Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Xil Balaaki Oo Xaflad Isku Caayay

0
1,316 views
Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Xil Balaaki Oo Xaflad Isku Caayay

Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Xil Balaaki Oo Xaflad Isku Caayay

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo xildhibaan Cabdillaahi Balaaki oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa si kulul isugu caayay shir ku saabsan doorashooyinka soo socda oo lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Eng Faysal oo shirka ka hadlayay ayaa dhalliilay xog ururin ay sameeyeen golaha wakiillada waxaanu sheegay in ay xambaarsan tahay aragtiyo kala fog oo gobollada laga soo ururiyay. Waxa uu sheegay in xildhibaannada sameeyay xog ururintu doonayeen in aanay doorashada wakiilladu dhicin sidaas awgeedna u kala fogaynayeen aragtiyaha bulshada oo aanay daacad ka ahayn xog ururintaas.

Hase ahaatee waxa arrintaasi ka cadhooday xildhibaan Cabdillaahi Balaaki oo fadhiyay shirka waxaanu meesha ka abuuray buuq isaga oo diidan in Faysal soo qaado dhalliisha wakiillada hase ahaatee waxa dhalliisha sii waday Eng Faysal oo sheegay in baarlamaan ku sheegga Soomaaliya ee Muqdisho fadhiya dorraad markii Farmaajo kala hadlayay heshiiska Berbera ay xamaasad waddaniyeed samaynayeen, halka wakiillada Somaliland oo shalay wasiirka arrimaha dibadda Dr Sacad uga warbixiyay heshiisku samaynayeen mucaaradad, waxaanu ku eedeeyay in ay wasiirka lacag ka doonayeen.

Arrintaas ayaa kor u sii qaaday xaraaradda Xildhibaan Balaaki oo la arkayay isaga oo Faysal maagaya kuna hanjabaya in uu shirka isaga baxayo oo la soo qabqabanayo laakiin, Faysal ayaa isna muddo uu iska ahbinayay kadib makarafoonka kala caytamay isaga oo erayo aan habboonayn ku yidhi, islamarkaana codsaday in shirka laga saaro. Erayada Faysal goor dambe si cadho leh u isticmaalay oo aan ahayn kuwo ku haboon in la sheego ayaa wax ka sheegayay Shakhsiyaadda iyo qaab dhismeedka jidhka ee xildhibaan Balaaki. Waxaana shirka ka abuurmay qas iyo guux badan.

Dhawr todobaad ka hor ayaa Xildhibaan Balaaki shir jaraa’id oo uu qabtay si xun u aflagaadeeyay Eng Faysal isaga oo sheegayay in uu Muuse ka doonayo lacag. Lama oga meesha ay iska jiidhsan yihiin labadan siyaasi laakiin, waxa xusid mudan in xildhibaanno kale oo wakiillada ah kulanka fadhiyeen, islamarkaana aanay wax buuq ah ka samayn aragtida Faysal bixinayay.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.