Dr Cirro Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Madaxweyne Biixi

0
724 views
Dr Cirro Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Madaxweyne Biixi

Dr Cirro Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Madaxweyne Biixi

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay xoogga ku saaray dhibaatada bulshada Somaliland kala kulantay sixir bararka waxaanu sheegay in madaxweyne Biixi ku fashilmay wax ka qabashada Sixir bararka, islamarkaana muddadii uu xilka hayay sii kordhay.

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in bulshada Somaliland ay culays laxaad leh kala kulmayso mushkiladda uu ku hayo qiimaha maciishada iyo nolosha ee kordhaya “Intii xukumadihii kala dambeeyay ee Kulmiye hayeen talada dalka  waxa uu qiimaha Shillinka Somaliland hoos u dhacay in ku dhaw 50%,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro.

“Waxaa ayaan darro ah in xukumadda Kulmiye la Soof-daran habowday xal u helida arrimaha dhaqaalaha iyo gaar ahaan sixir bararka. Muddadii uu madaxweynuhu xilka hayay sixir bararku wuu sii kordhay ha joogto in wax laga qabtee. Waxaad ogtihiin in xukumaddu guddi u saartay xalka sixir bararka laakiin, xukumaddu meel khaldan bay ka doontay waxaana caddaatay in guddidaasi ku fashilantay xal u helidda Sixir Bararka,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu su’aal galiyay in madaxweynuhu og yahay dhibka uu sixir bararku bulshada ku hayo waxaanu sheegay in haddii madaxweynuhu arrintaasi ogyahay uuna sanadkan korodhsadeen miisaaniyadda Madaxtooyada ee uu kula tacaali lahaa wax ka qabashada sixir bararka.

Dr Cirro oo Khamiistii kormeeray suuqyada Hargeysa wuxuu soo qaatay hooyo ku nool xaafadda 150-ka oo saygeedu yahay Askari jiida hore jooga, islamarkaana mushahar u qaata lacag dhan sideed boqol oo shillin Somaliland ah, taas oo laga doonayo Guriga kiradiisa, lacagta waxbarashada carruurta iyo qaybaha kale ee nolosha waxaanu sheegay in ay hooyadaasi warwar la daris tahay.

Waxa kale oo uu sheegay in ganacsatadu u sheegtay in aanay go’aammadii xukumaddu waxba ka bedelin sixir bararka, islaamrkaana bedelka Adeegyada Zaad iyo E-dahab wax saamayn ah ku yeelan suuqa taasna ay muujinayso in aanay sixir bararka wax lug ah ku lahayn.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.