Eng Faysal & Cali Khaliif Oo Loo Jeediyay In Aanay Soo Noqon

0
680 views
Eng Faysal & Cali Khaliif Oo Loo Jeediyay In Aanay Soo Noqon

Eng Faysal & Cali Khaliif Oo Loo Jeediyay In Aanay Soo Noqon

Hargeysa(Sayruuq) Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho oo ah afhayeenka golaha guurtida Somaliland ayaa guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo hoggaamiyaha Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh wuxuu ku eedeeyay in ay madaxda Soomaaliya xiisaynayaan.

Eng Faysal iyo Dr Cali Khaliif ayaa dhawaan dalka Biljim kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya arrintaas oo si weyn bulshada Somaliland uga dhega taagtay loona arkay mid majara habaabinaysa madax bannaanida laakiin, xisbiga UCID wuxuu ku dooday in kulankan Farmaajo codsaday.

Xildhibaan Indho Indho waxa uu ugu baaqay labada masuul in aanay Somaliland ku soo noqon ee madaxda Muqdisho iska raacan “Waxaan u soo gudbinaya Faysal iyo Cali Khaliif halkii aad jeclaydeen baad tagteen ee waxaan idin leeyahay Illaahay ha idinku asturee ha nagu soo noqonina ee raggii aad is doonayseen is heshe e is raaca,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Indho Indho.

Xildhibaanku waxa kale oo uu baarlamaanka ka difaacay eedo uga yimid wasiirka arrimaha dibadda Sacad Cali Shire oo sheegay in ay sumcadda Somaliland caqabad ku yihiin baarlamaanka aan muddada dheer la dooran ee iska fadhiya.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.