“Doorashadii Ugu Wanaagsanayd Ayay Komishankan Qabteen,” Kulmiye

0
400 views
“Doorashadii Ugu Wanaagsanayd Ayay Komishankan Qabteen,” Kulmiye

“Doorashadii Ugu Wanaagsanayd Ayay Komishankan Qabteen,” Kulmiye

Hargeysa(Sayruuq) Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye waxa uu sheegay in aanay aqbalayn labada soo jeedimood ee mucaaradka kuwaas oo ku saabsan in la kala diro Komishanka ama la kordhiyo. Waxa uu xisbiga Kulmiye sheegay in doorashooyinka wakiillada iyo goleyaasha degaanku dib u dhici karaan dhawr bilood.

Shalay ayaa hoggaanka mucaaradka Somaliland shaaciyay in ay ka baxeen wada hadal ay kula jireen xisbiga Kulmiye kadib markii Kulmiye diiday soo jeedinta xisbiga UCID oo ah in la kordhiyo Komishanka iyo soo jeedinta Waddani oo ah in la kala diro lana abuuro komishan cusub.

Guddoomiye xigeenka Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo qabtay shir jaraa’id oo uu su’aalaha wariyeyaasha ka cudur daartay waxa uu sheegay in komishanka hadda jooga yahay kii qabtay doorashadii ugu wanaagsanayd ee Somaliland ka dhacda.
“Haddii aanu nahay Kulmiye waxaanu aamminsanahay dad badan oo adduunka ah ama Somaliland ahna nooga makhraati furayaan doorasho ka dhacda Somaliland doorashadii ugu quruxda badnayd ee ugu wanaagsanayd in ay inoo qabteen Komishankani oo ay abaal marin ka mutaysteen shacabka Somaliland iyo xisbiyadaba,” Sidaas ayuu yidhi Axmed Cabdi Dheere.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.