Duufaano Ku Kacay Guddoomiye Saleebaan

0
481 views
Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo Casilaya
Saleebaan Maxamuud Aadan

Duufaano Ku Kacay Guddoomiye Saleebaan

Hargeysa (Sayruuq) Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in tahay in Madaxweynaha laga codsado inuu kala diro Golaha Guurtida, ka dib markii Mudanayaal doonayey in Ajandaha Kal-fadhiga 66-aad lagu soo daro Xeer-hoosaadka Goluhu ay buuq ka dhex sameeyeen fadhigii dorraad oo uu isagu Guddoominayey. Wax ka bedelka Xeer hoosaadka ayaa marinka u xaadhaya xil ka qaadis lagu sameeyo guddoomiyaha guurtida waxaanu meel adag iska taagay arrintaasi.

Xildhibaanno ka mid ah Guurtida oo ka qayb-galay dood Goluhu ka yeeshay Ajandaha Kal-fadhiga 66-aad, ayaa qaarkood Shir-guddoonka Golahaasi ku eedeeyay inay ajandaha Kal-fadhiga ka saareen Xeer-hoosaadka Golahaasi oo Guddiga Joogtada ahi ku soo dareen, si wax looga beddelo, waxayna Xildhibaannadaasi dalbadeen in Ajandaha Kal-fadhiga lagu soo daro Ajandaha, halka Xildhibaanno kale oo Doodda ka qayb-galayna Madaxweynaha ku eedeeyeen inuu ka maarmay Golaha Guurtida oo aanu u adeegsanin hawlaha la xidhiidha Nabadgalyada Qaranka.

Mid ka mid ah Xildhibaannada ee Doodda ka qayb-galay ayaa isagoo Cadho ka muuqato isla-markaana Codka kor u qaadaya wuxuu yidhi “Maaddaama oo Guddiga Joogtada ahi Ajandaha Kalfadhigan ee la idiin soo gudbiyey ku soo dareen Xeer-hoosaadka Golaha si wax looga beddelo oo Guddoomiye aad idinku ka saarteen (ha lagu soo daro)…”

 

Xildhibaan kale oo Golahaasi ka mid ah oo isaguna doodda Mudanayaasha qayb ka ahaa ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inuu ka maarmay Mudaneyaasha Golahaasi, sidaasi darteed ay ahayd inay Goluhu iyagu is-qiimeeyaan, waxaanu yidhi “Madaxweynuhu wuxuu yidhi Golaha Guurtida waan ka maarmay, wuxuu yidhi waxaan kaxaysanayaa Cuqaal iyo Wasiirro, markaa Golaha Guurtidu waa fadhiid, waxay ahayd in Maanta Ajandaheenu ahaado Madaxweynaha oo aynu Golaheena is-qiimayno, ee ma ahayn in hawsheenu ahaato Ajandaha (Golaha ee kal-fadhiga 66-aad)…”

 

Hase yeeshee, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo Fadhiga Shir-guddoominayey, ayaa ka cadhooday eedaha xildhibaannada qaarkood ugu soo jeediyeen inay Shir-guddoon ahaan Ajandaha ka saareen Qodobkii soo jeedinayey in wax laga beddelo Xeer-hoosaadka Golahaasi, waxaanu Guddoomiyuhu uu Xildhibaannada Golahaasi ee doodda buuqa abuurtay ka qayb-qaatay ku eedeeyay inay ka gaabiyeen Waajibaadkoodii ahaa ka shaqaynta nabadgalyada, isla-markaana Xilligan oo ahayd inay u guntadaan nabadaynta deegaannada Colaaddu ka jirto ay buuq ka dhex abuurayaan Golaha.

Waxa uu ku hanjabay in uu golaha kala diri doono isaga oo dhalliilaha hoggaamintiisa loo jeediyay dusha ka saaray mudaneyaasha oo uu sheegay in ay shaqadooda ka gaabiyeen ay tahayna in la kala diro waxaanu dalbaday in aan dagaal laga dhex istaadhin golaha xilli dagaallo ka socdaan Tukaraq iyo Ceelafweyn.

Guddoomiyaha oo ka hal-celinaya buuqa iyo eedaha loo soo jeediyey ayaa waxa uu yidhi “Muranka Maanta taagan ee qaybinta Qaranka ee Golahan ka yeedhayaa ma Caafimaad qabo.”

Guddoomiyaha Guurtidu waxa kale oo uu sheegay “Dhowr iyo toban meelood ayaa qiiq iyo nabadgalyo xumo inagaga baxaysaa, ma Maanta ayaad Golaha dhexdiisa dagaal iyo muran keenaysaan..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Markaa Waajibku wuxuu noqonayaa in Madaxweynaha loo gudbiyo (Qoraal) oo la yidhaahdo ha lana kala diro (Guurtida) kama adkin hawshee..”

 

Waxay u muuqata in ay markii u horaysay mudaneyaashu ku soo jeesteen guddoomiye Saleebaan oo muddo loo arkayay in uu awoodda golaha maroorsaday, islamarkaana si weyn loo dhalliilsana golaha shaqadiisa.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.