Eng Faysal Iyo Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Madaxweyne Biixi Kala Shaqeynaya Sidii Somaliland Ula Jaanqaadi Lahayd Isbedellada Ka Socda Geeska Afrika

Somaliland Oo Ku Kaliyaysatay Gadoonka Ay Kaga Jirto Isbedelka Geeska Afrika Ayaa Qaramada Midoobay U Diraysa Codsi Ay Kaga Doonayso Jago

0
609 views
Kulan Adag Oo Dhexmaray Xukumadda Iyo Xisbiyada
Madaxweyne Biixi, Faysal iyo Cirro

Eng Faysal Iyo Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Madaxweyne Biixi Kala Shaqeynaya Sidii Somaliland Ula Jaanqaadi Lahayd Isbedellada Ka Socda Geeska Afrika
Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay kulan balaadhan la qaatay hoggaanka xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID oo ay kala hoggaaminayaan Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Eng Faysal Cali Waraabe.

Kulanka ayaa lagaga hadlay arrimaha siyaasadda dibadda iyo gudaha. Labada qodob ee hoggaanka xisbiyada iyo madaxweynuhu ka wada hadleen ayaa kala ah sidii la isula meel dhigi lahaa habka doorasho dalka ugu dhici lahayd iyo sida ay Somaliland ula jaanqaadayso isbedellada gobolka ka socda.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo kulanka kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Axadda todobaadka soo socda ay madaxweyne Biixi iyo labada hoggaamiye ee xisbiyada mucaaradku yeelan doonaan kulan lagu lafo gurayo waxa ay Somaliland ka yeelayso isbedelka gobolka.

“Arrimaha siyaasadda ee isbedelka Mandaqada iyo guud ahaan caalamka ku soo kordhay waxa u ballamay madaxweynaha iyo labada guddoomiye xisbi. Waxay u ballameen Axadda si loo lafo-guro oo waa talo uu wada leeyahay Qaranku. Hoggaanka maalinta ninka loo doorta ha hoggaamiyo haddana waxa inoo dhaqan ah in talo isku mid ah oo dalka lagu dhisayo oo duruufaha adag lagaga baxayo laga wada tashado. Sidaas darteed taasna waxa u ballamay madaxweynaha iyo labada guddoomiye,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne xigeen Saylici.

Geesta kale guddoomiyaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlaya isla qodobkan waxa uu sheegay in madaxweynaha iyo labada guddoomiye oo ay hoggaaminayaan masuuliyiin kale darsi doonan isbedelka gobolka “ Siyaasadda ama isbedellada socda waxa la isla gartay in madaxweynaha, labada guddoomiye iyo min laba xubnood oo xisbiyada mucaaradka ka socda Axadda la isu yimaaddo oo laga wada hadlo arrimaha khuseeya Qaranka intiisa kale,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro.

Geesta kale waxa kulanka shalay la iskula qaatay in khilaafka arrimaha doorashooyinka ay ka shaqeeyaan min lix xubnood oo ka kala socda saddexda xisbi, islamarkaana ka wada hadlaan sidii loo abuuri lahaa jawi doorashada lagu qaban karo maaddaama la isku khilaafsan yahay kalsoonida Komishanka, sidoo kalena xeerar iyo caqabado kale jiraan.

Dawladda Somaliland ayaa ku kaliyaysatay gadoonka ay kaga jirto isbedellada ka socda Geeska Afrika kadib markii ay isku furmeen waddamada ku hareeraysan ee Soomaaliya, Itoobiya, Ereteriya iyo Jabuuti. Wasiirka arrimaha dibadda Dr Sacad Cali Shire oo waraysi telefishanka Horn Cable la yeeshay maalmihii la soo dhaafay lagu waydiiyay waxa ay Somaliland kaga qayb gashay isbedelka gobolka ka socda waxa uu sheegay kaliya in ay Somaliland kilalka shanaad u celisay hanti lagala soo cararay xilligii qalalaasuhu ka socday Jigjiga waxaanay taasi muujisay in aanay Somaliland siyaasad ahaan wax door ah ku yeelan xidhiidhka cusub ee bilawday dalalka gobolka oo Soomaaliya door ku yeelatay.

Xukumadda madaxweyne Biixi oo dhalliil weyn kala kulmaysay in ay arrimaha dibadda ku fashilantay ayay hadda u muuqata in madaxweyne Biixi ku khasbanaaday in lagala shaqeeyo socodsiinta doorka Somaliland ee gobolka iyo caalamka. Dhawaan waxa uu madaxweynuhu martiqaaday khubaro qaddiyadda Somaliland taageeri jirtay xilliyadii Riyaale iyo Madaxweyne Cigaal.

Dhinaca kale wasiir Sacad Cali Shire ayaa sheegay in ay kulanka guud ee Qaramada Midoobay oo dhawaan furmaya gaynayaan warqad ay ku codsanayaan in ay Somaliland jago ku yeelato UN-ta maaddaama dhawaan madaxweyne Biixi magacaabay wakiil Somaliland u qaabilsan Qaramada Midoobay “Waxaanu bari dhawayd u magacawnay ergayga gaarka ah ee UN-ta Maxamed Warsame Ducaale oo u shaqaynayay UN-ta ilaa dhawr iyo sodon sannadood. Waraaqo badan baanu u qornay. Waxaanu doonayna in aanu codsi(petition) ay saxeexeen labadeena aqal baarlamaan u dirno Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa. Kulanka Golaha Guud oo bilaamaya waxaanu doonayna in aanu ka faa’iidaysano oo gayno codsi jago (Petition and position) marka runtii waanu ka shaqaynayna,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad

Source: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.