Eng Faysal Oo Bilad Qaran U Abaabulayo Oday Carruurtiisu Ku Dhimatay Shaqaaqadii Ceeryaan Oo Nabad Qaatay

0
195 views
Qalbi Dhagax Oo Hargeysa Lagu Casuumayo

Eng Faysal Oo Bilad Qaran U Abaabulayo Oday Carruurtiisu Ku Dhimatay Shaqaaqadii Ceeryaan Oo Nabad Qaatay
Ceerigaabo(Sayruuq) Hoggaamiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in uu ku hawlan yahay sidii billadda Qaranka ugu saraysa loo siin lahaa Oday Jaamac oo wiilal uu waalid u yahay lagu dilay shaqaaqo beelo u dhexeysa oo dhawaan ka dhacday degaanka Ceeryaan ee gobolka Sanaag. Waxa uu sheegay in uu sidoo kale doonayo in uu madaxweynuhu qaabilo Oday Jaamac oo nabad dhaafsaday ubadkiisa dabdamisna u noqday xiisad halkaasi ka aloosnayd.
Oday Jaamac oo ka hadlayay samirka uu qaatay ayaa yidhi”Labadaydii Carruurta ahaa iyo Inankii Walaallkay dhalay ee lagu dilay Ceeryaan nabad gelyo ayaan dhaafsanayaa. 30 carruur ah oo 10 jirku ugu weyn yahay ayey ka tageen oo maanta xilkoodu is saaran yahay. Xaq iyo Geerida ma diidani ninkii diidaa isaga cirka roob ku og.”
Eng Faysal Cali Waraabe oo shalay saxaafadda kula hadlay Ceerigaabo ayaa sheegay in socdaalkiisu yahay tabliiq ku saabsan in arrimo dhawr ah bulshada lagu baraarujiyo qaybna ay ka tahay qoyska dhibaatadu gaadhay sidii wax loo tari lahaa “Waxaan u imid in aan reerkii dhibaatadu ku dhacday tacsi u keeno, ninkii carruurtu ka dhimatayna uu noqdo qof Qaran oo la bartay wanaagga uu sameeyay. Waxa aanu jecelahay in aanu siino billadda ugu weyn ee Qaranka Somaliland, madaxweynahana aan idhaahdo casuun waayo waa qof ku dayasho mudan. Waxa aanu doonayna in dhaqaale ururin loo sameeyo si carruurta agoonta ah ee lagaga tagay mustaqbalkooda looga shaqeeyo,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal.
Guddoomiyaha UCID waxa uu intaasi ku daray “Marka qof basar xumo keeno ee uu qof iska dilo, reerka laga dilay ha sugo falcelinta si qofkii loo soo qabto laakiin, dad iska joogjooga oo ay isku reer yihiin xabad la dhac Adduunka wax lagu arkay maaha, waxaasna waxa ugu wacan dawlad jilayc, maamulka ayaan Bari soo gaadhin, Somaliland baa Burco xataa ku daciif ah,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal oo intaasi raaciyay in ay tahay in dawladnimada laga dhiso Burco, Laascaanood ilaa Ceerigaabo oo laga helo wasaaraddaha oo dhan, islamarkaana dhaqaalaha dalka 60% loo soo leexiyo Togdheer, Sool iyo Sanaag.
Geesta kalena wuxuu sheegay in uu baraarujin guud bulshada iyo waxgaradka reer Sanaag ugu tagay waxaanu bulshada ku soo jeediyay su’aalo dhawr ah “Dalkeenu adduunka wuu ka go’ay, marka waxaanu leenahay maqaleey war laay ma laguu warramay? Reer Somaliland-now ma la idiin warramay Adduunku halka uu marayo? Ma la idiin warramay in dhulkeenii maamam loo samaystay? Ma la idiin warramay in Cabdiwali Gaas leeyahay aniga Ceerigaabo leh? Taas ayaanu (Dadka) u sheegayna in fidmadii Soomaaliya ina soo gashay oo nin Cabdiwali La yidhaa iyo kooxdiisu ina soo galiyeen oo Adduunkii oo dhan been u sheegeen, qaddiyaddeeniiba inta la ilaaway qaddiyad Tukaraq la yidhaa iyo muran xuduudeed la ina galiyay, diiradda halka lagu hayaana tahay gobolka Sanaag oo gobolka Somaliland ugu taajirsan ah,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal.
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.