Dr Abiy Oo Sucuudiga Gaadhay & Ballan Loo Sameeyay

0
765 views
Dr Abiy Oo Sucuudiga Gaadhay & Ballan Loo Sameeyay

Dr Abiy Oo Sucuudiga Gaadhay & Ballan Loo Sameeyay

Riyad(Sayruuq)  Ra’isal wasaaraha cusub ee Itoobiya Dr Abiy Axmed Cali ayaa gaadhay caasimadda Sucuudiga. Waxa uu dalkaasi ku tagay bookhasho rasmi ah oo laba cisho ah taas oo uu u fidiyay Boqorka Sucuudiga Salman bin Abdulaziz Al-Saud.

Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa ka mid ah dalalkii u horeeyay ee bogaadiya doorashada Dr Abiy Axmed waana dalkii afraad ee uu bookhdo muddadii uu xilka hayay isaga oo hore u bookhday Jabuuti, Sudan iyo Kenya.

Dawladda Sucuudiga ayaa sheegtay in ay sii dayn doonto maxaabiista Itoobiyanka ah ee ku xidhan dalkeeda, taas oo ah ballanqaad u muuqda xidhiidh fiican oo labada dal yeeshan.

Sucuudiga ayaa si weyn u danaynaya hoggaaminta gobolka Bariga Dhexe iyo saamayn uu ku yeesho Geeska Afrika, halka Itoobiya doonayso sii wadida awooddeeda Geeska iyo guud ahaan Afrika.

4 Ujeedo Oo Itoobiya U Danaynayso Dekedaha Geeska

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.