Dood Dhexmartay Madaxweyne Biixi Iyo Turkiga

0
994 views
Dood Dhexmartay Madaxweyne Biixi Iyo Turkiga

Dood Dhexmartay Madaxweyne Biixi Iyo Turkiga

Madaxweynaha Somaliland ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilsay wefti sare oo Turki ah Salaasaddii ka hor intii aanu u ambabixin dalka Imaaraadka Carabta oo uu ka helay marti qaad rasmi ah. Kulankan lama filaanka ahaa ee weftiga Turkiga iyo madaxweynaha Somaliland ayaa lagu lafo guray xidhiidhka aan fiicnayn ee Somaliland iyo Turkiga.

Wargeyska Foore oo Hargeysa ka soo baxa ayaa sheegay in kulankaasi uu ka helay xogo rasmi ah oo ku saabsan arrimaha laga wada hadlay. Waxa uu ku warramay in Madaxweyne Muuse farta ka saaray weftiga reer Turki tabashada Somaliland ee ah in aanu dhex u ahayn Somaliland iyo Somalia oo isku haya qaddiyadda xorriyad la noqoshada Somaliland, islamarkaana uu la safan yahay Soomaaliya.

Wargeyska ayaa intaas ku daray in Madaxweyne Biixi u sheegay dawladda Turkiga in ay ka war qabaan in buuqii dhawaan Soomaaliya ka samaysay heshiiska DP World ee Berbera ay dabada ka riixaysay dawladda Turkigu, islamarkaana lacag ku bixisay fadhigii baarlamaanka Muqdisho. Waxaanu ku dooday in aanay Somalia xaq iyo awood midna u lahayn hor istaagidda hawlaha Somaliland.

Waxa kale oo ay xoguhu intaas ku dareen in uu weftiga Turkiga u soo jeediyay in ay rartaan qunsuliyadda Turkiga uga furan Hargeysa oo aanu fahansanayn sida ay u shaqaynayso maaddaama uu dhinacsanaan ka arko dawladda ay metesho ee Turkiga.

Wargeyska intaas ku daray in dhinaca Turkigu ka garaabay tabashooyinka, islamarkaana soo jeediyay in la wanaajiyo arrimaha la kala tabanayo. Waxaanay ballanqaadeen in wixii macaamil ah ay si toos ah ula samayn doonan Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa ku guulaystay in uu dhexdhexaadinta Somaliland iyo Somalia ka wareejiyo Turkiga arrintaasna waxa ka xumaaday Turkiga. Waxa uu dhawaan Madaxweynuhu sheegay in 6 sanno lagu lumiyay dhexdhexaadin aan daacad laga ahayn, islamarkaana Turkigu doorkiisu ahaa in Somaliland iyo Somalia toos u wada hadlaan iyada oo aanay cidna dhexdhexaadinayn.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.