Duufaanta Geeska: Isbedello Iyo Isdiidooyin

0
173 views
Duufaanta Geeska: Isbedello Iyo Isdiidooyin

Kamaal Marjaan (Q.1aad)

Xiisadaha siyaasadeed, nabadgelyo darrada iyo xasilooni la’aanta dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee uu gobalka Geeska Afrika lahaystaha u yahay, waxa ay buro ku noqdeen sawirkiisa siyaasadeed iyo muuqaalkiisa guud, waxa aanay abuureen isbedello iyo isdiiddooyin sida fooraha jihooyin kala duwan ka imanaya. Taas oo mararka qaarkood ay adagtahayba in aynu si run ah u odorosi karno suurtagalnimada in gobalku uu ka bogsado boogaha mililka yeeshay ee abid hagardaamada ku ahaa horusocodkiisa, midnimadiisa siyaasadeed iyo xitaa is raacsanaantii dhuleed.

Tusaale ahaan, soddon sano ka hor cidina ma’ay filayn go’itaankii Ereteriya, madaxbannaanidii Koonfurta suudaan iyo in Soomaaliya ay noqon doonto dawlad Federaal ah oo ay maamul-gobaleedyadu baarqab yihiin, goballadii woqooyina ay ka dhismi doonto Somaliland oo dawladnimo iyo nidaam maamul oo ay u madaxbannaantahay. Waa laga yaabaa in lagu doodi karo in kala go’a dalalkani uu xal u yahay dhibaato ka timi wada noolaanshiyihii siyaasadeed oo suurtageli waayey. laakiin waxa ay weli saadaal aan fiicnayn u tahay sida ay u adagtahay in dalalkani ay yeeshaan wada noolaanshiye dhaqaale iyo iskaashi horumar, xitaa haddii ay noqonayso iyaga oo kala madaxbannaan.

Iyada oo ay waxaas oo dhami jireen, haddana marnaba quus lagama joogo suurtagalnimada in xidhiidh dhaqaale iyo iskaashi horumar keenaa uu dhexmaro dalalka Geeska Afrika, iyo in uu dhaco isbeddel dalalkan ologga ah u fududeeya in ay irmaansadaan khayraadkooda ceegaaga, lana jaanqaadaan horumarka dunidu u hayaantay. Taas oo Ifafaalaheedu aad u soo muuqdo intii uu talada dalka Itoobiya qabtay raysalwasaare Abiy Axmed, oo isbedello saamaynta iyo xawliga duufaanta leh ku soo biiriyey saaxadda siyaasadda iyo diblumaasiyadda gobalka ee fadhiidka ahayd.

Abiy Axmed oo la aaminsan yahay in uu dhabartaabasho ka haysto dawladda Maraykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka, ayaa isbedello illaa gunta ah ah ku samaynaya dabeecaddii siyaasadeed iyo nidaamkii talo ee dalkiisa iyo diblumaasiyadda gobalka Geeska Afrika. Waxaa xiise gaar ah leh, in colaaddii guunka ahayd ee Itoobiya iyo Eriteriya uu maalmo yar gudahood u beddelay saaxiibtinimo ku sii siqaysa iskaashi Istaraatijiyadeed. Isaga oo durbadiiba bilaabay dadaallo uu doonayo in dalkan ay deriska yihiin laga qaado cunaqabatayntii ay qaramada Midoobey saartay. Taas oo u muuqata in ay daarantahay laba sababood oo isbarkan:

– In Itoobiya ay hesho marin biyood u soo labeeya Jabbuuti, oo aan sida dekedaha Mombasa, Soomaaliya iyo Somaliland uga baahanayn dhaqaale buuran oo ku baxa dhismaha dekedda, jidadka, nabadgelyada, diyaarinta shaqaalaha iyo dhammaystirka kaabayaasha loo baahan yahay.

– In Maraykanka uu helo jid uu u maro dalka Eriteriya oo uu danaynayo istaraatijiyaddiisa dhinaca badda.

– Imaaraadka Carabta ayaa isna si weyn u danaynaya dekeda Ereteriya oo dhinac ahaan ay isku dan ka yihiin Maraykanka, dhinaca kalana kaalin weyn ka qaadanaysa ammaanka qaranka ee Imaaraadka Carabta, xoojinta dagaalka ay isaga iyo xulafadiisu kaga jiraan Yemen iyo dano ganacsi.

Itoobiya waxaa ka socda korriin dhaqaale oo ah kan ugu xawaaraha badan Afrika iyo inta badan ee dunida, sida ay hay’adda lacagta adduunka ee IMF saadaalinaysana, sannadkan oo keliya waxa uu kordhayaa qiyaas ah boqolkiiba 8 iyo badh. Sidaa awgeed si ay uga feejignaato in nasiibdarrada bad la’aanta ee haysataa ay dabarto horumarkeeda, waa in ay heshaa dekedo ka badan laba iyo saddexba.

Talisyadii kala dambeeyey ee Itoobiya, weligoodba waa ay dareensanaayeen muhiimadda ay dekeduhu u leeyihin. Laakiin Abiy Axmed, waxa uu dekedahaas raadintooda u marayaa xeelad ka duwan tii uu dalkiisu hore ugu mari jiray; waxa uu markan rabaa in uu iskaashi iyo danwadaag la yeesho dalalka gobalka ee dekedaha leh. Waxa uu hore heshiisyo ula galay Jabbuuti, Suudaan, Kenya iyo Soomaaliya, ka horna waxa jiray heshiis Itoobiya kula jirto Somaliland iyada oo dhowaanna ku soo biiray heshiiska Ereteriya oo dekeddeedu noqonayso tan labaad ee isticmaalkeedu ugu soo dhaqsan karo marka Jabbuuti laga yimaaddo.

Taakada ugu culus ee maanta hortaalla danahaas isbarkan ee ay Maraykanka, Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya ka leeyihiin Ereteriya, waxa ay noqotay cunaqabataynta Qaramada Midoobey ee saaran dalkaas oo diidaysa xidhiidhada iyo heshiisyada ay la geli lahaayeen. Waxaa muuqata in Raysalwasaare Abiy Axmed ay labada saaxiib ee kale u igmadeen in uu qodaxdaas jidka ka duwo. Taas oo ay Itoobiya dadaalkeeda ku jirto, iyada oo ka faa’iidaysanaysa xubinnimadeeda imika ee kursiga kaltanka ah ee golaha ammaanka Qaramada. Laakiin kursigaasi kelidii kuma uu filnaan, oo waxaa qasab noqotay in qaadista cunaqabataynta taageero looga helo dalalka kale ee gobalka, gaar ahaan dalalka IGAD oo marka horeba dhibta ka dhex dhacday qaar iyaga ka mid ah iyo Ereteriya ay ahayd sababta ugu muhiimsan ee Ereteriya cunaqabataynta loo saaray. Madaxweynaha Ereteriya oo dhiirrigelin ka helaya saddexdan saaxiib ayaa xodxodasho ka dhex bilaabay Bariga Afrika, dadaal uu doonayo in uu ku helo taageeradooda si cunaqabataynta looga qaado.

Soomaaliya oo madaxweynaheedu saddex dharaarood marti u ahaa madaxweyne Isaias Afawerki, ayaa noqday hoggaamiyihii labaad dalalka IGAD, ee ku baaqay in Ereteriya cunaqabataynta laga qaado. Waxa aanay u eegtahay in Itoobiya oo uu raysalwasaaraheedu dhowaan Muqdisho booqday iyo Maraykanku ay madaxweyne Farmaajo ku qanciyeen in uu taageero dadaalkan. Kenya iyo Ereteriya iyaga marka horeba xidhiidhkoodu ma’ uu xumaan, waana suurtagal in maalmaha soo socda labada dal laga arko dhaqdhaqaaq diblumaasiyadeed oo qaadista cunaqabataynta la xidhiidha.

Ereteriya in lagu soo celiyo xayndaabka Bariga Afrika iyo beesha caalamku cidda ugu badan ee ay walaaca ku haysaa waa dalka Jabbuuti oo colaad dhinaca xuduudka ahi u dhexeysay sannadihii u dambeeyey, dhul ay leedahay iyo maxaabiis ciidanna ku jiraaan gacanta Ereteriya. Waxa kale oo ay Jabbuuti ka xumaan kartaa in Itoobiya oo muddadii ay colaaddu u dhexeysay Ereteriya, boqolkiiba 95 waxa ay dibadda ka soo dejisato soo marisa dekedda Jabbuuti ay hadda kaddib ugu yarana u qaybin doonto Jabbuuti iyo Casab oo Ereteriya ah.

Isla markii fooraha isbeddelku bilowday, ayaa Jabbuuti ay isku dayday in aan cidlo lagaga tegin, waxa aanay Qaramada Midoobey ka dalbatay in la heshiisiiyo iyada iyo Ereteriya, laakiin cidi ma dhegeysan. Iyada oo ay taasi taagan tahay ayaa uu soo baxay baaqa Madaxweynaha Soomaaliya ee ah in cunaqabataynta laga qaado Ereteriya. Arrintaas oo ay aad uga xumaatay dawladda Jabbuuti oo tirsanaysay in xidhiidhka isirka ah iyo ciidamada ka jooga Soomaaliya oo lagu daray shirarkii dawlad-dhiska ee ay Soomaalida u qabatay, ay noqdaan abaal Soomaaliya ku qasba in ay garab istaagto. Laakiin ay ku hungawday.

Waxaa muddooyinkii u dambeeyey meel aad u xun gaadhay xidhiidhka Jabbuuti ay la leedahay dalka Imaaraadka Carabta oo kaalin weyn ku leh isbeddellada socda. Sida oo kale Maraykanka oo isagu saldhig ciidan oo muhiim ah ku leh Jabbuuti ayaa aan muddooyinkii u dambaysay ku qanacsanayn in madaxweyne Geelle uu saldhig milateri siiyo dalka Shiinaha oo loollan weyni u dhexeeyo. In laba ka mid ah saddexda saaxiib ee cusub ee Ereteriya aanay aad uga raalli ahayn Jabbuuti waxa ay meesha ka saari kartaa fursaddii ay Jabbuuti kaga hortegi kari lahayd in isbeddelka socdaa uu danaheeda dhinac maro. Dad badan ayaana qaba in siyaasadda labagardaaqa ah ee ay Jabbuuti dalkeeda isugu keentay quwadadha is diiddani oo ay marka hore dano siyaasadeed iyo faa’iido dhaqaale ku heshay, ay imika keeni karto in ay isku rogto.

Si kastaba ha ahaato ee, halka imika la joogo, muhiimadda dalka Jabbuuti weli waa ay ka xoog badan tahay in sidaa kediska ah looga baalmaro, waa suurtagal in waxa socdaa uu yahay keliya in baraqnugleeyo, ugu dambayntana ay dhacdo in Jabbuuti la siiyo dammaanado ugu yaraan cabsida ay qabto dejiya. Lagana shaqeeyo sidii uu madaxweyne Geelle u raaci lahaa geeddiga socda. Inkasta oo ay arrintani u baahan tahay in dano badan laga wadahadlo, oo ay ugu horreyso in wax la iska yidhaahdo xidhiidhka Jabbuuti iyo Ereteriya, iyo in la qaboojiyo cadhada Imaaraadku u qabo Jabbuuti, haddana in walaaca Jabbuuti la bogsiiyo waxaa muhiim ka sii dhigaya, Jabbuuti oo ah xarunta urur gobaleedka IGAD ee hadda kaddib bu’da u noqon doona shaqada soo xero-gelinta iyo cunaqabatayn ka qaadista Ereteriya, ee maalmaha soo socda bilaabmaya.

Maraykanka

Maraykanku raalli kama uu ahayn saldhigga ciidan ee uu Shiinuhu ka samaystay Jabbuuti oo uu isagu hore ugu lahaa. Mana sii eegan karo in ay sii socoto saamaynta Shiinaha ee gobalkan muhiimka ah ku soo badanaysa. Sidaa awgeed xidhiidh uu Maraykanku la samaysto Ereteriya waxa uu Shiinaha kaga caabbin karaa in uu gaadho xeebaha Ereteriya iyo in uu badda cas si buuxda u hantiyo. Isaga oo maanka ku haya in Berbera oo ah furdad muhiim ah oo badda cas ku taallaa ay sida oo kale ka xidhan tahay Shiinaha, maadaama oo Imaaraadka oo Maraykanka la xulafo ahi deggen yahay.

Shiinuhu waxa uu muddo ku hawlanyahay qorshe uu ku samaynay jid ganacsiyeed lagu magacaabo Jidka xariirta ah ee Shiinaha, kaas oo la doonayo in uu noqdo jid isku xidha Shiinaha, iyo dalal muhiimka ah ee Aasiya, qaarad la mooddo Hindiya, Iiraan, Yurub, dalalka Carabta iyo Geeska Afrika. Jidkaas oo bad iyo berriba marayaa waxa uu qorshuhu yahay in uu soo maro badda cas oo uu ka soo gelayo jihada woqooyi ee Masar, soona marayo marinbiyoodka Baabu-mandab, isaga oo ku dhowaanaya Ereteriya, Jabbuuti iyo Somaliland oo ugu durugsan, illaa uu u soo gudbo badweynta Hindiya oo la filayo in uu magaalada Muqdisho ku baydho ama ku dhowaado, kaddibna Nairobi tago.

Cunaqabataynta hubka oo laga qaado Ereteriya, waxa ay dariiqa u bannaynaysaa iskaashi milateri oo uu Maraykanku la yeesho, waanay u dhowdahay in uu saldhig ka samaysto. In Ereteriya la soo dhoweystaa waa guux muddo ka dhex jiray madalaha lagu go’aamiyo siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka, gaar ahaan xisbiga jamhuuriga dhexdiisa. Boqol maalmood ka yar ayaa laga joogaa markii iyada oo aanu Abiy Axmed weli isbeddelkan keenin, uu xildhibaan Dana Rohrabacher oo ah ruugcaddaa ka tirsan xisbiga talada haya ee jamhuurigu, warqad xidhiidhka Ereteriya ka hadlaysa u qorayey wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Xildhibaan Dana Rohrabacher oo 30 kii sano ee u dambeeyeyna ka tirsanaa golaha wakiillada, waxa uu wasiirka arrimaha dibadda Michael Pompeo kula taliyey in Maraykanku uu xidhiidh adag la samaysto dalka Ereteriya, oo istaraatiyad muhiim ah leh. Lagana shaqeeyo sidii uu ula yeelan lahaa iskaashi milateri. Waxa uu si badheedh ah ugu dooday in ay taasi tahay tab fiican oo lagaga hortegi karo saamaynta soo kordhaysa ee uu Shiinuhu ku leeyahay gobalka, oo ay ka mid tahay saldhigga mialteri ee ay Jabbuuti siisay.


In Ereteriya ku soo noqoto saaxaddu waxa ay Maraykanka u leedahay dano kale oo ay ugu muhiimsan tahay in Iiraan uu ka ilaaliyo badda cas si uu u sugo danihiisa marin biyoodka baabu-mandab, isla markaana u adkeeyo nabadgelyada Israa’iil iyo xulafadiisa khaliijka.

La soco…

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.