Dooni ku Dagtay Xeebaha Liibiya Ayaa Sababtay Dhimashada 200 Kor U Dhaafaysa

0
60 views

Tripoli(Sayruuq) – Warar Waqooyiga Afrika naga soo gaadhay ayaa sheegaya in Doon siday 250 Tahriibeyaal ah ayaa ku dagtay Badda u dhexaysa Libya iyo Talyaaniga, waxaana ku dhintay baddiba rakaabka saarnaa doonta sida uu sheegay Afhayeen u hadlay ciidanka Badda Libya. Doonta ayaa ku degtay Xeebta Tajoura oo u dhaw Libya.

Hayadaha Gumadka iyo xubna ka tirsan Ciidamdda badda liibiya ayaa sheegay in 26 qof oo kaliya laga badbaadiyay 250 Qof oo saarnaa Doonta “Waxaa jira Maydad badan oo sabanaya badda dhexdeeda” ayuu Afhayeenku u sheegay Wakaalada Reuters, isagoo intaasi raaciyay inay ciidanka baddu aanay haysan tayo iyo qalab badan oo ay ku badbaadiyaan dadka wali la rajaynayo inay bad qabaan.

Ila hada Lama Oga dhalashada rasmiga ah ee dadkaasi balse Ayuub Qaasim waxa uu sheegay inay dadkaasi u badnaayeen African.

Geesta kale Dawladda talyaaniga ayaa todobaadkan sheegtay in Sanadkan 2014-ka 100,000 oo Tahriibeyaal ahi soo gaadheen xeebaha Talyaaniga.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.