“Dr Abiy Waa Nin Garanaya Siyaabaha Cul Culus Ee Somaliland Iyo Itoobiya Iskugu Xidhan Yihiin,” Prof Buuba

0
500 views
“Dr Abiy Waa Nin Garanaya Siyaabaha Cul Culus Ee Somaliland Iyo Itoobiya Iskugu Xidhan Yihiin,” Prof Buuba

“Dr Abiy Waa Nin Garanaya Siyaabaha Cul Culus Ee Somaliland Iyo Itoobiya Iskugu Xidhan Yihiin,” Prof Buuba

Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, iyo Masuuliyiinta Xisbiga Waddani,ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in xidhiidhka Somaliland uu sii xoojin doono raysalwasaaraha cusub ee Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, waxaanu sheegay inuu yahay hogaamiye fahmaya xaalka mandaqada gobalka Geeska Afrika iyo doorka Itoobiya.

Dr. Buubaa oo uu waraysi la yeeshay wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu muhiim ku tilmaamay inay wada hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo xusay in meesha laga saaro hadalada weerarka iyo weerar celiska ah.

Waraysiga oo uu Siyaasi Buubaa amuuro kale kaga hadlay wuxuu u dhacay sidan:

Raysal-wasaaraha Itoobiya loo doortay, sidee ayaad u aragtaa?

Waa arin taariikhiya, oo muddo dheer Itoobiya Muslim kama talin, taas oo kaliya maaha ee haddana waa nin Oromo ah, oo Oromadu waa qoomiyada ugu balaadhan Itoobiya, oo iyagu waayahaas kamay talin Itoobiya oo dhan, ta saddexaad ninkani waa nin mutacalin ah, oo Geesku maanta wuxuu ku sugan yahay, guud ahaan fikirka uu Gobolka ka qabo, iyo waxyaabaha loo baahan yahay waa nin aad uga war haya oo aad u fahmaya,ta afaraad Siyaasada Caalamka waa nin u dhuundaloola,oo doorka ay Itoobiya ku leedahay mandaqada waa nin og, Itoobiyana waa xaruntii midawga Afrika, imaansha Dr. Abiy ee Raysal-wasaaraha Itoobiya waa mid imika Xisbiga ogolaaday, waxaana u dhiman oo qudha Baarlamaankii, shakina kuma jiro inuu Baarlamaankuna ogolaan doono, shakina kuma jiro inuu Raysal-wasaaraha Itoobiya uu noqonayo.

Maxa iska bedeli kara xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland, madaama uu Raysal-wasaare ka soo jeeda qoomiyada oromada la doortay?

Xidhiidhku inuu sii wanaagsanado mooye, wax dhibaato ah oo iman kara anigu ma arko, sababtoo ah waa nin ku xeel dheer dhinaca amniga mandaqada, waa nin leh aqoon milatari, siyaabaha cul culus ee Somaliland iyo Itoobiya iskugu xidhan yihiin, waa nin si wanaagsan u garanaya, anigu ma filayo wax is bedela ah oo dhiba oo ku iman karta Siyaasada Itoobiya ee Somaliland Raysal-wasaaraha cusub awadii.

Sidee ayaad u aragtaa in si rasmiya Maamulka Hawada Somaliland in lagu wareejiyo Somaliya, oo Xafiiskii Nayroobi loo raro Xamar?

In Maamulka Hawada la geeyo Xamar iyo in la geeyo Hargeysa,labaduba waa wax furan, waana wax ku xidhan wada hadal iyo sida loo maamulan karo, laakiin se arintani waa arin ku xidhan madax banaanida qanuuniga ah ee Somaliland, markii ay Somaliland iyo Somaliya ay isku noqdeen Jamhuuriyada Somaliyeed, arintii ayaa wali taagan taasina wali Xamar bay ku dhisan tahay, ilaa arintaas wax iska bedelaan, in intaas wixii la sameeyn karo ee dadaal ah waa lagama maarmaan, waana in la wada hadlo, oo sida ugu haboon ee Diyaaradaha dusheena maraya, ee Caalamka u kala gooshaya looga war hayn lahaa, waxna looga wada qaban lahaa baa loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo, laakiin se Somaliland kolka ay la soo wareegi doonta Hawadeeda, si dhulkeeda ka xukunto, waa markay hesho Ictiraafka Dawliga, ee markii aynu 1960 isku darsanay Somaliya laga soo noqdo, oo laba dal mid waliba waxeeda sideeda u maamulato, marka uu yimaado ayaa la soo celinayaa, ilaa inta ay taasi imanaysana, waxa loo baahan yahay si caqli ku dhisan iyo danta Caalamkana in arinta lagu wada maamulo, laakiin in aan la siyaasadayn ayaa loo baahan yahay arimahaas oo kale.

Sidee ayaad u aragtaa baaqyada uu baarlamaanka Soomaaliya ka soo saaray heshiisyada maalgashi ee dekeda Berbera?

Sida aan horeb u sheegay waxaan idhi Barlamaanka Somaliy arintaas wuu ku deg degay, waxay ahayd arin maamul oo loo dhigay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, laakiin runtii laba arimood ayaa isa saaran, waa Dekadda, iyo Saldhiga Milatari, arimaha DP World iyo Somaliland halkoodii ayey yaalan, oo Somaliland saamiga la siiyey, sida aan hore u idhi waa mid duudsiyaya Somaliland, waana in wax laga qabtaa, Dawladdana aad iyo aad baan ugu boorinayaa inay arintaas mar labaad eegto, kuna noqoto, si wanaagsana ula hadasho DP World, laakiin haddii la doonayo inuu Wadankani horumaro, oo Geeska Afrika dego, waa in lagu wada shaqeeya wax la isku raacsan yahay.

Ictiraafka Somaliland maxa hor taagan, sidee se ayey Somaliland ku heli kartaa Ictiraaf Caalamiya?

Ictiraafka Somaliland ee Caalamkuna wuxuu u baahan yahay in labadii dal ee midoobay saani u wada fadhiistaan, oo si degan oo Caalamkuna ka war hayo, oo si wanaagsan ula socdo, midawga Afrika ha noqdaan, Qaramada Midobay ha  noqdaan, ama ururada kale ee mandaqada ha noqotee, waa inay la socdaan in si wanaagsan loo dhammeeyo, oo arinta ha laga daayo qiila iyo qaala, ee aan micno cidna aan u sameeynayn

Sida hadda muuqata Somaliland iyo Somaliya aragtiyo aad u kala fog ayey qaateen ee siday u wada hadli karaan?

Waa lagama maarmaan inay wada hadlaan, wada hadalkana danta Somaliland baa ku jirta, danta Somaliya ayaa ku jirta, danta Geeska Afrika ayaa ku jirta, danta Caalamka ayaa ku jirta.

Sidee ayaad u aragtaa mawqifka Xisbiga Waddani ee ah in Komishanka Doorashooyinka  la kala diro?

Sida uu Xisbiga Waddani u sheegay kuma kalsoona, Komishankani siday wax u maamuleen Doorashadii ina dhaaftay iyo waxa laga filayo Doorashooyinka soo socda, markaas Xisbiga Waddani wax kalsooniya kuma qabo Komishankan, sidaas awgeed waxa lagama maarmaan ah in la wada fadhiisto, oo sidii arintaas wax looga qaban lahaa laga wada hadlo.

Sidee ayaad u aragtaa Sicir bararkan wali taagan?

Arimaha ay Dawladdu soo qadintay ee ay tidhi Sicir bararka ayaanu wax kaga qabanaynaa, maaha wax sicir bararka wax lagaga qaban karo, ee waa wax dilaya  dadka dan yarta iyo ganacstada, ee aniga waxay ila tahay Dawladdu shilinkan ay daabacayso, ha ka fikirto, oo inta aanu shilinku daamanad lahayna oo uu iska hayey waxaas iska sabaynaya sicir bararka in la xakameeya wey adkaanaysaa, lacagaha laba ayaa loo qaybiyaa, lacagi waa lacag iska sabaynaysa, lacagina waa lacagta adag, oo la hubo, markaas anigu waxaan ku talin lahaa in lacagta Somaliland lacag adag oo la hubo in lagu qotomiyo, dhibaatada ugu weyna runtii waxa wada dawladda, ama ha noqoto shilin ay daabacayso, ama warqad intay khad soo mariso, ay leedahay waa lacag oo doolarkii lagaga gurayo, wadanka, ee ha loo fiirsado labadaas, dawladda ayaana dhibaatada wada ee dawladdu dadka dhibaatada ha ka dayso.

Sidee ayaad u aragtaa dooda Xildhibaanada Wakiilada ee ku waajahan Mooshinka ka dhanka ah Maayarada iyo Golayaasha Deegaanka?

Dood caafimaad qabta ayaa runtii ka socata Golaha Wakiilada, hana sii socoto, oo wixii Dimuqraadiyada wax yeelaya waa in laga daaya, oo uu Maayarku noqdaa qof lala xisaabtami karo, oo waxa lagula xisaabtami karana waa inuu noqdaa wax macquul ah,

Source: Geeska Afrika

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here