Faa’iidada Ay Helaan Magefeyaasha Hargeysa

Idaacadda Ergo ayaa waraysatay saddex nin oo ka shaqeeya tahriibinta dadka kuwaas oo Hargeysa ay kula kulantay

0
110 views
Faa’iidada Ay Helaan Magefeyaasha Hargeysa

Faa’iidada Ay Helaan Magefeyaasha Hargeysa
Idaacadda Radio Ergo ayaa baadhitaan afar bilood qaatay kadib waxa u suuro gashay in ay waraysato 3 nin oo dadka tahriibiya. Nimankan loo yaqaano magefeyaasha oo sheegay in ay lacag badan ku qabaan tahriibinta ayaa ku kala aragti duwan khatarta tahriibka. Qaarkood ayaa sheegaya in dadka ay tahriibiyeen intooda badan dhimatay halka qaar ku doodayaan in hab ammaan ah dadka u kaxeeyaan.

Idaacaddu waxay sheegtay in muddo dheer oo ay ku daba jirtay helista magefeyaasha ay Nuur Cilmi kula kulantay Suuqa Hargeysa ee caasimadda Somaliland lana yeelatay waraysi. Nuur waxa kormeera shabakad magefeyaal ah oo kala jooga dhawr dal oo Bariga Afrika ah waxaanu agaasima safarada halista ah ee tahriibeyaashu galaan.

Waxa uu sheegay in afar kun (4,000) oo qof tahriibiyey ilaa sanadkii 2012, islamarkaana intooda badan ku dhinteen gacanta maleeshiyaadka Liibiya iyo safarada badda ee halista ah. Nuur uma muuqdo in uu dan ka leeyahay masuuliyadda dadka badan ee isaga iyo kooxdiisu dhibaateeyaan ama dhimashada u horseedaan ee ah dhallinyarada Soomaalida.

Waxa uu sheegay in uu og yahay in shaqada uu hayaa tahay mid dambi ah laakiin, ay faa’iido badan ku qabaan “ Waxa laga yaaba bishii in afar kun oo dollar($4,000) aan helo, sidaas awgeed waa shaqo aad u fudud,” Sidaas ayuu yidhi Nuur Cilmi.

Waxa uu sheegay in hawlgalladooda ay u fuliyaan si qarsoodi ah, islamarkaana ka taxadaraan in boolisku ogaado. Waxa uu sheegay in hawlahooda sida sirta ah u socda awgeed ay si weyn u ilaaliyaan isgaadhsiinta ay isticmaalan.

Xasan Cali oo isaga oo Hargeysa jooga telefoon ugu warramay Radio Ergo waxa uu sheegay in uu qofkiiba ka helo lacag dhan $500 ilaa $800 doollar taas oo ku xidhan hadba inta qof ee uu tahriibiyo.
Xasan waxa uu sheegay in markii hore uu tahriibay kadibna ay qabsadeen maleeshiyaadka Liibiya intii ay hayeena uu bartay luuqadda Carabida sidaasna uu turjumaan ugu noqday kooxda oo markii dambe ee ay sii daysay uu ku soo laabtay Somaliland, halkan oo uu ka wado shaqada tahriibinta. Waxaanu u arka fursad fiican oo dhaqaale in laga shaqeeyo hawlaha tahriibinta.

Qof saddexaad oo ka mid ah magafeyaasha ayaa idaacadda u sheegay in aanay dhib lahayn tahriibtu waxaanu ku dooday in ay xannaaneeyaan dadka ay kaxeeyaan “Waanu xannaanayna mana jidh dilno. Shaqadayadu waxa weeye in Tahriibeyaasha aanu gayno caasimadda Itoobiya, Addis Ababa. Si aanu boolisku u qaban ma marno jidadka waaweyn waxaanu isticmaala baabuur si badqab loogu gaadhsiiyo meesha la doonayo. Addis Ababa marka la geeyo waxa lagu wareejiya koox kale ee gaadhsiiya Liibiya iyaga oo sii mariya Suudaan,” Sidaas ayuu yidhi Magafe la hadlay Ergo.

Hase ahaatee tahriibeyaal xilligan jooga Yurub ayaa sheegay in dhib badan loo gaystay intii ay jidka ku jireen, islamarkaana lacago badan laga shubay.

Magafeyaasha taxan dhulka Soomaalida ilaa Liibiya ayaa dalbada lacag dhan 8,000 ilaa 12,000 oo dollar iyaga oo cidda bixin wayda jidh dila uguna hanjaba in ay kala baxayaan xubno jidhkooda ka mid ah.

Source: Geeska Afrika

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.