Dr Cirro Oo Oo Ku Gacansaydhay Madaxweyne Biixi

0
1,015 views
Eng Faysal Iyo Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Madaxweyne Biixi Kala Shaqeynaya Sidii Somaliland Ula Jaanqaadi Lahayd Isbedellada Ka Socda Geeska Afrika
Madaxweyne Biixi, Faysal iyo Cirro

Dr Cirro Oo Oo Ku Gacansaydhay Madaxweyne Biixi

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta oo u soo diray diyaarad khaas ah kadib marti qaad ay hore ugu fidiyeen. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa raacay madaxweyne Biixi waxaana la rumaysan yahay in socdaalkani daaran yahay mucaaradada Muqdisho kala hor timid shirkadda DP World ee dekedda Berbera maamusha.

Madaxweyne Biixi ayaa kulan daba socda xiisadda gobolka waxa uu la yeeshay guddoonka baarlamaanka iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka galinkii hore ee maanta. Xogo ay heshay warbaahinta Ilaysnews ayaa sheegaya in guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro ku gacansaydhay dalab uga yimid madaxweyne Biixi oo ku saabsan in uu u raaco safarka Imaaraadka laakiin, uu diiday in uu ku weheliyo socdaalkaasi.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa mucaaradad kala horyimid heshiiska Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya oo uu sheegay in uu madmadow ku jiro laakiin, madaxtooyada ayaa ku eedaysay in uu mucaaradayo heshiis baarlamaanku ansixiyay xilli uu shir guddoon ka ahaa.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.