Eng. Maxamed Xaashi Oo Waddani Ku Sheegay Xisbi Qabiil Riixayo

“Doorashadan Doorasho Ka Wanaagsan Ba Hore U Meynaan Gelin, Afrika Iyo Caalamka Na Laga Ma Sameynin, 80,000 Oo Cod na Lama Qarin Karo oo Waa Af-gobaadsi Waxa Sababta Laga Dhigayaa.”. Inj.Maxamed Xaashi Cilmi

0
457 views
Eng. Maxamed Xaashi Oo Waddani Ku Sheegay Xisbi Qabiil Riixayo

Eng. Maxamed Xaashi Oo Waddani Ku Sheegay Xisbi Qabiil Riixayo
Hargeysa(Sayruuq):-Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Inj. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa Komishanka Doorashooyinka ka difaacay eedo muddooyinkii dambe uga imanaayey Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo khuseeyey in Komishanku ay cadaalad darro ka sameeyeen Doorashadii dalka ka qabsoontay 13kii November ee sannadkii hore, waxaana uu sheegay in doorashadaasi ay ahayd doorashadii ugu wanaagsanayd ee ka dhacda dalka iyo weli ba guud ahaan wadamada Afrika iyo Aduunka oo idil. Isaga oo weli ba aad carabka ugu adkeeyey in Xisbiga WADDANI laga ga guuleystay cod aan la dafiri karin lana qarin karin gebi ahaan ba.

Inj.Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sidan ka sheegay barnaamijka Milicsiga Siyaasiga ee ka baxa Universal Tv, waxaana uu sida oo kale tilmaamay in dooda Xisbiga WADDANI ee ah in boob ka dhacay Doorashadii dalka ka qabsoontay ay tahay uun mid af-gobaadsi ah isla mar ahaantaana aan la qarin karin codadkii laga ga badiyey Xisbigaasi.

“Cadaalad daradu waxa weeye kolka Doorasho dhacdo, qofka way u bannaan tahay in saddexda Xisbi mid galo oo saddexdaas Xisbi ayaa lagu soo koobay waxeenii, saddexdii Xisbi na waa la kala geli karaa waana la isku qeybsami karaa, markaa imika kolka la yidhaa Doorashadii 80,000 oo cod baa la khalday waa wax aan suuroobeyn, indhaha na waa tii la qaadey, markaa waxa weeye qabiil baynu had iyo jeer wax ku qiimeynaa oo kaas ayaa waxa ba baabiinaaya se sida looga dar-daar werinaayo ma qabo in ay tahay waayo Afar cod, toban cod iyo labbaatan cod ba waa la qar-qarin karaa laakiin 80,000 oo cod lama qarin karo, markaa waxa weeye waa iska af-gobaadsi sabab laga dhiganaayo. “.Ayuu yidhi Inj.Maxamed Xaashi Cilmi

Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa si aada u difaacay Komishanka Doorashooyinka, waxaana uu Xisbiga WADDANI u soo jeediyey in ay si cad u soo bandhigaan dhaliilaha ay u hayaan Komishanka isla mar ahaantaana ay umadda u xaqiijiyaan cadaalad darada ay sameeyeen, waxa kale oo uu Universal Tv uu ka codsadey in ay dood u qabtaan dad uu sheegay ay qabiilo dabada ka riixayaan iyo dad uu sheegay in ay u tudhayaan qaranka oo ka dooda qaabkii ay u dhacdey doorashadii dalka ka qabsoontay, waxaana uu yidhi:-

“Horta Komishankii cadaalad maahadan waa in ay(WADDANI) xaqiijiyaan, maaha afka uun in laga yidhaahdo, dadkii indho ayaaba laga qaadey, oo doorashadan doorasho ka roon oo ka wanaagsan ba hore u meynaan gelin, Afrika iyo Caalamka na laga ma sameynin oo inta sameysay way yar tahay in indhaha iyo faraha ba laga qaado. Kolkaa waxa weeye in dadku xishoodo oo waxyaalaha qaarkood uu ka yara xishoodo ayey ku wacan tahay, mana aha wax la odhan karo musuqmaasuq intaa leeg baa dhacay waayo ma hayaan wax caddeyn ah, dood na waad ka sameyn kartaan oo waa la isku keeni karaa dhowr nin oo qabiilku dabada ka wado iyo dad daneynaaya danta umadda ba, markaa maaha cadaalad darro ayaa dhacdey, dee xaqiiji markaa sidey u dhacday, dadkii AjahaNebiga ahaa ee joogay ma qabaan sidaas ee weli ba khibradda u lahaa, kolkaa iyagu xaggey ka keeneen baa ay su’aashu tahay, kaayagii baa waayey deed na cadaalad darro ayaa dhacday uun baa la iska odhanayaa.”.

Mudane Maxamed Xaashi, waxa kale oo uu ka hadlay shirar beeleedyada soo noq-noqonaayey muddooyinkii dambe, isaga oo aad uga soo horjeestay in qabashada shirar beeleedyada oo uu tilmamaay in ay dhaawac ku yihiin qaraninada Somaliland.

“Shir beeleedkan in horta meesha beel soo gasho ba maaha, oo arrimaheena dawladdeed ba in ay soo gasho maaha, waayo beeshu dadka uun bay ka mid tahay, waxa weeye waa dariiqo xun oo qabiil, kolkaa maaha wax dow ah oo in ay socotana maaha, arrintoodu na waxa weeye uun anaga oo reer hebel waa in aanu helnaa intaas oo mansab, waxaana laga ga baxayaa in wax walba imtixaano lagu qaado oo wixii la hayo ba Saylac illaa bariga Somaliland ba la yidhaa imtixaan ha lagu galo, taas baa meesha ka saari lahayd waxaas, ninkii dedaala ayaana soo bixi lahaa uun, dadku na way dedaali lahaayeen, dhallinyartu na way dedaali lahayd, horumar baana aynu hiigsan lahayn laakiin kolka la yidhaa reer baa lagu bixinayaa, dee reerkii horumar ma sameynaayo, markaa waa arrimo khalada reer hebel baa shiraaya iyo reer hebel baa shiraaya.”.Ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.