Dugsiga Sul. Maxamed Sul. Faarax Oo Albaabada Loo Laabay

0
433 views
Dugsiga Sul. Maxamed Sul. Faarax Oo Albaabada Loo Laabay

Dugsiga Sul. Maxamed Sul. Faarax Oo Albaabada Loo Laabay

Hargeysa(Sayruuq) Dugsiga sare ee Suldaan Maxamed Sul. Faarax oo ku yaalla degmada Axmed Dhagax ee Hargeysa ayaa albaabada loo laabay dhawaan kadib markii xukumaddu bixin wayday mushaharka macallimiinta iyo kharashaadka dugsigu ku socoday.

Caqabada soo wajahday Dugsigan ayaa ka danbaysay ka dib markii ay xukuumaddu ka saartay miisaaniyaddii hore loogu qoondeeyay Dugsigaasi, hasayeeshee Maamulaha Dugsiyadda Nuuradiin Mahad Maxamed Ibraahim ayaa macalimiin u diray Dugsigaasi si ay ardaydu u sii wadato Waxbarashadooda.

warkan oo aanu ka helnay ilo xog ogaal ah ayaa intaasi ku daraya in laba todobaad ka hor dugsigaasi Albaabada loo laabay, markii ay soo food saartay dhaqaale la’aani isla markaana macalimiintii wax ka dhigaysay ay shaqadii u joojiyeen lacago la’aan darteed.

Maamulaha Dugsiyadda Ugu balaadhan Somaliland ee Nuuradiin Mahad Maxamed Ibraahim ayaa dhawr macalin u asteeyay in ay Dugsigaasi ka hawl galaan isla markaana ay ardayda Wax ka dhigata dugsigaasi ee sanadkan ka baxaysa fasalada afraad ay  soo gaadhsiiyaan Filkooda kale ee ay waxbarashadu u socoto.

Arrintan ayaa fool xumo ku noqonaysa Xukuumadda Taladda Haysa, maadamaa uu dugsigu ahaa mid ay dawladdu iska leedahay isla markaana si toos ah u hoos taga Wasaaradda waxbarashada somaliland.

Isha: Hadhwanaagnews

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.