Eng Faysal Oo Ka Jawaabay Hanjabada Puntland

0
965 views
Eng Faysal Oo Ka Jawaabay Hanjabada Puntland

Eng Faysal Oo Ka Jawaabay Hanjabada Puntland

Hargeysa(Sayruuq) Eng Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa ka jawaabay xildhibaan Puntland ah oo ku baaqay in meeshii lagu arkaba lagu dilo Faysal isaga oo ku eedaynayay sida uu Puntland uga soo horjeedo ama arrinta Tukaraq uga hadlo. Eng Faysal wuxuu sheegay in uu yahay mid iska hadlay oo aan waxba ka qaadi karayn.

“Inankaas yari wuu iska hadlay, muxuu I yeeli karaa, waxba igama qaadi karo, wuu iska hadlay, waxaanu muujiyay Garaadkiisa ee aniga ALLE ayaa qoray waxkhtigaan dhimanayo,wakhtigaygana kama horaynayo kamana dambaynayo, ee aniga inanka yar ee Ii soo hanjabay waxaan leeyahay adeer waxba ima yeeli kartida ee naxliga iyo xumaanta iska daa,”Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal.

Waxa kale oo uu baaq u diray bulshada Somaliland“Qaranka Somaliland bilaash kumuu iman ee halgan iyo dadaal dheer ayaa loo soo maray marxalado iyo duruufo kala duwan ayaa loo soo maray, 27 sanno ee qaranimadeedna dhisaynay ee aan dawladnimadeedna dhisanaynay ee kolba wuxuu inugu soo kordha dhexdayada ka xalinaynay somaliya siday ahayd weynu wada ogsoonahay, waxa dhab ah in dadka reer Somaliland meel kasta oo ay jogaan iyo gobal kasta oo ay jogaan ay yihiin dad isku xaq ah oo isku xuquuq ah, lagamana yaabo in dhexdooda laga faa’iidaysto balse taladayda ayaa ah reer somalilndoow qarankeena ayaa duulimaad lagu yahay ee mar walba ahaada dad isku duuban.’

Source:Geeska

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here