Eng Faysal Oo Ganafka Ku Dhuftay Mawqifka Dr Cirro

0
670 views
Madaxweyne Biixi iyo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Siyaasadda Ku Sii Kala Foggaanaya
Madaxweyne Biixi, Faysal iyo Cirro

Eng Faysal Oo Ganafka Ku Dhuftay Mawqifka Dr Cirro

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta Hargeysa kula hadlay ayaa ganafka ku dhuftay go’aanka xisbiga Waddani ay kalsoonida kala laabteen guddida doorashada Qaranka.

Waxa uu sheegay in xilligan arrinkaasi sababayso dib u dhac doorashooyinka iyo khilaaf guddaha ah ” xubinta idinku jirta soo bedesha haddii aad saluugteen, laakiin Guddida inta kale way shaqaynaysaa,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe oo u jawaabaya guddoomiye Cirro.

Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro ayaa shir jaraa’id oo uu Hargeysa ku qabtay ku sheegay in aanay kalsooni ku qabin guddida doorashada, islamarkaana uu madaxweyne Biixi u gudbiyay warqad ay ku dalbadeen in la kala diro. waxa uu sababta ku sheegay in aanay guddidaasi ku fashilantay doorashadii madaxtooyada ee sanadkii hore, islamarkaana aanay kalsooni dambe ku qabi karin.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.