DP World Oo Isha Ku Haysa Magaalo Itoobiya Ah

0
614 views
DP World Oo Isha Ku Haysa Magaalo Itoobiya Ah

DP World Oo Isha Ku Haysa Magaalo Itoobiya Ah
Addis Ababa(Sayruuq) Shirkadda maamusha dekedda Berbera ee DP World ayaa isha ku haysa xarun weyn oo ay ka samaysato magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya. Shirkaddan reer Imaaraad ayaa sheegtay in ay ka faa’iidaysanayso Itoobiya oo ogolaato in ganacsiga gaarka loo leeyahay la dhiiri geliyo waxaanay xaruntani sahli doonta in alaabooyinka laga soo dejiyo dekedda Berbera lagu kaydiyo si ay ugu sii gudbaan qaybaha Itoobiya ama dalalka ka baxsan ee aan badda lahayn.

Guddoomiyaha shirkadda DP World Axmed Bin Sulayman waxa uu sheegay in ay socoto daraasadda jidka isku xidha Berbera iyo Itoobiya (Berbera Corridor) kaas oo haddii la dhiso Berbera ka dhigaya xuddunta Badda cas ee isku xidha Africa, Yurub, Bariga dhexe ilaa bariga fog.

Bin Sulayman waxa uu sheegay in ay sahlan tahay horumarin lagu sameeyo dekedda Berbera iyo Free Zone la dhiso laakiin, taasi ay ku xidhan tahay sida maalgashadeyaashu amateed ugu helaan isticmaalka dekedda. Waxa uu sheegay in ay dawladda Itoobiya ka sugayaan tafaasiil ku saabsan doorkooda dekedda kadibna ay hiigsan doonan xarun ku taalla Itoobiya gudaheeda.

“Hadafka ah in dekeddan laga dhigo xarunta isku xidha Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, DP World waxay maanka ku haysa in ay ka qayb qaadato hirgelinta Corridor-ka (Jidka Isku Xidha Berbera iyo Wajaale). Sidaas awgeed DP World waxay indhaha ku haysa go’aanka dawladda Itoobiya iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay kuwaas oo qayb ka qaadanayo qaybta alaabooyinka. Marka ay faahfaahina loo baahan yahay soo baxaan ee la cayimo bartilmaameedka koowaad ee DP World wuxuu noqonaya Diridhaba,” Sidaas ayuu sheegay Bin Sulayman.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire waxa uu wargeyska Itoobiya ka soo baxa ee The Reporter u sheegay in jidka isku xidha Berbera iyo Wajaale oo ay ku baxayso lacag dhan $90 Milyan dollar ay qayb ahaan maalgalinayso dawladda Imaaraadka, islamarkaana haddii loo baahdo Itoobiya la waydiisan doono caawimaad. Waxa uu sheegay in hiigsiga dekedda Berbera yahay in ay Itoobiya siiba qaybta Bariga ee Soomaalidu degto u adeegto.

Mekonnen Abera agaasimaha hay’adda arrimaha badda u qaabilsan Itoobiya waxa uu bishii May sheegay in aanay ahayn in la isku qaso mashruuca horumarinta dekedda Berbera iyo jidka Wajaale ilaa Berbera. Waxa uu sheegay in uu yahay jid ganacsiga saaciday waxaanay Itoobiya dhistay qaybta dalkeeda.
“Jabuuti ku Noqon Mayno Ee Somaliland Baanu Xoogga Saarayna,” DP World
Source: The Reporter
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.