Eedaha Lagu Oogayo Cabdi Maxamuud Cumar

0
766 views
Cabdi Ilay Maxkamadda La Hor Keenay

Eedaha Lagu Oogayo Cabdi Maxamuud Cumar
Addis Ababa(Sayruuq) Cabdi Maxamuud Cumar madaxweynihii hore ee gobolka Soomaalida ayaa booliska Federaalka Itoobiya maanta xabsiga dhigeen iyada oo laga soo qaaday guri ku yaalla Addis Ababa. Waxa halkaasi geeyay booliska Federaalka oo Jigjiga ka qaaday kadib khilaaf soo kala dhexgalay maamulkiisa iyo Federaalka oo horseeday rabshado ka istaadhmay Jigjiga.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa sheegay in Cabdi Ilay wajahayo Sharciga. Jawaar Maxamed oo ka mid ah siyaasiyiinta Oromada ayaa sheegay in Maxkamadaha Federaalku xukumi doonaan maaddaama aanay suuro gal ahayn in Jigjiga lagu maxkamadeeyo. Waxa uu sheegay in loo haysto tacadiyo uu u gaystay bulshada Soomaalida iyo Oromada.

Eedaha lagu soo oogi doono
Sida uu baahiyay telefishanka Itoobiya waxa loo haysta Cabdi Ilay xadgudubyo bani’aadanimada ka dhan ah iyo in uu ka dambeeyay isku dhacyo qoomiyadeed ama kuwo diineed oo gobolkiisa ka dhacay “ Marka loo eego sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Federaalka Itoobiya, Cabdi Ilay waxa loo xidhay eedo ah in uu ka dambeeyay xadgudubyo bani’aadanimo iyo sidoo kale isku dhufashada Qoomiyado ama isku dhacyo dhanka Diinta ah, kuwaas oo ka dhacay gobolka Soomaalida Itoobiya,” sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta telefishanku ku ladhay xadhigga Cabdi Ilay.

Sida uu soo bandhigay telefishinka Itoobiya ee ETV, waxaa guriga Cabdi Ilay laga helay hub tiro badan oo ka koobnaa qoryaha AK47, kuwaas oo ka badnaa 5 qori iyo rasaastooda, iyo waliba baastoolado, wuxuuna TVGa sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu haystay.

Balse lama soo muujin ciidankii qoryahaas haystay, gurigana waxa kaliya kasoo baxay Cabdi Maxamuud Cumar oo kaliya.

Arrinta hubka ayaa la sheegay in galka dacwadda ay ka mid tahay, lamase oga sida uu Cabdi ku heley hubka haddiiba muddo bil ah uu xabsi guri ku jiray.

Waxaase la fahamsanyahay in Cabdi uu u talinayay ciidamo kumanaan ah oo lagu magacaabo Liyuu Booliis, kuwaas oo weli aan taliyeyaashoodii la arag, lana ogayn xaalkooda meel u ku dambeyn doono.
Waxa la filaya in eedaha loo qabsanayo ay ka mid yihiin in uu fawdo sameeyay markii la xidhayay kolkaas oo ahayd markii Militarigu isku dayay in ay soo qabtaan laakiin, shacabka Jigjiga iyo Liyu Boolisku difaaceen taas oo la filayo in dhibkii ka dhashay halkaasi dusha loo saaro Cabdi Ilay.
Waxa kale oo uu telefishanku sheegay in shakhsiyaad kale oo la kiis ah Cabdi Ilay kana mid ahaa maamulkiisii la soo qaban doono. Shalay ayaa baarlamaanka Jigjiga xilka ka qaaday Cabdi Ilay iyo lix xubnood oo la kiis ah.
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.