Eng Faysal Oo Sheegay In Puntland Hub Loo Saxeexay

0
521 views
Eng Faysal Oo Sheegay In Puntland Hub Loo Saxeexay

Eng Faysal Oo Sheegay In Puntland Hub Loo Saxeexay

Hargeysa(Sayruuq) Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in shirka madaxda Soomaaliya ugu soo dhammaaday Baydhabo lagu soo saxeexay hub la siinayo Puntland si ay ugula dagaallanto Somaliland. Waxa uu eedo u jeediyay maamulka Puntland oo uu ku sheegay beel xasaradda Soomaalida saldhig u ah.

Eng Faysal oo gurigiisa shir jaraa’id ku qabtay ayaa si weyn u dhalliilay qodob ka mid ah waxyaabaha shirka ka soo baxay oo sheegaya in Puntland lagu taageero hub ay kula dagaallanto Kooxaha ku jira Galgala “Shirka shalay ka dhammaaday Baydhaba ee ay isugu yimaaddeen madaxda Muqdisho iyo maamul goboleedyadu, anigu imbadan baan sheegay oo aan idhi dagaalka waxa inagu wada maamulka Farmaajo ee Muqdisho taasina shalay way soo caddaatay,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Qodobada ka soo baxay waxa ka mid ah in reerkan Garoowe iyo Boosaaso degan(Puntland) in hub la siiyo oo ay kula dagaallamaan waxay ugu yeedheen argagixisada. Hubkaasi waxa loo siinaya in inaga(Somaliland) lagula dagaallamo, argagixiso meesha ka jirta ma jirto.”

Eng Faysal wuxuu ku eedeeyay Puntland in ay mashruuc ka dhigato argagixisada iyada oo dadyaw gaar ah ku eedaysa argagixiso “Markii horena dadka masaakiinta ah ee reer Digil iyo Midhifle ah ee Boosaaso u soo shaqo doontay ee bacadleyaasha ku haysta ayay kolba intay qabtaan yidhaahdan ‘Shabaab baanu qabano aanu laynayna’ horena waa kuwii ciidamada Galmudug ku soo hoggaamiyay ciidamada Maraykanka ee ay argagixisada ku sheegeen, marka waxay caadaysteen beeshaasi in ay ka macaashan beentooda. Budhcad badeedkii iyaga sameeyay oo magaalada Garoowe waxay ka samaysan tahay lacagtii budhcad badeedka,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal.

Waxa kale oo uu sheegay in aanay beesha Dhulbahante hayn karayn reer Garoowe isaga oo tusaale u soo qaatay taliye xigeen dhawaan ka cawday Puntland oo ka soo jeeda beesha Dhulbahante “ Taliye xigeenkii daraawiishta ee Deyr darxumada haysata waa arkayseen, marka Deyr baa hayn kari waydeena ma Dhulbahante oo dhan baad hayn karaysaan, caanaha ha iska daadinina,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal.

Eng Faysal wuxuu sheegay in lacagta Halka Milyan ah ee Soomaaliya ku caawisay degaannada xeebaha Awdal tahay lacagaha caalamku soo mariyo Muqdisho laakiin, sida Puntland uga hor timid muujinayso cadaawada ay u hayaan bulshada reer Awdal ee la tabaalaysan duufaanta gaadhsiisay khasaare naf iyo maalba leh.

Waxa kale oo uu bogaadiyay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo shalay ku baaqay in bulshada reer Sool nabadgalyada ilaashato, islamarkaana arrimaha gobolka lagu dhammeeyo wada hadal iyo xal nabadgalyo.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.