Dr Cirro Oo Guddoomiyenimada Waddani Ku Wareejinaya Cabdiqaadir Jirde

0
608 views
Dr Cirro Oo Guddoomiyenimada Waddani Ku Wareejinaya Cabdiqaadir Jirde

Dr Cirro Oo Guddoomiyenimada Waddani Ku Wareejinaya Cabdiqaadir Jirde

Wargeyska Geeska Afrika ee Hargeysa ka soo baxa ayaa ku warramay in guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ku jiro qabanqaabada wareejinta kursiga guddoomiyaha xisbiga.

Kursigan ayuu ku wareejinaya xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo hore u ahaa guddoomiyaha ku meelgaadhka ah sharciyanna ay ahayd in marka xisbigu guulaysto lagu wareejiyo guddoomiyaha. Xildhibaan Jirde ayaa todobaadkan dalka dibaddiisa ka soo noqday. Sidoo kale hoggaamiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa shalay dalka soo gaadhay.

Isbedelkan la filayo in uu ka dhaco guddoomiyaha rasmiga ah ee xisbiga ayaa u muuqda mid qayb ka ah isbedelka xisbigu ugu diyaar garoobayo doorashooyinka soo socda. Waxa hore guddoomiye xigeenka xisbiga looga dhigay Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka soo jeeda gobolka Sool, halka xoghayaha guud ee xisbiga laga dhigay siyaasi ka soo jeeda Beesha Ciidagale, halka la filayo in musharraxa xisbigu sii ahaado Dr Cabdiraxmaan Cirro.

Arrintan ayaa haddii ay dhacdo meesha ka saaraysa dacaayadaha ka dhanka ah ku meelgaadhnimada Cabdiqaadir Jirde oo dadka xisbiga dhalliila ku sheegi jireen xil waraabe u taag ah oo aanay waxba ka jirin.

Doorashadii madaxtooyada ee dabayaaqadii sanadkii hore ayaa cashar u noqotay xisbiga Waddani waxaanay ahayd shaybaadh siyaasadeed oo lagu ogaaday waxa ugu weyn ee bulshadu codka ku bixiso oo u muuqday in xisbiga ay iska dhex arkaan uun codkooda siinayaan.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here