Dr Abiy Axmed Oo Warqad Gaadhsiiyay Madaxweyne Geelle

0
533 views
Dr Abiy Axmed Oo Warqad Gaadhsiiyay Madaxweyne Geelle

Dr Abiy Axmed Oo Warqad Gaadhsiiyay Madaxweyne Geelle
Jabuuti(Sayruuq) Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle u muujiyay in xidhiidhka labada sidiisii ahaado kadib markii qalalaasaha gobolka Soomaalida Itoobiya ka dhacay saameeyay xidhiidhka labada dal. Muwaadiniin reer Jabuuti ah ayaa si axmaqnimo ah loogu laayay magaalada Diri Dhaba taas bedelkeedana dalka Jabuuti ayaa si aargoosi ah loogu waxyeeleeyay dad reer Itoobiya ah.
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Dr Workneh Gebeyehu ayaa shalay warqad ka socota Dr Abiy gaadhsiiyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle taas oo xambaarsan tacsi uu ra’isal wasaaruhu uga dirayo madaxweynaha Jabuuti dhibaatadii muwaadiniintooda loogu gaystay gudaha Diri Dhaba iyo in aanay arrintaasi wax saamayn ah ku yeelan xidhiidhka labada dal.
“Dhacdooyinkii dhawaa ee Diri Dhaba waxba uma dhimayaan bahwadaagnimada Istaraatijiga ah ee Jabuuti iyo Itoobiya. Xidhiidhka soo jireenka ah hore ayaa loo sii wadi doona lana sii xoojin doona,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Gebeyehu sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.
Wasiirku waxa uu sheegay in uu ra’isal wasaaraha ka sido warqad tacsi ah oo xambaarsan murugo iyo sida ay uga xun yihiin dhacdooyinka dhawaa, isaga laftiisuna uu dareenkaas la wadaagay dawladda Jabuut.

“Run ahaantii dadka reer Jabuuti iyo Itoobiya waxay leeyihiin isku xidhnaan xooggan oo dhanka taariikhda iyo dhaqanka ah, oo ay ka mid tahay in ay dhiig wadaagaan,” Sidaas ayuu wasiirku sheegay wuxuuna tilmaamay in aanay dhacdooyinka labada dal ee maalmahan dhawa waxba ka bedeli doonin sawirka guud ee xidhiidhka labada dal, islamarkaana boolisku gacanta ku hayo dad falalkaasi lagu tuhmayo oo sharciga la soo taagi doono.

Geesta kale sida ay baahisay wakaaladda wararka Itoobiya madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu ka garaabay falcelinta madaxda Itoobiya waxaanu dadka reer Itoobiya ee cabsida uga cararaya Jabuuti ku boorriyay in ay is dejiyaan oo joogaan, isaga oo u dammaanad qaaday in aan dhib loo gaysan doonin dawladduna amnigooda ilaalin doonto.
Labadan dal oo xidhiidh dhaw leh waxa uu dhanka Jabuuti shaki ka galay sii socoshada cilaaqaadka markii Itoobiya la heshiisay Ereteriya laakiin, Itoobiya oo dareenkaas ka jawaabaysay waxay sheegtay in ay Jabuuti gaadhsiisay qoraal ku saabsan in Itoobiya dhexdhexaadiso Jabuuti iyo Ereteriya lamana oga in Jabuuti arrintaasi aqbashay.
Source: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.