ka iyo Xeerka Gudniinka Fircooniga ah. Waa qaabka loo dilaalo ama loogu kala macaasho xeerarka uu golahu ansaxiyo oo guddi walba koox ayey ku xidhan tahay sida health caucus ama green caucus.

Waxa aan filayaa in aad ila socoto sida uu geedigu u socdo, ugu horeyn xeerka waxaa soo diyaarisay hay’adda LAW, waxaana mashruuc lagu siiyey saddexdii Wasaaraddood ee Soomaaliya, Soomaaliland iyo Puntland ee uu xeerku khuseeyey. Markii wasaaradda la wareegtay waxaa xeerka lagu sheegay mid ay Wasaaradda Arrimaha Bulshadu diyaarisay, Wasaaradda iyo cidii mashruuca wadatay waxay mashruuca xeerka gacanta ka geliyeen ururrada maxaliga ah gaar ahaan Dalada Nagaad iyo ururrada kale ee haweenka. Markaas na waxaa xeerka lagu sheegay in ay diyaariyeen Dalada Nagaad iyo ururrada bulshadu. Ururrada bulshadu iyagoo adeegsanaya kooxaha ay ku bahoobeen ee ay ku wada shaqeeyeen xildhibaannada Golaha Wakiilada, waxay xeerka u gudbiyeen xubnahii ay health caucus-ka ku wada jireen ee ay isku kooxda ahaayeen. Markaas na waxaa xeerka lagu sheegay in ay diyaarisay kooxda danwadaagta ah ee health caucus. Kooxdiina waxay u gudbisay Guddida uu shaqadeeda khuseeyo xeerku ama ay guddoominayso xubin kooxda ka tirsan. Kadib waxaa ajandaha kalfadhigii ugu soo horeeyay lagu daray qabyo-qoraalka xeerka kahortagga kufsiga oo ay soo diyaarisay Guddida xuquuqal insaanka ee Golahu.

Taasi waxay muujinaysaa xeer-dejinta dhabta ee xeerarka intooda badan inoo dejisaa cida ay tahay. Waxay sidoo kale muujinaysaa in hay’addaha qaranka iyo ururrada bulshadu ba ay yihiin aalado (tool) la adeegsado, waxa kaliya ee ay ka shaqeeyaana ay tahay in ay u adeegaan hay’addaha caalamiga ah. Lama dafiri karo doorka ay hay’addaha iyo ururrada caalamiga ah ku leeyihiin horumarka iyo adeegyada bulshada, balse diyaarinta xeerarka dalku waa mid halis ah oo taabanaysa jiritaankeena ummadnimo ee ifka iyo aayaheena dambe ee aakhiro.

Kulano dhawr ah oo ay Guddida Xuquuqul Insaanka ee Golaha wakiilada, Dallada Nagaad iyo Hay’adda LAW ay si wadajir ah ugu qabteen qaybaha bulshada kadib, waxaa kalfadhigii 29aad ee Golaha Wakiilada, fadhigiisii 11aad oo qabsoomay 14kii bisha Diisember 2015 loo qaybiyey mudanayaasha Golaha qabyo-qoraalka Xeerka Kahortagga Kufsiga iyo Xadgudubyada la xidhiidha oo ka kooban 23 bog oo 46 qodob ah. Guddoomiyaha Guddida Xuquuqul Insaanka ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa golaha kahor akhriyey qabyo-qoraalka, wuxu isagoo mudanayaasha u sharxaya daraasaddo uu sheegay in ay ku sameeyeen tirakoobka kufsiga ka dhaca gobollada Soomaaliland uu yidhi: ‘Sanadkan 2015 ee aynu marayno waxaa dalkeena ka dhacey 820 kufsi, waxaa mustaqbalkoodii lagu ciyaaray oo mugdi la galiyay 820 hablood oo hablihiinii ah oo la baabiiyey’. Waxa aad uga fog xogta uu Xildhibaanku sheegay xogta warbixin-sannadeedka booliska Soomaaliland ee dembiyadii dhacay sannadkii 2015 oo ay ku sheegeen ‘in tirada kiisaska kufsiga ah ee sannadkaas dalka oo dhan ka dhacday ay tahay 80 kiis’ oo weliba aan la wada odhan karin way dhaceen sababtoo ah warbixintoodu waxay ka hadlaysaa dhacdooyinka galay buugga dhacdada booliska (occurance book) oo intooda badan laga yaabo in maxkamaddu ay dembiga ku weyday. Tusaale ahaan, waxay tirada guud ee dembiyada sannadkaas dhacay ku sheegeen 18,252. Inta la xukumay oo ah inta aynu sharci ahaan odhan karno waa tirada saxda ah ee dembiyada sannadkaas dhacay na waxay ku sheegeen 3,335. Intaa xukuman uun baa la odhan karaa waa dembi dhacay sababtoo ah inta kale dadka loo haysto looma aqoonsan karo dembiilayaal haddii aanu xukun maxkamaddeed ku dhicin. Sidaas darteed, haddii 18,252 uu xukun ku dhacay 3,335 keliya oo u dhiganta 18.3%, macnaheedu waa kufsiga oo ay asalka ba adag tahay in la caddeeyo 80 dhacdo oo OB-ga saldhigyada galay, waxa xukun ku dhaci karaa 18.3% oo u dhiganta 15 keliya. Markaa waxay sax ku tahay in sannadkaas kufsiga dalka oo dhan ka dhacay dhabta marka laga hadlayo noqon karo 15 keliya. Warbixinta booliska waxa sidoo kale ku jirta in tirada kufsigu ay sannadkii hore ee 2014 ahayd 148 halka ay sannadka 2015 ay ka noqotay 80 oo uu hoos ba u dhacay 68 kiis. Xildhibaanku la yaab maleh haddii ba Wasaaraddii dhammayd ee Arrimaha Bulshadu ay ka xishoon weyday in ay tidhaa 4000 oo kufsi ayaa 2011 dalka ka dhacay, 5000 oo kufsi ahna waxay dhacday 2012 oo macnaheedu yahay saacad kasta qof baa lagu kufsadaa Soomaaliland gudaheeda.

Doodda xeerka ee xildhibaannada ee Golaha Wakiillada oo qabsoontay fadhiyadii 12aad iyo 14aad ee kal-fadhigii 29aad ee golaha 15kii iyo 20kii bisha 12aad 2015, waxaa xeerka dood ka dhiibtay 11 Xildhibaan oo keliya. Xildhibaanka ugu doodda gaabnaa wuxuu hadlay 1 daqiiqo 14 ilbidhiqsi, halka xildhibaanka ugu dooddaa dheeraana uu ka hadlay 13 daqiiqo iyo 7 ilbidhiqsi. Guud ahaan, waxaa xeerka laga doodday 75 daqiiqo iyo 52 ilbidhiqsi. 9 xildhibaan oo xeerka dood ka dhiibtay waxay soo jeediyeen in xeerka loo baahan yahay, balse inta aan la gudo gelin la darso oo shuruucda dalka iyo shareecadda islaamka lala eego. Waxaanay sidoo kale ku dooddeen in aanay wixii loo keeno duduub ku ansaxine baadhis la sameeyo oo hay’addaha qaranka ee uu shaqadooda khuseeyo loo yeedho oo wax la weydiiyo isla markaana loo bandhigo culimada dalka si ay wax ula toosiyaan. 2 xildhibaan iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo isagu xeerka watay oo keliya ayaa codsaday in xeerka sidiisa lagu ansaxiyo. Dhammaan Xildhibaannada doodda ka dhiibtay xeerka kuma jiro mid keliya oo qodob xeerka kamid ah dul istaagay oo si gaar ah uga hadlay, dooddoodu waxay ahayd mid khusayso in xeerka duduub laysku dhaafiyo iyo in leh aynu ka fiirsano oo si fiican ha loo derso. Ugu dambeyn, waxaa la qaatay dooddii ay xildhibaannadu u bateen oo ah in loo yeedho hay’addaha qaranka ee ku shaqada leh mawduuca xeerka si loo helo xogta kufsiga iyo tacadiyada galmada iyo jinsiga la xidhiidha.

Majirto dood kale oo uu Golaha ka doodday xeerka. Sidoo kale majiro kulan sidii loo balamay loo yeedhay hay’addahii qaranka ee lagu balansanaa in xog la weydiiyo oo golaha u waramay. Inkastoo ajandaha kal-fadhigii 30aad ee Golaha Wakiilada uu ku jiray akhriska labaad ee qabyo-qoraalka xeerku, muu qabsoomin akhriskii labaad. Ajendahii kal-fadhiga 35aad ayuun baa lagu arkay isagoo ugu jira u codeyn. Waxa xigay fadhigii Golaha Wakiillada ee 8dii Jeeneweri loogu codeeyey ansaxinta qabyo-qoraalka xeerka oo aad loogu qoslayo qaabka uu Guddoomiyaha Golahu ugu dhawaaqayo in xeerka loo codeeyo. Guddoomiyahu isagoo golaha ku wargelinaya in codeynta xeerka la bilaabayo wuxuu yidhi: “Waxaynu u gelaynaa Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubka Jinsiga, waa laga doodday, waxaanu ina horyiilay ilaa abril 2014. Xeerka wixii shareecada kahorimanayeyna waa…” Hadalka ayaa hore uga soo bixi waayay, “laga saaray dheh” ayuu ka hoos odhanayaa Guddoomiye ku-xigeenka 1aad. Waxa qosol badan in Guddoomiyahu uu ku dhawaaqay: “Waa laga saarayaa”. “Miyaa laga saaray mise waa laga saarayaa” ayey xildhibaanada qaar kamid ah mar qudha ku wada dhawaaqayaan. Inta uu naxo ayuu mar labaad ku dhawaaqayaa: “Waa laga saarayaa”. “Miyaa laga saarayaa!!!” ayey iyaguna kor ugu wada dhawaaqeen. Markaas buu la soo boodayaa: “Waa laga saaray…waa laga saaray…haa waa laga saaray…wixii ciqaab ka horeeyeyna marka xeerka la ansixiyo waxaa lagu dhaqmayaa xeerka cusub”. Qaabka noocaas ah ee xildhibaannada codeynayay aanay ogeyn waxa laga saaray qabyo-qoraalkii xeerka ee ay ka dooddeen iyo waxa lagu kordhiyey midna, ayey codeynta xeerku u dhacday. Waxa golaha fadhiyey 51 Xildhibaan. 46 Xildhibaan way ansixiyeen Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, 2 Xildhibaan way diiddeen, 2 Xildhibaana way ka aamuseen, Guddoomiyuhuna muu codeyn. Golaha Wakiilladu haddii laga tegi waayo waxay xeerkaas dhan ku kordhiyeen sidii loogu soo gudbiyey magacii markii hore ahaa Xeerka Kahortagga Kufsiga iyo Xadgudubyada Xidhiidhka laleh oo ay u badaleen Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga iyo ereyo ay ka saareen oo ay ku badeleen kuwo kale.

Waxa uu qabyo-qoraalka xeerku u gudbay Golaha Guurtida oo fadhigii hore ee 19-ka bisha Maarso 2018 ee ay xeerka kaga dooddeen isku raacay in aan xeerka la gudo gelin oo loo saaro Guddi soo derista oo sharci ahaan iyo diin ahaan ba daraasad ku samaysa. Warkaas oo ay dadka badankiisu soo dhaweeyeen balse ururradii loo soo dhiibay iyo Golaha Wakiillada ee duuduubka isku dhaafiyey ba, ka degi waayey. Haseyeeshee, sidii laga filanayey arrinku muu noqon oo Guddidii hawshaas loo xilsaaray waxay Golaha ku soo celisay afar meelood oo ay si kooban ereyo uga badaleen iyagoo aan taaban qodobbadii uu nuxurka xeerku ku jiray isla markaana aanu jirin qodob ay ka saareen ama ku soo kordhiyeen. Qodobbada ay wax ka badeleen kumay jirin qodobbada khuseeya fal-dembiyeed ama qeexitaankiisa. Qaybta 2aad ayaan arrintan ku faahfaahin doonaa haddii Alle idmo. Sidii ay Guddidu soo jeedisay ayuu Golaha Guurtidu ku ansixiyey Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga 7dii bisha Abriil 2018. Waxa golaha fadhiyey 50 Xildhibaan. 35 Xildhibaan way ansixiyeen Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, 7 Xildhibaan way diiddeen, 8 Xildhibaana way ka aamuseen, Guddoomiyuhuna muu codeyn.

Markii uu xeerku ku soo noqday Golaha Wakiillada, wuxuu Golaha fadhigiisii qabsoomey 29-ka bisha Julaay 2018 uu cod aqlabiyad ah qodob-qodob ugu diidday wax ka badelkii uu Golaha Guurtida ku sameeyey Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi wuxuu saxeexay Xeerka maalintii 29aad ee ka soo wareegtay ansixinta dambe ee Golaha Wakiilada. Waxaa xusid mudan, in sidoo kale Xeerka Kufsiga Dawlada Puntland (Sharci Lr.4 ee 03.09.2016) uu dhaqan-galay 3dii bisha sebtember 2016 isla markaana ay inta badan qodobbada ka siman yihiin Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga ee Soomaaliland (Xeer Lr. 78/2018). Xeerka Puntland wuxuu ka kooban yahay 43 qodob. Waxa sidoo kale xusid mudan in qodobbada wax ka badelka uu ku sameeyey Golaha Guurtidu ay ku jiraan xeerka Puntland. Xaga ku dhaqanka shareecada islaamka, Qodobka 27aad ee xeerka Puntland wuxuu waajibinayaa in fal-dembiyeedka galmada xooga ama khasabka ah ay caddeeyaan laba qof oo rag ah oo buuxiyey shuruuddaha ay markhaatiga u dhigtay shareecadu ama qiraal sax ah, iyadoo sidoo kale la aqbali karo caddeymaha kale sida baadhista dhakhtareed ee DNA-da iwm. Qodobka 29aad, faqradiisa 1aad waxay dhigaysaa in fal-dembiyeed sida waafaqsan Qodobka 27aad, faqradiisa 1aad loo caddeeyey uu Garsoorahu kala dooran karo inuu dabaqo xiraabada ama budhcadnimada sida ku cad Suuratul Maa’idah, aayadda 33aad. Waxa kale oo Qodobka 6aad, faqradiisa 6aad ee xeerka Puntland ku cad in guurku uu difaac u noqon karo eeddaysanaha fal-dembiyeed galmo ku eeddaysan, waxaanu meesha ka saaray kufsigii dadka isqaba. Waxa xeerka gebi ahaantiisa laga reebay guurka ilmaha waxa lagu sheegay oo kuma jiro qodob mamnuucaya guurka qofka da’da yar.

Inkastoo uu xeerka Puntland xaga ansixinta iyo dhaqan-galka uu muddo sannad ah ka horeeyey kan Soomaaliland, haddana uma uu soo shaac bixin, caalamkana looga ma soo dhoweyn sida kan Soomaaliland loogu riyaaqay ee loo buunbuuniyey sababtu wax ay tahay ba. Garyaqaannada hawshan bilowgeeda iyo ka midho-dhalinteeda lahayd ee saddexda xeer ee saddexda dawladdood ee Soomaalida ah ba sababtooda lahayd Antonia Mulvey waxay adduunyada kaga heshay sumcad balaadhan, waxaanay noqotay xidig arrin ay adkayd ka midho dhalinteedu si xirfadaysan oo maskax furnaan iyo hal-abuurnimo leh uga soo dhalaashay kana hirgelisay mid kamid ah ummaddaha ugu madaxa adag adduunka. Courtenay Forbes oo ah Saferworld for Women Correspondent oo ka qayb-gashay caweys lagu magacaabay “A Night of Creative Lawyering” ama Habeenka Garyaqaanimada Halabuurka leh oo ay Antonia Mulvey kaga hadlaysay geedigii ay hay’addeeda LAW u soo martay guusha, ayaa iyadoo muujinaysa cajaa’ibta ay leedahay hawsha ay LAW qabatay tidhi; ‘Tani waxay iftiiminaysaa muhiimada ay leedahay in maskaxaha sharci iyo dadka ololeeyaa ay iskaashadaan si ay u qabtaan hawsha ay LAW qabatay oo kale, oo marka wax kale ba laga yimaad, si ay u muujiyaan in dawladduhu aanay ka hortagi karin arrimaha la dardargeliyo ama loo hagarbaxo. Garyaqaanimada halabuurnimada noocan ahi waa mid leh waxqabad la taaban karo: guushan ugu dambeysay ee LAW ay gaadhay ba waa diyaarinta qabyo-qoraalkii ugu horeeyey ee Fal-dembiyeedyada Galmada ee ay Soomaaliya yeelato abid’

Dhowaan, waxa hadlay dhawr Xildhibaan oo Golaha Guurtida ka tirsan oo aad uga deyriyey qaabka loo ansixiyey xeerka iyo xeerka laftiisa ba. Waxaan runtii aad ugu bogay erey uu ka dhawaajiyey Xildhibaan Dheeg oo Xildhibaannadaas kamid ahaa. Wuxuu yidhi: “Annagu wax aanu nidhi markii ugu horeysa horta kelmada ‘KUFSI’ la yidhaa ee halkaa [xeerka cinwaankiisa] ku qoran, horta aynu isla fahanno’. Waa runtii oo waxaa doodda Xildhibaannada labada gole laga fahmayey in aanay si fiican ba u fahmin kelmadan macnaheeda iyo sidoo kale macnaha ka dhaxeeya kufsiga iyo sinnada, iyo waxay ku kala duwan yihiin ba. Mushkiladu waxa weeyi dadkeena waxaa dhib ku ah ah in ay si degan oo maskax furan wax uga dooddaan iyagoo aan caadifaysnayn. Arrinta xeerkan gaar ahaan, dadka intooda badan laba qaybood uun bay ahaayeen; qayb qabyo-qoraalka wadatay sida wasaaraddaha, ururrada bulshada iyo xildhibaanada qaarkood oo iyagu runtii u muuqday in ay ku weynayd in xeerku uu meel maro khalad iyo sax ba iyo qayb kale oo u badan kuwo wixii xeer lagu sheego u arka wax ka badel lagu samaynayo shareecada islaamka oo u baahan in ay fahmaan in iyadoon shareecada la khilaafayn xeer bulshada waxtar u ah laysla meel dhigi karo. Annigu waxa aan aaminsanahay in xeer u gaar fal-dembiyeedyada noocan ah baahi badan loo qabo. Xeerkan laftiisuna aanu wada xumayn. Haseyeeshee, ma taageersani in golayaashii aynu xeer-dejinta u dooranay ay noqdaan agab ‘tool’ la adeegsado oo shaqadoodii inta la qabto lagu magacaabo isla markaana aan waxba layskaga tirin bulshada xeerka loo dejinayo dhaqankeeda iyo damiirkeeda. In xeer la innoo soo dhiso deedna aynu innagu iskugu sheekayno waxaynu leenahay goleyaal xeer-dejineed, waxaan taaganahay: ‘Waar kaluunka sida loola soo baxo uun ha la inna baro oo ha la innaga caawiyo balse yaan waxba la inna siin kaluun aynaan la soo bixi karayn oo markuu doono sumeysnaan kara’. Qaybo badan oo xeerkan kamid ah waxaa ku qarsoon ujeeddooyin ay leeyihiin qolooyinka afkaarta dhedigeynta aaminsan oo inta badan aad u buunbuuniya xuquuqaha jinsiga ku dhisan. Qofkii raba in uu wax ka ogaado xeerkan ujeeddooyinka dhedigeynta ah ee ku qarsoonaan kara xeerka kufsiga, ha akhriyo qoraalkan ay qortay Sarah Mcmains, Translating feminist norms and strategies through sexual and gender-based violence programming in Somalia: An explorative approach to understanding norm internalization, 2017.

Waa innoo Qaybta 2aad iyo todobaadada soo socda haddii ALLE innagu simo.

Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good-Lawyer)
Qareen iyo Macalin Jaamacaddeed
Email: goodlawyer2014@gmail.com
Burco/Hargeysa, Somaliland

Tixraacyo

Dhukumentiyo iyo maqaalo

1. Joint Communiqué of the Federal Republic of Somalia and the United Nations on the Prevention of Sexual Violence, 7 May 2013, p 1.
2. IRIN, Stiffer penalties, formal justice to curb rape in Somaliland, 28/05/2015 http://www.irinnews.org/news/2013/05/28/stiffer-penalties-formal-justice-curb-rape-somaliland (accessed on 30 August 2018)
3. Chattem House, Transcript on Q/A on Global Solutions to Sexual Violence in Conflict by Haja Zainab Hawa Bangura, on 13th Feb, 2013 https://www.chathamhouse.org/sites/default/files/public/Meetings/Meeting%20Transcripts/180213BanguraQA.pdf (accessed on 30the August 2018)
4. Somalia Protection Cluster. Annual Report. (Somalia Protection Cluster, 2016) Available at: http://www.globalprotectioncluster.org/_assets/files/field_protection_clusters/Somalia/files/so malia-protection-cluster-annual-report-2016.pdf [Accessed 31 August 2018]
5. Legal Action Worldwide. Sexual Offences Bill. (LAW) Available at: http://www.legalactionworldwide.org/somalia-2/sexual-offences-bill/ [Accessed 30 August 2018]
6. Sarah Mcmains, Translating feminist norms and strategies through sexual and gender-based violence programming in Somalia: An explorative approach to understanding norm internalization, 2017. https://www.duo.uio.no/bitstream/handle/10852/57334/8031_HUMR-5200.pdf?sequence=7 [accessed on 30th August 2018]
7. IRI, Legislative Change Agents:Multi-partisan Caucus – the case of Somaliland, 2015 http://www.iri.org/sites/default/files/fields/field_files_attached/resource/2015-12-01_legislative_change_agents_building_multi-partisan_caucuses-the_somaliland_and_peru_case_studies.pdf [accessed on 29th August 2018]
8. Courteney Forbes, General News, Legal Action Worldwide: Human Rights Lawyers Speak out https://www.asafeworldforwomen.org/global-news/general/4829-legal-action-worldwide.html (accesed on 31st August 2018)
9. www.somalilandparlaiment.net\

Xeerarka Dalalka kale

10. Sierra Leone Sexual Offences Act No. 12 of 2012
11. Gambia Sexual Offences Act of 2013
12. South Africa’s Sexual Offences and Related Matters Amendment Act No. 32 of 2007
13. Kenya Sexual Offences Act No.3 of 2006
14. Great Lakes Protocol on Prevention and Suppression of Sexual Violence Against Women and Children of 30th November 2006)

Xeerarka Soomaalida

1. Xeerka Kufsiga Dawlada Puntland (Sharci Lr.4 ee 03.09.2016)
2. Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga (Xeer Lr. 78/2018)

Golaha Wakiilada
1. Hadal-qoraalka Doodda Golaha Wakiilada ee Xeerka Kufsiga
2. Warbixinta Kalfadhigii 29aad ee Golaha Wakiillada
3. Ajandaha Kalfadhigii 35aad ee Golaha Wakiillada
4. www.somalilandparlaiment.net/media/
5. Ajendayaasha kal-fadhiyada Golaha 1-37

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.