Dr Cirro Oo La Waydiiyay Sababta Aanu Somalia Ugu Jawaabin

0
1,064 views
Dr Cirro Oo La Waydiiyay Sababta Aanu Somalia Ugu Jawaabin

Dr Cirro Oo La Waydiiyay Sababta Aanu Somalia Ugu Jawaabin

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa la waydiiyay su’aalo ku saabsan fikradaha xisbiga ay loolamaan ee Kulmiye faafiyo ee ku saabsan in uu Soomaaliya u janjeedho waxaana su’aalaha la waydiiyay ka mid ah eedo ku saabsan in aanu 18 May ka qayb galin iyo in aanu u jawaabin madaxda Soomaaliya xilliyada ay Somaliland is hayaan.

Dr Cirro wuxuu sheegay in ay Soomaaliya marar badan u jawaabeen laakiin, masuuliyadda koobaad saaran tahay xukumadda Kulmiye “Xukumadda la raba in ay (Somalia) u jawaabto laakiin, arrimaha ku saabsan Qaranka waanu ka hadli karna, waxaan se is leeyahay arrinta Soomaaliya iyaga(Kulmiye) ayayba ku cadday oo wataa la leeyahay Heshiiska (Berbera) Soomaaliya u saxeexday, marka cid ay imika ku eedayn karaan Soomaaliya ma jirto, anaguna arrintaasi boqol jeer baanu ka hadalnay iyagana nooga dhaw Soomaaliya xidhiidh gaar ah oo aanu la leenahayna ma jirto,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Madaxweyne xigeen Saylici ayaa dhawaan ku eedeeyay Dr Cirro in uu waligii hal mar ka qayb galay xuska 18-ka May waxaanu sheegay in madaxweyne xigeen Saylici tiradaasi ka khaldan tahay laakiin, uu maalinta Qaran ee 18 May marar badan ka qayb galay mararka qaarna uu dalka ka maqna. Waxa uu eeddaasi ku sheegay mid lagu deedafaynayay mawqifkiisa ka dhanka ah in xuska loo raro 15-ka May.

Halkan ka daawo Waraysi su’aalo badan lagu waydiiyay Dr Cabdiraxmaan Cirro

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.