Diyaaraddii 1977 Af-duubka Lagu Keenay Muqdisho Oo Madxaf Jarmal-ka Ku Yaalla Lagu Kaydinayo

0
79 views

Hargeysa(Sayruuq) Diyaaradda Lufthansa oo laga leeyahay dalka Jarmalka nooceeduna yahay Boening 737 ayaa Sabtidii la geeyay magaalada Friedrichshafen ee koonfurta Jarmalka. Diyaaradda waxa sannadkii 1977 afduubtay Maleeshiyo Falastiiniyiin ah xilli ay ka soo duushay magaalada Mallorca kuna sii jeeday magaalada Frankfurt ee carriga Jarmalka.

Diyaaraddan duulimaadkeedii 181 waxa 13-kii October, 1977 qafaashay Mintidiin Falastiiniyiin ah oo la rumaysan yahay in ay xidhiidh la lahaayeen Maleeshiyada Red Army Faction(RAF) oo ahayd koox bidixda fog ah oo ka hawlgali jiray galbeedka Jarmalka. Afduubeyaasha reer Falastiin oo ahaa afar nin waxay dalbanayeen in la sii daayo 11 xubnood oo ka tirsan kooxda RAF iyo arrimo kale.

Afduubeyaasha ayaa diyaaradda u soo kaxeeyay dhinaca magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya 17, October, 1977. Waxay kabtankii diyaaradda Mr Jürgen Schumann ku dileen magaalada Cadan ee carriga Yemen oo ay diyaaradda kaga soo shubteen shidaal.

Afduubka ayaa ku soo dhammaaday markii ciidamada Kamaandosta Jarmalku Muqdisho ku weerareen diyaaradda. Waxa ay dileen saddex ka mid ah afduubeyaasha waxaanay badbaadiyeen rakaabta diyaaradda oo ahaa 86 qof. Waxa hawlgalka ku dhaawacmay hal Kamaandosta Jarmalka ah iyo afar qof oo ka mid ah rakaabka.

Jarmalka ayaa diyaaraddan ka iibiyay dalka Barasiil(Brazil) sanadkii 1985 waxaana la siiyay lacag dhan $23,900 Doollar. Diyaaradda ayaa waaxda duulista ee Barasiil hawlgab ka noqotay sanadkii 2008, waxaanay dhigeen madaarka Fortaleza halkaas oo dhasku ku garaacayay ilaa todobaadadii u dambeeyay.

Diyaaradda oo hadda laga soo qaaday Madaarka caalamiga ah Fortaleza ee  dalka Brazil waxaana la keenay magaalada Friedrichshafen ee Jarmalka waxaana inta la furfuro lagu bandhigi doona carwada Dornier Museum, halkaas oo ay u ooli doonto xusuus ama taariikh ahaan. Markii la soo furtay diyaaraddan waxa uu wasiirkii arrimaha dibadda Jarmalku sheegay in ay tahay astaanta ummad xor ah oo aan la jabin Karin sida loogu guulaystay hawlgalkii lagu soo furtay.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa si weyn u baahisay diyaaraddan raqdeeda ama hadhaageeda dib loogu soo celiyay dalka Jarmalka shalay oo Sabti ah, islamarkaana xusuus ahaan loo haysan doono.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.