Dr Sacad Oo Sheegay Sababta Lacagtii Dekedda Berbera & Saldhigga Loogu Dari Waayay Miisaaniyadda

0
119
Dr Sacad Oo Sheegay Sababta Lacagtii Dekedda Berbera & Saldhigga Loogu Dari Waayay

Dr Sacad Oo Sheegay Sababta Lacagtii Dekedda Berbera & Saldhigga Loogu Dari Waayay Miisaaniyadda
Hargeysa(Sayruuq) Wasiirka horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa la waydiiyay sababta aanay miisaaniyadda uga dhex muuqan lacagta Somaliland dhaafsatay dekedda Berbera iyo Saldhigga ee Imaaraadka la siiyay.

Cabdikariin Axmed Mooge ayaa su’aashan ku waydiiyay wasiirka madal lagu faaqidayay miisaaniyadda sanadkan waxaana la yaab ahayd in wasiirku sheegay in lacagta kirada ah ee dekedda Berbera la sii qadintay mana caddayn in xukuumaddan qaadatay iyo in tii ka horaysay qaadatay.

“Horta way ku jirta. Waxay ku jirta kirada aynu ka qaadano dekeddu kirada aynu ka qaadano hantida ma guurtada ah. Sanad walba dekedda waxaynu ka qaadana kiro shan milyan dollar ah, dekedda DP World maynaan siin waxaynu siinay shaqada inaga iska leh dhulka waynu ka kiraynay sanad walba 5 milyan ayaynu ka qaadana waxaanay ku jirta halka kirada laakiin, sanadkan kuma jirto oo hore ayaynu u qaadanay .

Arrinta Saldhigga, saldhigga isaga kiro kama qaadano, kiro maaddaama aynaan ka qaadan kuma jiro kirooyinka, Saldhigga heshiiska aynu kula galnay Imaaraadka waxa weeye in ay inoo dhisaan waddo Berbera ilaa Wajaale ah iyo in ay inoo dhisaan madaar ay inoogu bedelayaan kii aynu siinay kiro kama qaadano, marka qandaraaskii Waddana sanadkan ayaa la bixinaya oo la bilaabaya,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.