Dooddii Adkayd Ee Dhexmartay Prof Cabdi Cali & Madaxweyne Biixi

0
1,027 views
Dooddii Adkayd Ee Dhexmartay Prof Cabdi Cali & Madaxweyne Biixi

Dooddii Adkayd Ee Dhexmartay Prof Cabdi Cali & Madaxweyne Biixi
Fadhigii…….

Markiiba waxanu gallay mawduucii; waxan idhi sidee wax u dhaceen; haddii aad sidan yeelayso maad noo sheegtid; kuye wallahi Maxd Kahin oon aan idhi wasiir baad tahay mooyee cid kale uma bixin. Waxan ku idhi xataa markaad ku dhawaaqday, waar sidaas baan wax idhiye, la soco, ar danbe mooyaane maad tidhaahdid!!wuxu yidhi dee markaa raadiyaha ayaaba laga sheegay, maxaa faa’iido ah! ismaanu fahmin, anna kuma celin su’aashii.

Intaas ka dib waxan galnay garnaqsigii; wuxu ahaa mid la xidhiidha dhqankeena sjyaasadeed iyo sida reeraha Sacad Muse wax u qaybsadaan, taasoo aan kaga gar helay; indhahaa so baxay; muu moodeyn in aan dhaqanka siyaasadda ee Sacad Muse iyo sida ay wax u qaybsadaan aan aqoon illaa xadkaas ah u leeyahay; wixii ku dhacay mar uu is yidhi yool habaabi; uu ku waashay waa runtaa, illàa uu gartii I siiyay; Carab buu i moodayay!!! Ilaahay muxuu ogaa!!!

Anigu waxan jecelahay in aan idiin faahfaahiyo, si dhalinyarooy aad u barataan casharkaas dhaqan siyaasadeedka ah, laakiin qaar idinka mid ah ayaa odhan doona, maxaa macallinkii ku dhacay, sawkan qabyaaladdii dabbaashay; anigu sidaa uma arko, ee ma waxan dafirnaa dhqankeena siyaasadeed; taas waxan u arkaa in ay ka dhigan tahay shanta farood oo wajiga la saaro iyagoo kala tagsan, tiiyoo dhexdooda laga eegayo sida dameerku hawshiisa u gudanayo!!!

Anigu ma jecli, mana qabo inuu caddalad yahay nidaamkaasi, waliba maalintaan jaanis u helo ballan waxan ku qaadayaa in aan dumiyo ama ugu yaraan aan gagabiyo,kolba wacyiga iyo awoodda aan haysto iyadoo ku xidhan, iyadoo waliba aan mar kaliya xiddidada loo saarayn, si aan khatar ka wayni uga iman. Haddaba waxa igu qasbay in aan sidaa ula garnaqsado iyadoo dawladda lagu soo dhisay dhaqankaas siyaasiga ah.

Haddaba, walaalayaal, ma idiin wadaa mise sidiinii baydin iska wada dhigi dad aan qabyaalad shaqo ku lahayn, deedna anigaa igaga yaaci doontaan, inta igu orisaan. Wallahi, waxan qabaa haddii la raaco, oo si dacad ah oo bilaa munaafaqad ahna loo adègsado in lagu meel gaadhi karo sidii awowyadeen, inta aynu ka guurayno!!!!

Bal haddaba I soo fasaxa; waliba isla fadhigan waxa aan idinkula wadaagi doonaa arrin kale oo dhulka ila jaray!!!!!! I rumayso maalintaas ayaan xagga niyadda iska casilay xukuumadsiisa, waxanse ku dhawaaqay afar bilood ka bacdi maalintii uu iska rumaystay ashkatadii wasiir Cawaale ee uu telefonka ku attixiyaadsaday!!!

Ma socdaa mise?
Siyaasi Prof Cabdi Cali Jaamac

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.