Ereteriya & Jabuuti Oo Xidhiidhkooda Soo Ceshadaan

0
384 views
Jabuuti Oo Ka Cadhootay Ficillada Soomaaliya

Ereteriya & Jabuuti Oo Xidhiidhkooda Soo Ceshadaan
Jabuuti(Sayruuq) Dawladda Ereteriya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti waxay isla qaateen in laga wada xaajoodo colaadda u dhexeysa, islamarkaana caadi laga dhigo xidhiidhka labada waddan. Arrintan ayaa daba socoto isbedelka togan ee ku yimid xidhiidhada xanafta lahaa ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya oo hadda xidhiidh wanaagsan oo iskaashi samaystay.

Wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya Cismaan Saalax ayaa shalay soo gaadhay magaalada Jabuuti. Waxa wehelinayay wefti ka socda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo kulamo hore ugu yeeshay caasimadda Ereteriya.

Labadan waddan ayaa tobaneeyo sanno colaad xooggan u dhexeysay kadib markii Jabuuti ku eedeysay Ereteriya in ciidamadeedu soo galeen gudaha Jabuuti waxaanay labadan dal ee dariska ahi ku muransan yihiin buuralayda Dumeera.

“Muddo dheer oo la kala maqnaa, Ereteriya iyo Jabuuti waxay isku raaceen in xidhiidhka la soo celiyo,” Sidaas waxa boggiisa Facebook ku baahiyay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Dr Workneh Gebeyehu.
Weftiga ka socday waddamada Ereteriya, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Wasiirka warfaafinta Ereteriya Yemane Gebremeskal waxa uu boggiisa Twitter-ka ku sheegay in madaxweyne Geelle u sheegay wasiirrada in uu diyaar u yahay dib u heshiisiin iyo in caadi lagu soo celiyo xidhiidhka labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu sheegay in Ereteriya iyo Jabuuti wax kasta ka horumarinayaan nabadda si xalkooda loo raadiyo arrimaha la isku hayo “Waxa uu hadda Geeska Africa xoogga u saaraya horumarka iyo wada jirka.waa wakhti nabad iyo wanaag dhex yimid Jabuuti iyo Ereteriya. Bog cusub ayaa u furmay Ereteriya iyo Jabuuti maaddaama uu bookhasho taariikhi ah ku yimid Jabuuti wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya Cismaan Saalax,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.

Arrimahan ayaa imanaya iyada oo dabayl isbedel oo togan ka socoto gobolka Geeska Africa taas oo ka imanaysa dhanka Itoobiya tan iyo markii la doortay hoggaamiyaha da’da yar Dr Abiy Axmed.

Sayruuqnews
Sayquuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.