Diyaaradda Ethiopia Airline Oo Muqdisho Ka Dagtay

0
87 views

Diyaaradda Ethiopia Airline Oo Muqdisho Ka Dagtay

Dayaaradda Ethiopian Airlines ayaa duullimaadkeedii ugu horreeyey ee rakaab ah maanta ku tagtay magaalada Muqdisho.

Dayaaradda oo nooceedu ahaa Boeign 737 waxaa saarnaa rakaab ku dhow 50, qof waxayna dullimaadkeeda Addis Ababa – Muqdisho ku samaysay in ka yar laba saacadood, ayadoo kabtanka dayaaraddana ay ahayd duuliye dumar ah.

Rakaabkii dayaaradda saarnaa waxaa ka mid ahaa qunsulka 1aad ee safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa, Cabdullahi Maxamed warfaa.

Wuxuu BBC u sheegay in duullimaadyadan ay muhiimad u leeyihiin ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Itoobiya labadaba.

“Ganacsiyada labada dal ayuu duullimaadkan sahlayaa, waxaana mar dhow bilaaban doona duullimaadyada qaada xamuulka, waana guul u soo hoyatay ganacsatada Soomaaliyeed” ayuu yiri Warfaa.

Shirkadda diyaaradaha Eritrea oo u duushay Addis Ababa
Duulimaadkii ugu horreeyey 41 sano ee Muqdisho iyo Addis Ababa
Wuxuu kaloo ka hadlay isu socodka rakaabka ee dunida dacalladeeda.

“Soomaalida waxay u leedahay muhiimad, sababtoo ah safarradii Addis Ababa loo aadi jiray waxaa loo mari jiray dalal kale, sidoo kale dadka ku sii jeeda dalal kale ee ku sii hakanaya Addis toos ayey dunida ugu xiraysaa” ayuu ku sii daray.

Seddex xafladood ayaa lagu kala qabtay Addis Ababa ka hor intii aysan dayaaraddu ka soo duulin, in yar ka hor intii aysan soo fariisan Muqdisho ayadoom hawada ku jirta, iyo garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.
BBC Somali

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.