Dr Cirro Oo Shaaciyay Mawqifkiisa Tukaraq

0
150 views

Dr Cabdiraxmaan Cirro wuxuu ka hadlay heshiiska Saldhigga Militari ee Berbera, Ciidamada Qaranka, Saxaafadda iyo eedo kale oo uu u jeediyay xukumadda Kulmiye

Dr Cirro Oo Shaaciyay Mawqifkiisa Tukaraq: Guddoomiyaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro oo xalay ka hadlayay magaalada Boorama ayaa sheegay in aan dagaal lagu xallin Karin xiisadda xuduudka Somaliland iyo Soomaaliya sidaas awgeedna loo baahan yahay in Madaxweyne Muuse iyo Farmaajo hab diblamaasiyadeed ku xalliyaan

“Khilaafka ka taaggan Soomaaliya iyo Somaliland dagaal xal uma aha, waxa xal u ah nabad iyo wada hadal. Xilligii ololaha Madaxweyne Muuse iyo wasiirkiisa guduhu waxay xisbiga Waddani ku eedayn jireen in uu xidhiidh la leeyahay Somalia laakiin, waxa la igu yidhi “ habeenkii Muuse ma seexdo ilaa uu Farmaajo la hadlo’ maaddaama ay wada hadlaan waxaan ku talinaya in arrinta lagu dhammeeyo wada hadal,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in aanu muran gali Karin xuduudka Somaliland iyo Soomaaliya “Xuduudka Somaliland iyo Somalia waa xuduud cad oo aan muran gali Karin qof walbana waa ka dheregsan yahay qof is yeelyeelaya mooyaane. Arrintaasi waxay I xasuusisay sheeko ahayd nin aan riwaayadaha gali jirin oo markii la yidhi maxaad u gali wayday ku jawaabay ‘waxaan u gali waayay waxa ku soo hor istaagaya nin aad lafihiisa oo cadcad garanayso oo is yeelyeelaya oo marna oday iska dhigaya marna islaan’ marka waxaan leeyahay Soomaaliya iyo Puntland haddii aydaan is yeelyeelayn xuduudkeena waa garanaysaan oo wuu cad yahay,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro.

 

Halkan ka daawo muuqaallo dheeraad ah oo ku saabsan socdaalka Dr Cirro ee Boorama

Dr Cirro Oo Shaaciyay Mawqifkiisa Tukaraq

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.