Dr Cirro oo Burco lagu soo dhaweeyay+ Sawirro

0
461 views
Dr Cirro oo Burco lagu soo dhaweeyay+ Sawirro

Dr Cirro oo Burco lagu soo dhaweeyay+ Sawirro

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo hoggaaminaya wefti xisbigiisa ah ayaa galinkii dambe ee maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Dadweynaha taageera xisbiga ayaa si diirran u soo dhaweeyay weftiga Dr Cirro.

Guddoomiyaha ayaa caawa fagaare kula hadli doono dadweynaha xisbiga taageera ee magaalada Burco waxaanu kala hadli doona xaaladda xisbiga iyo qorshihiisa isaga oo uga mahadcelin doono codkii ay xisbiga siiyeen iyo isbarbar taaggii doorashadii sanadkii hore oo uu xisbigu aamminsan yahay in isdaba marini dhacday.

Dr Cirro ayaa hore ugu soo mahadceliyay bulshada gobolka Awdal oo xisbigu cod laxaad leh ka helay waxaana la filaya in uu gobollada bariga gaadhsiiyo mahadcelinta maaddaama uu ku xoog badan yahay.

Dr Cirro oo Burco lagu soo dhaweeyay+ SawirroDr Cirro oo Burco lagu soo dhaweeyay+ SawirroDr Cirro oo Burco lagu soo dhaweeyay+ SawirroDr Cirro oo Burco lagu soo dhaweeyay+ SawirroDr Cirro oo Burco lagu soo dhaweeyay+ SawirroDr Cirro oo Burco lagu soo dhaweeyay+ Sawirro

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.