Dr Cirro Oo Luuqad Adag Kaga Hadlay Shirkadda Imaaraadka

0
210 views
Dr Cirro Oo Luuqad Adag Kaga Hadlay Shirkadda Imaaraadka

Dr Cirro Oo Luuqad Adag Kaga Hadlay Shirkadda Imaaraadka

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa fadeexad musuqmaasuq oo soo shaac baxday ku tilmaamay shirkadda Imaaraadka laga hirgeliyay ee Somaliland Investment Company. Waxa uu madaxda arrintaasi ku lug leh ugu baaqay in ay is casilaan waxaanu su’aalo badan galiyay hawlaha shirkadda iyo cidda iska leh.

Wasiirka arrimaha dibada Dr Sacad Cali Shire iyo wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil ayaa madax ka ah shirkaddan laga diwaangeliyay suuqa dhaqaalaha Dubai waxaana xog hayn ka ah nin la sheegay in uu safaaradda Imaaraadka ee Somaliland ka tirsan yahay. Arrintan oo ay wasiirrada xukumaddu hadallo kala duwan ka soo saareen waxa la sheegay in ay leedahay dawladda Somaliland laakiin, waxa ku xeeran tuhunno ah in ay awood gaar ah ku leeyihiin masuuliyiinta madaxda ka ah.

“Waa shirkad Saamiley ah, waxaana ku qoran in wasaaradda maaliyaddu saamiley ka tahay mana cadda Saamileyda kale ee shirkaddu. Lacagta shirkadda lagu aasaasay sida sharcigeeda ku qoran waa shan Milyan oo dollar, waxaana la bixiyay konton kun oo qudha, cidda lacagtaas bixisayna ma cadda, ma wasaaradda maaliyadda bixisay? Ma safiirka iyo wasiirka bixiyay? Cidda lacagtaas lagu shubay hadda bixisayna ma cadda,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro oo shir jaraa’id qabtay.

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in aasaaska shirkaddani ka soo horjeedo qawaaniinta iyo shuruucda Somaliland, islamarkaana ay tahay in marka ay samaynayso xukumaddu shirkad ama hay’ad ay ka sii horayso go’aan xukumaddeed laakiin, aanay taasi dhicin “Waxa kale oo yaab leh waxa la yidhi wasaaradda maaliyadda ayay hoos timaadda oo wasiirka maaliyadduna ma oga oo shalay ama dorraad ayuu wasiirka arrimaha dibaddu ogaysiiyay jiritaanka shirkaddaasi, wasiirkuna wuxuu xilka la wareegay 60 maalmood ka hor, marka waxa is waydiin leh wasiirkii hore xilkii ma badh buu wali haya oo aanu soo wareejin? Ma buudhi baa laga kireeyay wasiirka cusub oo xilka badh baan lagu wareejin? Waxa kale oo yaab leh in wasiirkii hore ee ganacsigu uu sheegay in aanu xataa maqal shirkaddaas, waxa kale oo yaab leh in aanay wasaaraddii maalgashigu iyaduna war u haynin,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha ayaa intaasi raaciyay in shirkaddan ay masuulka ka yihiin safiirka, Imaaraadka, xoghayntiisa iyo wasiir Sacad oo ay sheegeen in Madaxweynuhuna la og yahay looga fadhiyo in madaxweyne Muuse bulshada tafaasiil ka siiyo “Shirkaddan waxaanu u aragna weel ama haan loogu talo galay in lagu lunsado hantida umadda ee abaaraha iyo sixir bararku halakeeyeen. Waxaanu u aragna in ay tahay tuugo sharciyaysan oo looga faa’iidaysanayo hantida umadda iyo dhaqaalaha kooban, waxaanu u aragna awooddii masuuliyiintu shacbiga u hayeen oo ay si khaldan u adeegsadeen waxaanay noqon karta khiyaamo Qaran. Ibraahin Gadhle wuxuu yidhi;

Tuuggu waa is qarin jiray,

Tulud halkuu ka qaatana,

Tahan buu ka guura,

Todobaadkan xaajow,

Kuwa tiriig sita yimid.

“Waxaan u soo jeedinaya wasiirka, safiirka iyo xoghayahaba maaddaama fadeexaddaasi soo baxday iyaga oo xil qaran dalka u haya in ay maanta is casilaan barri maaha ee maanta in ay iscasilaan, waxaanu soo jeedinayna in madaxweynuhu xilka ka qaado haddii aanay is casilin, islamarkaana uu Madaxweynuhu umadda u caddeeyo waxa uu shirkaddan ka og yahay iyo in uu isagu masuuliyiintan u wakiishay,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro.

Waxa uu intaasi sii raaciyay “Waxa kale oo la yaab lahayd in masuuliyiintani yidhaahdeen markii ay shirkadda sharxayeen Somaliland lama citiraafin sidaas darteedbana loo sameeyay shirkaddan si ay u fududayso maalgashiga Somaliland, labada agaasime ee shirkaddu waa wasiirka arrimaha dibadda iyo safiirka ma citiraafka ay wasiirnimo iyo safiirnimo ku keeni waayeen ayay ku keenayaan shirkad?

Wasiir Sacad Oo Sharraxay Shirkadda Imaaraadka

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.