“Doorasho Caddaalad Ah Bay Ahayd,” Uurcadde

0
737 views
“Doorasho Caddaalad Ah Bay Ahayd,” Uurcadde

“Doorasho Caddaalad Ah Bay Ahayd,” Uurcadde

Hargeysa(Sayruuq) Maxamed Cabdillaahi Uurcadde xoghayihii guud ee xisbiga Waddani ayaa sheegay in xisbiga Waddani si caddaalad ah looga helay doorashadii madaxtooyada ee sanadkii hore Somaliland ka dhacday. waxa uu sheegay in aanay wax ku shubasho ah lahayn laakiin, si sax ah loogu kala adkaaday. Hadalka xoghayaha ayaa yimid maalmo kadib markii guddida fulintu xilka ka xayuubisay horena loogama maqal hadalkan dhabar jabka ku ah xisbiga Waddani oo aaminsan in doorashadii madaxtooyada lagaga shubtay.

“Anigu runtii marka aan hor Illaahay u hadlaayo ee aanan cidna dhinac saarayn haddii aan dhinac saarayana aan xisbigayga dhinaca saari lahaa aan umaddaydii oo dhan iyo ilmaadeeraday oo dhan uga tagay; waxa weeye maanta ma hayno haddii aanu nahay xisbiga Waddani_ waa sanaaduuq la tiriyay waxa lagu kala badiyay, haddii ay jirto hal warqad oo ku jirta sanduuq sanaaduuqda ka mid ah oo aanu ka cabanay oo Komishankuna noo diiday in uu wax ka qabto oo aanu maxkamadda u gudubnay oo Maxkamadduna naga raacday Kulmiye cabashada Waddani cabanaya waa sax,” Sidaas ayuu yidhi Uurcadde.

“Tartan marka la yidhaa in aanu helno iyo in nalaga helaba waanu ugu talo galnay waana caadi, meesha kumaanu qabsanayn inqilaab oo askar maanu ahayn, illlawba illaw waa in aanu helnana may ahayn, ninkii ku fikirayna waa mid aan jirin. Tartan baa la yidhi waxaana na kala saarayay  shacabka Somaliland, waar halka ay u bateen in aanu u hoggaansano maanan ku khasbanayn? Anigu waxaan u arkaa doorasho caddaalad ah, aan ku shubasho ahayn wax u dhawna ahayn ee si sax ah u dhacday laakiin, way jiraan khaladaad maamul oo anba aanan ogolayn taasina waa gaar oo xisbiyada oo dhanba laga wada galay tusaale ahaan carruur ba codaysay ma cid gaaray u codaysay?Somaliland oo dhan bay carruuri ka codaysay,” Sidaas ayuu yidhi.

Uurcadda waxa uu guddoomiye Cirro ku eedeeyay masuuliyadda dadkii ku waxyeeloobay rabshado ka dhashay natiijada doorashada waxaanu sheegay in hadalkiisu sabab u ahaa. Waxa uu sheegay in uu kula taliyay in uu natiijada aqbalo oo laga helay markii u horaysay ee ay Komishanka galeen.

Halkan Guji oo daawo waraysi kulul oo Uurcadde siiyay Horn Cable

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here